SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Murashax Dr Saleman Axmed Ciise oo si weyn loogu soo dhaweeyay gobolka Karkaar Magaalada Qardho

Murashax Dr Saleeban Axmed Ciise oo kamid ah Murashaxiinta u tartamaysa hogaanka Dawlad Goboleedka Puntland ayaa Saaka saacadu markii ay ahayd 8.00 subaxnimo soo gaaray Magaalada Qardho ee Gobalka Karkaar iyadoo loo samayay soodhawayn sare waxaa la arkayay dadwayne aad u farabadan oo wata sawirka Murashaxa iyo gawaari ay ku dhegan yihiin sawirka Dr Saleeban

Ugu horayntii murashaxu wuxuu gaaray hotel al aamin oo ay ku sugayeen dadweyne aad u farabadan iyo mas'uuliyen ka tirsan maamulka degmada iyo kan gobolka, halkaaso oo murashaxu ka soo jeediyay khudbad aad u soo jiidatay dadwaynihii halkaa isgu yimid, waxyaalaha uu u balaqaaday dadwayneha reer puntland inuu u qabanaayo hadii loo doorto xilka madaxwayne waxaa ka mid ahaa inuu sheegay inuu ka dhigi doono waxbarashada asaasiga ah lacag la'aan wuxuu kaloo balanqaday in uu dib u soo dhisi doono Ciidamadii Daraawiishta DGPL

Murashaxu wuxuu kaloo gaaray guriga Boqorka Boqor C/laahi Boqor Muuse (King kong) Boqorka ayaa soodhaweeyay Dr Saleeban isaga oo ugu ducceeyay in ku guulaysto muraadka uu u socdo.

Ugu danbayntii Murashaxa ayaa u ambabaxay magaalada Garoowe iyaga oo sagootinayaan dadwayne aad u farabadan oo wata gawaari ay ku dhegsanyihiin sawirka Murashaxa Dr Saleban Axmed Ciise

Cumar Maxamud
ayaanle6@hotmail.com
Qarhdo

Faafin: SomaliTalk.com | December 3, 2008

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS