SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Munaasibad markii ugu horeysay lagu soo bandhigay Ambalaasyo si mutadawac nimo uga howlgali doono Magaalada Muqdisho iyo nawaaxigeed

Sawirada Halkan ka daawo....

5 anbalaas oo loogu talagalay in ay wax ka badelaan dhawacyada lagu daabulo gaarigacanada ayaa maanta lagu soo bandhigay xarunta isgarsiinta ee shirkada nation link

Arintaan u samafalida shacabka ah ayaa waxaa iska kaashday hay.adda afica LIFE LINE AFRICA iyo shirkada isgarsiinta ee nation link waxaana ka soo qeyb galay qaar ka mid ah mas.uuliyiinta qaar ka mid ah isbitaalada Magaalada Muqdisho



Sidoo kale waxaa lagu casuumay mas.uuliyiin iyo marti sharaf kale sida abwaano .culumaa.udin dhalinyaro iyo wax garad kale oo ka socday qeybaha kala duwan ee bulshada

Qormada Xuuraan oo Xamar usoo jiidey ambalaastii (dhuudhaa) ugu horeysey ee ay helaan boqolaalka dhaawacma.  

Xuuraan: Gawaarida gargaarka degdega ah ee daadgureeya dadka Xamar, waa “Aw-gaarigacan”.

Inj Xusen Maxamed Fiidow (Xuseen Baraf )oo ah madax howlgalada ee shirkada nation link ayaa sheegay in shirkadoodu ay bixisay nambaro lacag la.aan ah oo laga wici karo mobile iyo line si howshu u fududaato

Inj Xuseen baraf ayaa sheegay in shirkadu sidoo looga bartay ay mar walbo u taagan tahay in ay danaha dadweynaha somaliyeed si hufan ugu adegto mana aha adegeeda isgariinta horumartay oo kaliye ee dhinac walbo ayey kaga adegtaa

Inj Xusen Maxamed Fiidow (Xuseen Baraf ) “ shirkada nation link mashruucaan anbalaasyada waxay ku leedahay kaalinta ugu weyn .ra.yiga ayey laheyd .dhaqaalaha ayey laheyd shirkadu .nidaamka ayey wax ku leedahay .markeetinka ( iibka ) ayey wax ku leedahay waxaan kale oo ay bixisay nambarada laga wici karo gawaarida anbalaasta ah markii ay wx dhacaan si joogto ah hal mar kaliye maaha waana mid laga wici karo markasta iyo meel walbo oo aad joogto 777 .

Gawaaridaan anbaasta ah ayaa la kala dhigi doonaa xaafadaha qaar waxaana balan qaadeen in ay ahaan doonaan kuwo heegan ah waqti kasta oo la heli karo si looga gudbo u isticmaalka dhawacyada garigacanada .

Hormuudka jaamaca Muqdisho ayaa balan qaaday darawalada gawaaridaan in ay tababar lacag la.aan ah u furi donaan

Dhanka kale agaasimaha isbitaalka madiina daahir maxamuud Daahir dheere


Gabagabadii xaflada gudoonsiinta anbalaastaan ayaa looga dalbaday hay.adaha deeqa bixiya iyo inta heli karta in ay Dabdamis ugu deqaan dadka reer Muqdisho oo iyagu marar badan ay hantidoodu hortooda ku gubato iyaga oo arkayo dabdamis la.aan

Waa markii ugu horeysay ee baabuur noocaan oo kale ah ay bixiyaan hay.ado ama shaqsiyaad marka laga rebo laba anabas oo uu bixiyey Dr Cabduqaadir Cabdi raxman Xaaji Adan oo ah maamulaha xaruunta rial dantel clinic iyo hal ambalaas oo uu bixiyey ganacsade Ku nool dalka Imaaraadka carabta ee midoobey oo hada ka shaqeeyo isbitaalka dagmada dayniile ee magaalada Muqdisho anbaasyadaan ayaa ka dhigayo tirade Gawarida anbasyada ah ee hada Muqdisho oo dhan ku sugan ayaa waxaa ay graysaa 10 xabo taas oo ah mid aan dabooli Karin baahida reer Muqdisho ay u qabaan xaga anbaasyada oo ay kaga bixi lahaayeen isticmaalka Gaari gacanada


Muuse Maxamuud Jiisow
musejisow@hotmail.com
Muqdisho Bakaaro Somalia
00252-1-5576666
00252-50-907666

Faafin: SomaliTalk.com | December 3, 2008

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS