SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Barnaamijkii Radio Xoriyo
02 December 2008.

Dagaallo badan oo lagu jabiyay ciidammada gumaysiga
Waxyeelloyin gumaysigu u gaystay dadwaynaha
Hanti kala duwan oo ciidammada gumaysigu dadwaynaha ka dhaceen
Ururka Dhalinyarada Ogadenya oo soo saaray warsaxaafadeed ay ku beeniyeen qoraal been abuur ah oo uu gumaysigu ku sheegay inaysan dambiyo dagaal ka dhicin Ogadenya.

Ururada dhalinyarada Geeska Africa oo shir ku yeeshay London

Barnaamijkii N/huraha Dhaartay iyo Dhacdooyinka Joogtada ah (N/hure Muxumed Sheikh)

======================


Dagaallo badan oo lagu jabiyay ciidammada gumaysiga


Dagaallo badan oo dhawrkii maalmood ee u denbeeyay dhex-maray CWXO iyo kuwa gumaysiga Itoobiya, waxaa gumaysiga lagaga dilay 41 askari, 40 kalana waa lagaga dhaawacay, sidaas waxaa noo soo sheegay wariyaha noga soo warrama dalka Ogaadeenya. Dagaalladaasi waxay u dheceen sidatan.

30/11/08 Aw Nuur, oo Dhagaxbuur ka tirsan, weerar lala beegsaday ciidammo gumaysigu leeyahay oo halkaas hawlgal u joogay, waxaa lagaga dilay ugu yaraan 10 askari, 9 kalana waa lagaga dhaawacay.

Isla 30/11/08 waxaa weerar gaadmo ah lagu qaaday ciidammo gumaysigu leeyahay oo ku sugnaa Aftinta, oo Awaare ka tirsan, waxaana la gaadhsiiyay khasaare aan faahfaahintiisa la haynin.

28/11/08 Yoocaale, oo Awaare ka tirsan, dagaal ka dhacay waxaa ciidammada gumaysiga lagaga dilay 2 askari, 1 kalana waa lagaga dhaawacay.

Isla 28/11/08 waxaa weerar gaadmo ah lala beegsaday ciidammo gumaysigu leeyahay oo ku sugnaa Argeegta, waxaana weerarkaas lagaga dilay 6 askari, 4 kalana waa lagaga dhaawacay.

Sidoo kale 28/11/08 Gol-dhurwaa waxaa weerar loogu gaystay ciidammo gumaysigu leeyahay oo halkaas hawlgal u joogay, waxaana la gaadhsiiyay khasaare aan faahfaahintiisa la haynin.

24/11/08 Haan-dameer, Dhagaxbuur ka tirsan, waxaa weerar loogu gaystay ciidammo gumaysigu leeyahay, kuwaasoo laga dilay 5 askari, 4 kalana laga dhaawacay.

Sidoo kale 24/11/08 dagaal ka dhacay Bardiidaha, oo Galaalshe ka tirsan, waxaa ciidammada gumaysiga lagaga dilay 2 askari, 2 kalana waa lagaga dhaawacay.

23/11/08 waxaa sidoo kale weerar gaadmo ah loo gaystay ciidammo gumaysigu leeyahay oo ku sugnaa meesha lagu magacaabo Eegi, oo Dagaxbuur ka tirsan, waxaana laga dilay 4 askari, 3 kalana waa laga dhaawacay.

22/11/08 Dhogsa, oo Dhagaxbuur ka tirsan, waxaa weerar loogu gaystay ciidammo gumaysigu leeyahay, waxaana la gaadhsiiyay khasaare aan faahfaahintiisa la haynin.

21/11/08 Falfal, oo Dhagaxbuur ka tirsan, dagaal ka dhacay waxaa ciidammada gumaysiga lagaga dilay 6 askari, 7 kalana waa lagaga dhaawacay.

20/11/08 Qara-duug, oo Awaare ka tirsan, weerar gaadmo ah oo lala beegsaday ciidammo gumaysigu leeyahay oo halkaas ku sugnaa, waxaa lagaga dilay 4 askari, 7 kalana waa lagaga dhaawacay.

03/11/08 Tamsa, oo Qabribayax ka tirsan, dagaal ka dhacay waxaa ciidammada gumaysiga lagaga dilay 2 askari, 3 kalana waa lagaga dhaawacay.

Waxyeelloyin gumaysigu u gaystay dadwaynaha

Ciidammada gumaysiga ayaa waxyeellooyin kala duwan u gaystay dadwaynaha rayadka ah ee Ogaadeenya. Waxayyeellooyinkani waxay ka dhaceen meelo kala duwan oo Ogaadeenya k mid ah, waxayna u dheceen sidatan

22/11/08 Dhogsa, oo Dhagaxbuur ka tirsan, waxay ciidammada gumaysigu ku dileen nin shacab ah oo lagu magacaabo Maxamuud Axmed C/llaahi (Cookaar).

27/11/08 magaalada Birqod waxay ciidammada gumaysigu ku xidheen nin shacab ah oo lagu magacaabo Cabdi-yare Cumar Siyaad.

23/11/08 Haan-dameer, oo Dhagaxbuur ka tirsan, waxay ciidammada gumaysigu ku xidhxidheen 4 Xerow, oo kala ah;
1- Makhtal Maxamed Khaliif
2- Cismaan Maxamuud dari
3- Axmed Shukri Maxamed iyo
4- Ina Sulu boo magaciisa oo buuxa aanaan haynin.

18/11/08 magaalada Dhagaxbuur ayay ciidammada gumaysigu ku xidhxidheen dadka kala ah;
1- Cali Siigaale iyo
2- Siraad Xasan Oog

17/11/08 magaalada Wardheer waxay ciidammada gumasigu ku xidheen gabadh lagu magacaabo NasroMaxamed Khaliif.

14/11/08 waxay ciidammada gumaysigu magaalada Qabridaharre ku xidhxidheen 7 qof oo shacab ah, oon magacyadooda ka hayno dadka kala ah;
1- C/xakiin Cali Sahal
2- Axmed Cumar Xasan iyo
3- TamaanDhaga-qool

06/11/08 magaalada Qabridaharre ayay ciidammada gumaysigu ku xidhxidheen 11 qof oo shacab ah, oo aan magacyadooda helnay;
1- Aamina Mukhtaar
2- C/llaahi Ducaale
3- C/fataax Axmed gamaadiid
4- C/llaahi Abshir iyo
5- Axmed Naasir Sh Xuseen

Hanti kala duwan oo ciidammada gumaysigu dadwaynaha ka dhaceen


Ciidammada haawayda ah ee gumaysiga Itoobiya ee ka hawlgala dalka Ogaadeenya ayaa hanti kala duwan ka dhacay dadwaynaha rayadka ah ee ku dhaqan gobollada Nogob iyo Jarar.

28/11/08 waxay ciidammada gumaysigu gubeen gabi ahaanba Tuulada Dhabiile, oo Dhagaxbuur ka tirsan. Markii ay Tuulada gubayeen waxay ciidammada gumaysigu 1000 Bir ka dhaceen gabadha lagu magacaabo Rooda Cabdi Gurey.

27/11/08 magaalada Garbo waxay ciidammada gumaysigu hanti kala duwan kaga dhaceen dad shacab ah, waxayna kala yihiin;
1- Bashiir Shariif oo 500 oo Bir laga dhacay
2- Maxamed Carab oo isagana 1000 Bir ay ka dhaceen
3- Shamis Cabdi Shiil oo 200 oo Bir ay ka dhaceen
4- C/llaahi Shiil oo ay isagana 200 oo Bir ka dhaceen iyo
5- Ruqiya Basbaas oo iyadana 200 oo Bir ay ka dhaceen.
Waxaa intaas dheer iyadoo ciidammada gumaysigu ay boob guud u gaysteen degmada oo dhan, waxaana lagu qiyaasay lacagaha ay shacabka ka bobeen ilaa iyo 28,000 oo Bir.

23/11/08 Eegida, oo Dhagaxbuur ka tirsan, waxay ciidammada gumaysigu ku qasheen 8 Neef oo Adhi ah, waxaana iska lahaa Ilma Xashi Axmed Nuu

Ururka Dhalinyarada Ogadenya oo soo saaray warsaxaafadeed ay ku beeniyeen qoraal been abuur ah oo uu gumaysigu ku sheegay inaysan dambiyo dagaal ka dhicin Ogadenya.


Ururka dhalinyarada Ogaadeenya ayaa bishan december ee aaynu ku jirno1deedii soo saaray warsaxaafadeed uu ku beeninayay qoraal been abuur ah oo aay xukuumada gumeeysiga itoobiya soo saartay bishii tagtay 26keedii. Taas oo aay ku sheegtay in wax danbi dagaal ah aayan ka dhicin Ogaadeenya

Qoraalka xukuumada gumeeysiga soo saartay ayaa daba socday warbixintii maqal iyo muuqaalka lahayd ee xadgudubyadii ciidamada gumeeysiga ka geeysteen Ogaadeenya oo bishii Juun ee sanadkan soo saartay Ururka caalamiga ah ee xuquuqda bani’aadinka u dooda ee Human Rights Watch.

Ururka dhalinyarada Ogaadeenya ayaa warsaxaafadeedka ku sheegay in dhibaatada lagu hayo shacbiga dulman ee Ogaadeenya bilaabatay dhamaadkii dagaalkii 2aad ee dunida. Isla markaana sadex waqti oo kala danbeeysay itoobiya si sharciga caalamiga ka baxsan u qabsatay Ogaadeenya, iyadoo qeybtii ugu danbeeysay ee dhulka Ogaadeenya dowlada Ingiriisku ku wareejiyay itoobiya 1954. waqtigaa iyo ka horba Soomaalida Ogaadeenya u dagaalamayeen in eey gumeeysiga is ka saaraan.

Warsaxaafadeedku wuxuu xusay in bishii juun ee 2007, dhiig yacabka itoobiya uu kaga dhawaaqay addis-Ababa in ciidamadiisu dagaal siyaasadeed iyo mid milatariba ku qaadeen shacbiga Ogaadeenya. Laga bilaabo waqtigaa ilaa iyo maanta waxeey Ogaadeenya ka wadaan ciidamada gumeeysiga xasuuq iyo danbiyo dagaal ayeey warsaxaafadeedku tidhi.


Danbiyada dagaal ee aay itoobiya geeysatay ma aha mid la inkiri karo, waxaana dhamaadkii 2007 xaqiijiyay wafdigii Qaramada Midoobay ka socday ee booqday Ogaadeenya, ka dibna heeyada Human Rights Watch oo iyadu isticmaashay aaladaha casriga ah oo aay satalaatyadu ka mid yihiin. Ayeey ururka dhalinyarada Ogaadeenya warsaxaafadeedkooda ku xuseen.

Itoobiya oo ah wadamada ugu saboolsan duniday, ayaa waxa u suurto galiyay in Ogaadeenyaa sii joogaan gumaadna ka geeysteen kaalmada wadamada reer galbeedka siiyaan xukuumada arxanka daran ayeey warsaxaafadeedku tidhi.

Ururka dhalinyaradu waxeey ugu danbeeyntii ugu baaqeen Qaramada Midoobay, Midowga Yurub, Midowga Africa iyo heeyadaha caalamiga ah in eey ka soo baxeen waajibka ka saaran fulinta shuruucyada caalamiga ah itoobiya ku qasbeen in irdaha Ogaadeenya u furto heeyadaha iyo wariyayaasha caalamiga ah in si xor ah hoowlahooda uga fushadaan dalka Ogaadeenya is la markaana cadaalada la horkeeno kuwii faray, qaadaa dhigay fuliyayna danbiya dagaal iyo kuwa bani’aadanimada ka dhanka ah ee loo geeystay shacbiga aan waxba galabsan ee Ogaadeenya.

02 December 2008

Halgan Guuleed

Radioxorio@radioxoriyo.com
Raadioxoriyo@yahoo.com

Radio Xoriyo waxaad ka dhegaysan kartaa Mawjadda 41 MB ee dhererkeedu yahay 7560 KHZ,iyo internetka Radioxoriyo.com,Ogaden.com Maalmahaa Talaadada & Sabtida 5:00PM – 5:30 waqtiga Afrikada Bari

Faafin: SomaliTalk.com | December 2, 2008

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS