SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Dibad baxyo ujeedooyin kala duwan wato oo ka dhacay qeybo ka tirsan Magaalda Muqdisho

Sawirada bannanbaxa Muqdisho halkan ka daawo...

Banaan baxayaasha ayaa ka codsaday Maamulka cusub oo in wadooyinka ciidamada ay ka qaadaan dadkii guryahooda ka barakacayna dib loogu soo cleiyo

Banaanbaxayaasha mid ka mid ah oo lagu dalbanayey in dib ay u soo laabtaan dadkii ka barakacay Muqdisho ayaa ka dhacay dagmada Cabdul casiis gaar ahaan agagarka stadio cons iyo inta u dhaxayso isbitaalka

Isu soo baxyadii ugu danbeeyey maalmahaan ayaa ka dhacay qeybo ka tirsan dagmooyinka shibis ,bondheere , yaaqshiid , karaan , iyo cabdul casiis

Dibad baxaan ayaa lagu taageerayey Maamulka Cusub ee u horkacayo gudoomiyaha gobolka banadir maxamed CIsman Cali DHagaxtuur iyo ku xigeenkiisa C/fataax Ibraahim Cumar Sabriye Shaaweey waana kuwa jogto ka noqday gudaha Magaalada Muqdisho .

Banaan baxayaasha oo caleemo qoyan ruxayey iyaga oo watay sawirka gudoomiyaha gobolka banadir . calamo boor ay ku qoran yihiin halku dhigyo lagu taagerayo dadaalada nabadeed iyo iyaga oo ugu baqay Maamulka cusub in ay dib u dajin u sameeyaan dadki Muqdisho ka barakacay

Sidoo kale banaan bax mid kaan la mid ah ayaa ka dhacay dagmada howl wadaag agagaarka hotel weheliye ee Magaalada Muqdisho waxaana ka qeyb qaadanayey bulshada qeybaheda kala duwan banaan baxayaasha ayaa wadada dhexdeeda ku ciyarayey cayaaraha hidaha iyo dhaqanka waxaayna amaan balaaran u jeedinayeen Mas.uuliyiinta maamulka cusub ee loo soo dortay gobolka banadir iyo dadaalka uu wado raiisal wasaare Nur cade

Qaar ka mid ah dadkii ka barakacay gobolka banadir oo ma mid ahaa banaanbaxayaasha ayaa ku qeylinayey in maamulka cusub dib u soo celiyo dadkii guryahoda ka barakacay ee ilaa iyo hada gedaha hostoda boodadu ku cuneyso

Waxayna ku qeyninayeen dhagaxtuur ha nolaado ,gobolka banadir haku shaqeeyo sinaan iyo cadaalad dadka barakacayna guyahoodii dib ha ugu soo celiyo

Taageerashaan jidbeysan ayaa banaanbaxooda kaga dalbaday maamulka cusub ee gobolka banadir in dib loo furo wadooyinka ku xirmay iska horimaadyadii hubeysnaa ee Muqdisho ka dhacay sababayna in ay dad badan oo aan waxba galabsan ku waayaan naftoodii qaa;iga ahayd halka qaar ka kalana uu ka soo garay qasaare isugu jira dhaawac iyo burbur hantiyadeed aan lagaranayn dhabarka u ridatay in ay mas.uul ka tahay wixii Muqdisho ka dhacay

Banaan baxayaashaan ayaa boqolaal rag iyo dumar ka koobnaa in kasta oo ay badan koodu ahaayeen haween iyo caruur waxayn ugu baaqeen Maamulka cusub ee gobolka banadir in ay furan dhamaan wadooyinka xiran si isu socodka dadka iyo gaadiidku ay caadi ugu soo laabtaan mana cade wixii loogu ayaan la saadaalin Karin

Qaarka mid ah banaan baxayasha ayaa ku taamayey waxaan rabnaa in aan guryaheenii dib ugu laabanao

Maamulka cusub ee gobolka banadir ayaa horey u balan qaaday in ay wadooyinka xiran furi doonaan isla markaana dadkii guryahooda ka barakacay dib u soo celin doonaan

Muuse Maxamuud Jiisow
musejisow@hotmail.com
Muqdisho Bakaaro Somalia
00252-1-5576666
00252-50-907666

Faafin: SomaliTalk.com | December 2, 2008

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS