SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Musharax Cabdisamad Cali Shire oo shir saxaafadeed ku qabtay casumada puntland ee garowe tilmaamayna in uu u sharaxan yahay xilka madaxweyne kuxigeenka puntland.

Musharax Cabdisamad Cali Shire oo ah musharax kamida musharixiinta u sharaxnka xilka madaxtinamada puntland ayaa shaaca ka qaaday in uu u sharaxan yahay xilka madaxweyne kuxigeenka puntland.

Garowe-Puntland: General Cabdisamad Cali Shire ayaa saxaafada madaxa banaan shir saxaafadeed ugu qabtay magalada garowe kana hadlay ujeedada musharaxnimadiisa iyo xaaladaha puntland.

Musharaxa ayaa ku bilaabay "Waxaan salaamayaa dhamaan bulshada reer puntland waxaan kaloo salaamayaa dhamaan saxaafada madaxa banaan ee reer puntland salaan kadib Waxaan halkaan ka cadeenayaa oo aan ujeedaydu tahay in aan bahda saxaafdada horteeda ka caddeeyo ujeedadeyda ah in aan u sharaxanahay jagada madaxweyne ku xigeenka ee maamul goboleedka puntland".

Walaalayaal xaalada maanta puntland ay marayso nin ragina waa ogyahay nacasna loo sheegimaayo haddaan intaas iri, ujeedadaydu ma aha in aan maanta madashaan cid wax kaga sheego, iyadoo aan aaminsanahay in wixii jiraba la isla ogyahay (keenna maqan iyo keenna joogaba).

Haddaba hadii aan ku guuleysto jagadaas idinka oo wada og waajibaadka uu distoorkeennu siinayo madaxweyne ku xigeenka waxaan balaan qaadaynaa qodobadan:-

  1. In aan madaxweynaha la doorto si habsami ah ula shaqeynayo wixii danta umadda ah.
  2. In aan ilaaliyo midnimada puntland aniga oo goboladeeda dhexdhexaad u noqonaya
  3. In aan gobolada maqan ugu tafo-xayto sidii aan u soo celin lahaa (Muruq iyo Maskax) Iyadoo waayo-aragnimada laga helay taaoriikhda dagaalada ay ina barayso in wixii xoog lagaaga qaado xoog lagu soo ceshado.
  4. In aan ilaaliyo dastuurka dalka u yaalla isla markaasna aan si bareer ah shacabka uga wargeliyo cidii ku xadgudubta.
  5. In aan maleenayo dareenkeyga iyo shacabka ujeedaduna tahay in aan had iyo jeer la jaan qaado dareenka iyo wada jirkiisa.
  6. Aniga oo la duulaya aqoontayda ciidannimo iyo waayo-aragnimadaydaba waxaxan ballan qaadayaa in aan xoogeyga saaro sidii nabadgelyada dalka loo sugi lahaa isaga oo midaysan.
  7. Waxaan kale oo balanqaadayaa in aanan oggolaan in si guracan loogu takri-falo hantida shacabka ana aanan ka qayb-qaadan
  8. Hadii la ii doorto jagadaas aniga oo kalsooni weyn ka qaba xildhibaanada sharafta mudan waxaan balan qaadayaa hadii ay ii muuqato in aanan ku guulaysaneyn ballanqaadka aan umadayda u galay in aan dib ugu celindoono intii igu sharaftay xilkaas iyadoo aysan ahayn himiladayda in aan kursi kuhelaayo oo keliya ama aan ku sugo adeeg yar.

Ugu danbayntii waxaan salaan diiran u dirayaa madaxweynaha dowladda federalka ah ee soomaaliyeed oo hadda ku sugan magaalo madaxda puntland waxaan salaan taas la mid ah u dirayaa madaxweynaha puntland iyo ku xigeenkiisa iyo dhamaan musharixiinta u taagan xilka madaxtinimo ee puntland iyo dhamaan shacabka reer puntland idil ahaandoodaba.

Isku soo wada duboo W axaa maanta uu musharaxu u soo bandhigay Saxaafada Qodabadaan iyo Qodobo soona bandhigay ajandihiisa musharaxnimo isagoo musharax Musharax Cabdisamad Cali Shire uu Saxaafada Madaxa banaan ee puntland u shaaciyey in uu yahay musharax u taagan xilka madaxweyne ku xigeenka puntland.

Wabilaahi Towfiiq

Musharax Xilka Madaxweyne Kuxigeenka Puntland
General: Cabdisamad Cali Shire

La xiriir:
Farhan Yasin Mire
isqootax1@gmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | December 2, 2008

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS