SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Isimo ka soo jeeda Puntland oo shir jaraa'id ku qabtay Muqdisho

Shirkan jira’id oo ay ku yesheen Magalada Muqdisho ayey kaga hadleen arimo dhowr ah oo ka mid ah aragtida caasimada qaabka dowlada Ethiopia ay wax ku wado ,baaq iyo codsi ku socdo Umadda somaliyed iyo maamulka dowlada Fadaraalka KMG ah

Sawirada Halkan ka daawo....

Garad Cabdulahi Cali (Ciid) oo ka mid ah Salaadiinta Puntland isla mar ahaantaana uu hareer fadhiyey garaad Maxamuud yuusuf xasan oo labaduba ka tirsan isimada somaliyeed gaar ahaa kuwo ku abtirsda maamul goboleedka puntland waxayna ku sugnaayeen Magalada Muqisho tan iyo wixii ka danbeeyey shirweynihii dib u heshiisiinta ee dad badan aaminsan yihiin in uu fashil ku dhamaaday halka qaarka kale ay aminsan yihiin in laga gaaray guul lagu najaxo ,

Garad Cabdulahi Cali (Ciid) ayaa ahaa afhayeenkii beesha daarood ee shirkaa isaga oo sheegay in ilaa iyo 18 sano jirkiisii uu ku dhex jiray howlaha nabada iyo ka talinta isqabqabsiga dadka walaalaha ah isaga oo ku qaatay noloshiisa inteedii badnayd isaga oo ka hadlayey hadlayey shirkas ayaa wuxuu sheegay in la donayo dhismaha mamulka Gobalka Banadir in lagu sameyo habka ah 4.5 oo ay ku dhisantahay Dowladda fadaraalka KMG somaliyeed isla markana la laga fogaado in Gobalka B\dir, laga waayo beelaha qaar wuxuuse tilmaamay in gudoomiyaha gobolka la siiyo beesha dagta gobolka banadir

Isimada shirkaan jaraid maanta k qabtay Magaalada Muqdisho ayaa ku nuuxnuuxsaday qaabka ay u daneynayaan iyo sida loogu bahana yahay in Caasimadda Muqdisho iyo Gobolka Banaadirba loo sameeyo Mamaul ka bax bannaan caadifad qabiil laguna dhiso haabka 4.5,

Garaadadaan oo horey uga qaybgashay shirweynihii nabadaynta loogu magac daray nabadayntii Ummadda Soomaaliyeed ee sannadkii 2007dii lagu qabtay Xaruntii gaadiidka Booliska ee Magaalada Muqdisho kana soo jeedeen deegaannada Maamul goboleedka Puntland ayay ku sheegeen in loo baahan yahay in Maamullada loo samaynayo Caasimadda dalka ee Muqdisho iyo gobolka banaadir ay yeeshaan xeerka gaar ah dhammaan deegannada kale ee dalka Soomaaliyeed.

Garad Cabdulahi Cali (Ciid) ayaa faahfaahinayay dareenka ku adan reer puntland ee arimaha gobolka bandir iyo sida looga baahanahay in caasimadda dalka ee Muqdisho iyo Gobolka Banaadirba ay noqdaan kuwo leh xeer ka gaar ah kan gobollada iyo magaalo madaxyada kale ee dalka waxkasta oo calaamad qabiil gaar ah yeelan karana laga fogeeyo maamulladooladana lagu saleeyo qaabka ay Soomaaliya wax ku soo qabsatay ee 4:50

Baaqaan ka soo yeeray Salaadiinta Puntland ayaa waxaa kaloo ay ku sheegeen in maamulkii Gobolka Banaadir iyo Caasimadda.

Muqdisho ee haatan waqtigiisii dhammaaday ay arrimihiisu ahaayeen kuwo xaalad deg deg ah loo tixgeliyay balse hadda ka dib qaabkaasi uu noqdo mid guud ahan laga gudbo.

Iyadoo baaqaani uu ku soo aadayo waqti deegaannada Puntland oo ay ku yaalliin hantidii qaranka Soomaaliyeed sida dekadda Boosaaso iyo garoonka diyaaraha oo ka mid ah kuwii ugu dambeeyay oo lagu dhisay hantidii guud ee qaranka Soomaaliyeed ay si gaar ah oo waliba qabiil ku salaysan u haystaan una maamushaan dadka deegaannada Puntland oo qaab qabiil isku abaabuleen ayaanay ilaa iyo hadda caddayn jawaabta amaba aragtida ay dadka deegaan ahaanta ka soo jeeda Gobolka Banaadir iyo Caasimadda Muqdisho u arki doonaan baaqaan ka soo yeeray salaadiintaasi Puntland.?

Isla shirkaan jaraid ayey kaga hadleen qaar ka tirsan saraakiisha ciidamada dowlada Ethiopia oo ku kacay fafal laga argagaxo isla markaana dhaleeceyn dusha uga turay qaabkii ay ula dhaqmeen Ciidamada Itoobiyaanka ee kusugan Magaalada Muqdisho oo ay sheegeen in ay tasaruf ama xad gudub ka wadaan Gudaha Dalka Soomaaliya iyaga oo tusaale ahaan u soo qaatay falkii ay kula kaceen Haweeneydii Maamulkii Gobolka Banaadir ee Maxamed Dheere mas’uulka uga aheyd hawlaha Canshuur Uruurinta Dekedda weyn ee Muqdisho.

Ugu dambeyntii waxa ay ugu baaq u so jeediyeen dhamaan umadda somaliyeed iyo mamulka dowlada fadaraalka KMG somaliyeed in ay iska kaashadaan sidii loo dhowri lahaa nabada ,Hantida sharafta , iyo amniga Shacabka isla markaasi shacabkuna ay Nabadda qaataan hubkana iska dhigaan qabiilkana ka fogaadaan.




Muuse Maxamuud Jiisow
musejisow@hotmail.com
Muqdisho Bakaaro Somalia
0025215576666
002525907666
 

Faafin: SomaliTalk.com |  August 31, 2008

BAARID | SEARCH


yusufPuntland oo Ganafka ku Dhufatay Heshiiska DFKMG La Gashay Shirkadaha Batroolka
Wasiirka Tamarta DGPL ayaa waxba kama jiraan ka dhigay heshiiskii Eng. Kaanje la soo galay shirkadaha KEC iyo Medco Akhri Aug 22

Hayadda batroolka SoomaaliyaDFKMG oo Heshiis u Saxiixday Shirkadaha Batroolka ee Kuwait Energy iyo Medco Energi...
Maadaama shirkadahaasi jaal la ahaayeen Geeddi ma lagu macnayn karaa in la soo celinayo Geeddi Akhri

Sheikh Shariif “ciidamada bixitaankooda wuxuu bilaabanayaa markii la sixiixey heshiiska, laakiin…” Shir jaraa’id
Warbixin arintaas ku saabsan Akhri Aug 22


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS