SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Barnaamijkii Radio Xoriyo
30 August 2008.


Dagaallo lagu naafeeyay ciidammada gumaysiga
Dhibaatooyin gumaysigu u gaystay dadwaynaha
John Holmes oo booqan doona Geeska Afrika .
Jibriga Jigjiga oo lagu xanibay baabuur siday raashin.
Jaaliyada Ogadenya ee Sucuudiga oo shirar ay lahaayeen guul ugu dhamaadeen.

======================
Dagaallo lagu naafeeyay ciidammada gumaysiga

Dagaallo kala duwan oo lix maalmood gudohood meelo kala duwan ku dhex-maray CWXO iyo kuwa gumaysiga Itoobiya, waxaa ciidammada gumaysiga lagaga dilay 61 askari, waxaa sidoo kale lagaga dhaawacay ugu yaraan 72 askari, sidaasna waxaa noo soo tabiyay wariyaha nooga soo warrama dalka Ogaadeenya. Dagaalladaasi waxay u dheceen sidatan;

26/08/08 Dharkaynley, oo Dhagaxbuur ka tirsan, dagaal ka dhacay waxaa ciidammada gumaysiga lagaga dilay 2 askari, 3 kalana waa lagaga dhaawacay.

23/08/08 dagaal ka dhacay meesha lagu magacaabo Ceebla-cad waxaa ciidammada gumaysiga lagaga dilay 5 askari, 3 kalana waa lagaga dhaawacay.

Isla 23/08/08 dagaal ka dhacay Buri, oo Baabili ka tirsan, waxaa ciidammada gumaysiga lagaga dilay 3 askari, 4 kalana waa lagaga dhaawacay.

21/08/08 dagaal ka dhacay Garbo-Labiile, oo degmada Dhuxun ka tirsan, waxaa ciidammada gumaysiga lagaga dilay 5 askari, 7 kalana waa lagaga dhaawacay.

Sidoo kale 21/08/08 dagaallo iyaguna ka dhacay Dikili, oo Baabili ka tirsan, Far-janno, oo Sallaxaad ka tirsan iyo Haar-qora, waxaa ciidammada gumaysiga lagaga dilay 8 askari, 6 kalana waa lagaga dhaawacay.

Sidoo kale 20/08/08 waxay CWXO gacanta ku dhigeen meesha lagu magacaabo Mina, ka dib markii ay cagta mariyeen ciidammadii gumaysiga ee halkaas ku sugnaa. Ciidammada gumaysiga waxaa halkaas lagaga dilay 36 askari, waxaa sidoo kale lagaga dhaawacay 45 askari.

18/08/08 Walwaal dagaal ka dhacay waxaa ciidammada gumaysiga lagaga dilay 2 askari, 4 kalana waa lagaga dhaawacay.

Dhibaatooyin gumaysigu u gaystay dadwaynaha

Ciidammada gumaysiga ayaa dhibaatooyin kala duwan u gaystay dadwaynaha rayadka ah ee Ogaadeenya, dhibaatooyinkaasina waxay u dheceen sidatan;

21/08/08 meesha lagu magacaabo Haq-qora, oo Baabili ka tirsan, waxay ciidammada gumaysigu ku dileen dadka kala ah;
1- Shugri Raabi Axmed
2- C/llaahi Yuusuf iyo
3- Nin kale oo magaciisa aanaan haynin

25/08/08 magaalada Garbo waxay ciidammada gumaysigu ku xidhxidheen dad shacab ah, waxaan magacyadooda helnay;
1- Bishaaro Cabdi Aaden
2- Bishaaro Cabdi Cali Wiyil
3- Maxamed Ibraahim Tawal
4- Maxamed Xirsi
5- Axmed Ciid
6- Ardo C/qaadir C/llaahi
7- Maxamed Yuusuf
8- Sahra C/qaadir
9- Faadumo Mukhtaar Iimaan iyo dad kaloo badan.

Isla 25/08/08 Dhagaxbuur waxay sidoo kale ciidammada gumaysigu ku xidheen nin lagau magacaabo Cabdi-kamas oo magaciisa oo buuxa aanaan haynin.

Sidoo kale 25/08/08 Birqod waxay ciidammada gumaysigu ku xidhxidheen dadka kala ah;
1- Qalainle Faarax C/llaahi
2- Deeq Sh Maxamed Colaad
3- Bashiir Axmed Faarax iyo
4- Nadiif oo magaciisa oo buuxa aanaan haynin.

24/08/08 magaalada Qabridaharre waxay ciidammada gumaysigu ku xidhxidheen dadka kala ah;
1- C/fataax Maxamuud Faarax
2- Mukhtaar Macalin Aaden iyo
3- Cabdi-khadar Xuseen Cumar Siyaad

Isla 24/08/08 Malayko, oo Garbo ka tirsan, waxaa lagu xidhxidhay;
1- Xasan Ciid C/llaahi
2- Muxumed Maxamed iyo
3- Xasan-Tuur oo 80 jir ah.

Sidoo kale 24/08/08 Dhuxun waxaa lagu xidhxidhay dadka kala ah;
1- Cabdi Sigad Faarax
2- C/nuur Macalin Cismaan
3- Jigre oo magaciisa oo buuxa aanaan haynin.

23/08/08 Xararey, oo Dhuxun ka tirsan, waxay ciidammada gumaysigu jidhdil, dhac iyo xidhay isugu dareen dadka kala ah;
1- Xasan Aw Dayib oo ay ka dhaceen 2000 oo Bir
2- Maxamed Cabdi Xareed
3- Nuur Sahal Bayle
4- Cabdi Siyaad
5- Istaahil Dhaqane
6- Faarax Yuusuf-Qani
7- Bashiir Sh Maxamed oo ay isagana 2000 oo Bir ka dhaceen
8- Camaje Quruun iyo
9- Maxamuud Axmed Kadaf.

21/08/08 Goljanno, oo Sallaxaad ka tirsan, waxay ciidammada gumaysigu aqallo kaga gubeen dad shacab ah, oo kala ah;
1- Carab Nuuriye, oo ay 3 Aqal ka gubeen
2- Maxamed Aaden Baddal, oo ay 2 Aqal ka gubeen iyo
3- Gabadh Dahabo lagu magacaabo oo ay jidhidl baʼan u gaysteen.

Xoolo la xareeyay

27/08/08 waxaa Dhuxun lagu xero-ooday xoolo badan oo isugu jira Geel, Loʼ iyo Adhi, kuwaasoo aga soo ururiyay deegaanka Garasley. Ciidammada gumaysiga ayaa ilaa iyo hadda la xaqiijinayaa inay qasheen 30 Neef oo xoolahaas ka mid ah.

Dhinaca kale waxay ciidammada gumaysigu maalmahan denbe aad u xoojiyeen cunqabatayntii ay Ogaadeenya ku hayeen, iyagoo arrintaas la beegsanaya dhibaatada Abaaraha ee sida xun u saamaysay guud ahaanba dadwaynaha Ogaadeenya.

Wararka Kililka

Dhinaca kale wararka ka imanaya magaalada Jigjiga ayaa sheegaya in mar labaad magaalada Addis Ababa looga yeedhay qaar ka mid ah wakiillada gumaysiga, oo kala ah C/llaahi Lugbuur, Cabdi-fataax Sh C/llaahi-yare, oo ah guddoomiyaha xisbi ku sheegga iyo wasiirka caafimaad oo Axmed lagu magacaabo.

Arrintani waxay ka denbaysay, ka dib markii maamulka dhaqaalaha ee Kilil ku sheegga lagu wareejiyay guddi 6 qof ka kooban oo wixii hadda ka denbeeya si toos ah u maamuli doona. Guddigaasi waxay kala yihiin;
1- Abay Sahay
2- Adhisu Lagasa
3- Tawalda iyo Seddex xubnood oo maamul ku sheegga Kililka laga soo xishay.

John Holmes oo booqan doona Geeska Afrika

Madaxa xafiiska arrimaha baniʼaadamnimada ee Qaramada Midoobay John Holmes ayaa toddobaadka denbe booqan doona dalalka ku yaalla gobolka Geeska Afrika oo ay ka mid tahay Itoobiya, oo ugu yaraan 8 milyan oo qof ay u baahan yihiin in si degdeg ah loola gaadho gargaar cunto, sidaasna waxaa talaadadii laga soo xigtay afhayeen u hadashay Xafiiska Isku Xidhka Arrimaha Baniʼaadamnimada ee Qaramada Midoobay.

Johna Holmes, oo booqashadiisa billaabi doona maalinta isniinta ah ee bisha Sebtember kowda tahay, wuxuu sidoo kale tagi doonaa wadammada kale ee ku yaalla gobolka Geeska Afrika, oo 4.6 milyan oo qof ay u baahan yihiin taakulo baniʼaadamnimo.

Faahfaahin lagama bixinin in John Holmes uu tagi doono Ogaadeenya, oo hayʼadaha caalamiga ahi ay sheegeen in ugu yaraan 6 milyan oo qof ay ku tabaalaysan yihiin, isla markaana u baahan yihiin in gargaar degdeg ah la gaadhsiiyo

30 August 2008

Axmed Gaal-Eri

Radioxorio@radioxoriyo.com
Raadioxoriyo@yahoo.com

Radio Xoriyo waxaad ka dhegaysan kartaa Mawjadda 41 MB ee dhererkeedu yahay 7560 KHZ,iyo internetka Radioxoriyo.com,Ogaden.com Maalmahaa Talaadada & Sabtida 5:00PM – 5:30 waqtiga Afrikada Bari

Faafin: SomaliTalk.com |  August 30, 2008

BAARID | SEARCH


yusufPuntland oo Ganafka ku Dhufatay Heshiiska DFKMG La Gashay Shirkadaha Batroolka
Wasiirka Tamarta DGPL ayaa waxba kama jiraan ka dhigay heshiiskii Eng. Kaanje la soo galay shirkadaha KEC iyo Medco Akhri Aug 22

Hayadda batroolka SoomaaliyaDFKMG oo Heshiis u Saxiixday Shirkadaha Batroolka ee Kuwait Energy iyo Medco Energi...
Maadaama shirkadahaasi jaal la ahaayeen Geeddi ma lagu macnayn karaa in la soo celinayo Geeddi Akhri

Sheikh Shariif “ciidamada bixitaankooda wuxuu bilaabanayaa markii la sixiixey heshiiska, laakiin…” Shir jaraa’id
Warbixin arintaas ku saabsan Akhri Aug 22


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS