SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Xaflada soo dhawaynta bisha Ramadan oo India laguqabtay:

Sawirada Halkan ka daawo....

Waxaa tarikhdu markay ahayd 29.08.2008 Xaflad aad loo soo agaasimay lagu qabtay magaalada hyderabad ee dalka india xafaladaas oo ay qabsadaan ardayda somaaliyeed sanad kasta xiligaan oo kale .Xafladda oo halkudhigeedu ahaa" WACYIGALINTA BISHA BARAKAYSAN EE RAMADAN" oo loogu tala galay in lagu soo dhaweeeyo bisha Ramadan.

Xafladda xalay ka dhacday magalada Hyderabad ee dalka India ayaa waxa kasoo qaybgalay dadwayne aad u tiro badan oo ku nool magalada hyderabad , oo isugu jira Arday , waalidiin , caruur , rag iyo dumar tiradooda kor u dhaafaysay 450 qof .

Waxaa xaflada ugu horeyntii furay xiriiriyaha xaflada  Yusuf Muhiyuddin Abdisalam ayado paramijtanalagu furfuray aayadaha quraanka kariimka oo uu akhrinayay  Liibaan Cusman Cali .ah na arday da diisu aad uyartahay

waxaa ku xigigay qaybtii ugu qiimaha badneed ee ahayd ahmiyada loo qabtay xaflada muxaadaro wacqingalin ah oo uu soojeediyay arday ka mid ah ardayda reer Hyderabad  Sheikh Xuseen Cabdi Cigaal, muxaadarada ayaa ahayd mid  dhaxal gal ah taas  oo ka hadlaysay bisha soon fadligeeda iyo siday uga faaiiday san lahaayeen reer hyderabad sidoo kale

Waxaa xaflada soo dhawaynta bisha barakaysan ee ramadan barnaamijkeeda ka qayb qaatay Caruur aad u da' yar  oo halkaa ka soo jeediyay Anaashiid islaami ah oo ka hadlaysay soo dhawaynta bisha barakaysan ee dhawaan nagu soo fool leh runtii waxay ahaa yeen nuurka xaflada dhamaaan dad ka halkaa joogay na ay aad ugu riyaaqeen caruur taasi da'a da yar .

Isagoo barnaamijku halkaa ka sii socday ayaa Dhowr muxadarooyin kale laga soo jediyay iyo aqoon kororsi aad muhiim u ahaa lagana faaiidestay in badan , barnaamijku halkaa kuma dhamaane waxaa Gabay aad u qiimabadan kasoo jeediyayabwaan da'a yar ahna Abwaanka magalada Hyderabad Abwaan Muuse Xirsi Maxamed , gabay gaas oo ahaa gabay ka hadlayay soo dhawaynta bisha barakaysan ee Ramadan iyo fadliga ay lee dahay  iyo habeenka laylatul qadriga ee 10ka dambe ee bisha ku jira..

Xafladan qiimaha badan leh ayaa waxaa Soo agaasima sanadkasta TAJAMMUCA ARDAYDA SOMALIYEED EE HYDERABAD DALKA - INDIA iyadoo muhiima deedu tahay in baraarujin wayn loo sameeyo bulsho waynta ku nool dalka India gaar ahaan Hyderabad ayna ahaa daan umad midaysan oo isku duuban maa daama ay joogaan qurba iskana kaa shaadaan waxkasta , la isuna diyaariyo bisha kaliya ee ku jirta sanadka oo dhan waxan leenahay hadan nahay dhalanyarada somaliyed ee dalka india wax ka barata iyo walidiinta ku dhaqan dalka India "dhamaan bulshada somaliyeed meelkasta oo ay joogaan gaar ahaan Qurba joogta noqda kuwa isku duuban iskana kaashaada cadow gooda sidoo kale waxaan leenahay :"Kull caamin wa antum bilkheeeeeeeer Ramadan Kariim Ramadaan kariim Ramadaan kariim....."

waxaa soo diyaariyay : TAJAMMUCA ARDAYDA SOMALIYEED EE HYDERABAD DALKA - INDIA

La xiriir: Yusuf Muhiyadin Abdisalam
xidig@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com |  August 30, 2008

BAARID | SEARCH


yusufPuntland oo Ganafka ku Dhufatay Heshiiska DFKMG La Gashay Shirkadaha Batroolka
Wasiirka Tamarta DGPL ayaa waxba kama jiraan ka dhigay heshiiskii Eng. Kaanje la soo galay shirkadaha KEC iyo Medco Akhri Aug 22

Hayadda batroolka SoomaaliyaDFKMG oo Heshiis u Saxiixday Shirkadaha Batroolka ee Kuwait Energy iyo Medco Energi...
Maadaama shirkadahaasi jaal la ahaayeen Geeddi ma lagu macnayn karaa in la soo celinayo Geeddi Akhri

Sheikh Shariif “ciidamada bixitaankooda wuxuu bilaabanayaa markii la sixiixey heshiiska, laakiin…” Shir jaraa’id
Warbixin arintaas ku saabsan Akhri Aug 22


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS