SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - GEDO

Munaasabad lagu caleemo saarayey furitaanka Jaamacada Gedo oo ka dhacdey Degmada Baardheere.

Munaasabad balaaran oo lagu caleemo saarayey furitaanka Jaamacada Gedo oo in mudo ka soocotey Degmada Baardheere ayaa shaley galab si rasmi ah daaha looga rogay,waxaana munasaabadii Caleemo saarka Jaamacada Cusub ee Gedo oo lagu qabtey Xarunta Dugsiga H/Dhexe ee BPS ee HIRDA ka soo qeyb galey Boqolaal dad ah oo isugu jira rag iyo dumar, kuwaasi oo ka kala socdey Qeybaha kale duwan ee Bulshada ku dhaqan degmada Baardheere.

Xafladani oo si heer sare ah loo soo agaasimay ayaa qaban qaabadeeda waxaa iska kaashadey Maamulka Jaamacada Gedo,HIRDA iyo Markabley Relief And Development Trust ayaa ugu horeyntii waxaa halkaasi ka hadlay Cabdi kheyr Sheekh Xasan Soofe oo ah Wakiilka Gudiga Jaamacada Gedo Cumbaska aasaaska Gedo,ahna xubin ka tirsan Ururka SDF iyo Maxamuud Xasan Cilmi oo isna ka tirsan Ururka SDF ayaa waxayna ku nuuxnuuxsadeen heerarkii kala duwanaa ee ay soo martey in Jaamacad laga dhiso Gobolka Gedo,gaar ahaan Degmada Baardheere,iyagoo sheegayna in Ujeedada ugu weyn in ay tahay sidii ardeyda soo dhamaysata dugsiyada Sare ee Gobolka ay u heli lahaayeen Jaamacad.

Mas,uuliyiintii kala duwanaa ee Munaasabada Caleemo saarka Jaamacada Gedo ka hadashey ayaa waxaa ka mid ahaa Gudoomiyaha Gobolka Gedo Xuseen Farey,Gudoomiyaha Baardheere Maxamed Xirsi dhudi,Gudoomiyaha Haweenka Baardheere Diyaaro Aden Waraabe iyo Wakiilka Ugaaska Beesha Sade.Maxamed Ugaas Cumar. Dhamaan xubnahaasi kala duwan ayaa waxay ku amaaneen Maamulka Jaamacada iyo Jaliyadaha Dibada ee u dhashey Gobolka doorkii iyo gacantii ay ka geysteen taabo gelinta waxbarasho gaarsiisan heer jaamacadeed oo ka taabo gasha Gobolkan Gedo.

Sidoo kale munaasabada intii ay socotey ayaa waxaa barbar socdey tartan Cayaar dhinaca kubada cagta ah oo ay isaga hor yimaadeen labo kooxood oo kala ah.Xulka Degmada Baardheere iyo kooxda Jaamacada,iyadoo loo tartamayey Koob lagu maamusayey Munaasabada furitaantaanka Jaamacada Gedo ayaa ciyaartii finalka waxay ku dhamaatey 3-1,waxaana halkaasi ku badiyey Xulka Degmada Baardheere.


gudoomiyaha Jaamacada

Si kastaba ha ahaatee, Jaamacada Gedo oo la furey 1/4/07 ayaa ilaa iyo hadda ay howlaheedii si habsami leh ay ku socdaan, iyadoo Semesterkii u horeeyey ee Qeybta Maamulka iyo xisaabadkana uu haatan uu ku jiro fasaxii uu ugu gudbi lahaa Semesterkii labaad, waxaana haatan soconaya Isqoristii ardeyda Jaamacada.


Cabdikheyr


Maxmuud Xasan Cilmi.


Diyaaro

Axmed Cumar Saalixi
Baardheere,Gedo
saalixi221@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com |  August 31, 2008

BAARID | SEARCH


yusufPuntland oo Ganafka ku Dhufatay Heshiiska DFKMG La Gashay Shirkadaha Batroolka
Wasiirka Tamarta DGPL ayaa waxba kama jiraan ka dhigay heshiiskii Eng. Kaanje la soo galay shirkadaha KEC iyo Medco Akhri Aug 22

Hayadda batroolka SoomaaliyaDFKMG oo Heshiis u Saxiixday Shirkadaha Batroolka ee Kuwait Energy iyo Medco Energi...
Maadaama shirkadahaasi jaal la ahaayeen Geeddi ma lagu macnayn karaa in la soo celinayo Geeddi Akhri

Sheikh Shariif “ciidamada bixitaankooda wuxuu bilaabanayaa markii la sixiixey heshiiska, laakiin…” Shir jaraa’id
Warbixin arintaas ku saabsan Akhri Aug 22


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS