SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Madaxii Xafiiska UNHCR ee Dalka Soomaaliya oo la siidaayey una dhoofay Nairobi . Iyo xafiiska umaddaha midoobey oo soo dhoweeyay

Aug 28, 2008: Xafiiska Hay’ada qaxootiga adunka ee umaddaha midoobey ee UNHCR ku tilmaantay talaabo nabadeed oo horey loo qaaday sii daynta Xasan Maxamed Cali ( Dr keynaan ) oo ahaa mas.uulkii ugu sareeyey xafiiskeeda howlaha qaxootiga ee dalka Soomaaliya kadib ku dhawaad 3 bilood oo afduub loogu haystay gudaha dalka Soomaaliya.

Xasan Maxamed Cali Dr keynaan ayaa 21 kii juun ee sanadkaan waxaa rag hubeysan oo aan heybtoda la garaneyn gurigiisa oo ku yaal ceelasha biyaha ka kaxaeysteen xili habeen ah wuxuuna sheegay in ay dhaawaceen ragaasi ka dibna isla afduubayashii ay ka dawaayeen dhaawac laba rasaas ah oo kaga dhacday jilibka iyo luqunta hada uu caafimaadkiisu wacan yahay

Mr keynaan ayaa maanta ka duulay garoonka adan cade international airport ee Magaalada Muqdisho isaga oo ku sii jeeda dalka Kenya intii uusan duulin ka hor ayaan la kulmay isaga oo sii galbinayaan qaarka ka mid ah shaqaalaha UN ka qoyskiisana ay macsalaameynayeen wuxuuna u muuqday nin daalan oo nasiino u baahan inkasta oo uu iga diiday in uu iiga warbixiyo xaaladiisa sababo amaan,

Isaga oo ka warbixinayey sidii ay uala dhaqmeen ragii qafaalashada u heystay ayuu sheegay in aan lo geysan wax jidil ah si wanaagasan loola dhaqmay intii u ku jiray gacanta kuwa afdubka ugu heystay,

Xasan Maxamed Cali Dr keynaan Madaxii hey’adda UNCHR ee dalka somaliya oo shalay gelinkii dambe xurnimadiisii dib u helay ka dib markii muddo todobaadyo ah afduub logu heystay goob uu san garanayn kooxo hubeysan oo Soomaali ah ayaa sheegay in uu ku faraxsan yahay siidaynta la siidaayey isaga oo bedqaba


Warcad oo ka soo baxay xafiiska QM qeybtooda qaxotiga aduunka UNHCR ee Magaalada Nairobi ayaa lagu sheegay in sii daynta Xasan Maxamed Cali Kaynaan oo ahaa madaxa xafiiska hay’ada UNHCR ee magaalada Muqdisho ay soo dahweynayaan


Warka Hay’ada ayaa lagu daray in ay u mahad celisay ururada bulshada ,haweenka iyo intaa gacan ka geysatay sii daynta mas.uulkaas

Bayaanka ayaa lagu sheegay in hay’ada UNHCR aysan joojin doonin howlaheeda ah cuno siinta iyo gacan u fidinta dadka dhibaatada kala kulmay dagaalada sokeeye ee dalka ka jira
Hay.addaan ayaa bulshada ka kaalmeysa dhibaatoyinka ay ka midka yihiin kuwa ay dagaaladu keenaan, xaalaufka iyo Abaaraha iyo kuwa dabiiciga ah,

Warbixinta hay’ada UNHCR ayaa lagu sheegay in ay sii badanayaan tirada inta afduubka loo heysto dad iyo maraakiib iyo dhibatooyinka ka dhanka ah shaqaalaha gargaarka mudooyinkii ugu danbeeyey waxayna qalqal galineysaa arintaa hay.addihii gargaarka ka fulinayey .gudaha dalka somaliya mana aha MR keynaan kaliye dadka qafaalashada loo heysto ee waxaa kale oo jira kuwo kale oo aan la ogeyn halka iyo meesha lagu haayo


Muuse Maxamuud Jiisow
musejisow@hotmail.com
Muqdisho Bakaaro Somalia
0025215576666
002525907666
 

Faafin: SomaliTalk.com |  August 28, 2008

BAARID | SEARCH


yusufPuntland oo Ganafka ku Dhufatay Heshiiska DFKMG La Gashay Shirkadaha Batroolka
Wasiirka Tamarta DGPL ayaa waxba kama jiraan ka dhigay heshiiskii Eng. Kaanje la soo galay shirkadaha KEC iyo Medco Akhri Aug 22

Hayadda batroolka SoomaaliyaDFKMG oo Heshiis u Saxiixday Shirkadaha Batroolka ee Kuwait Energy iyo Medco Energi...
Maadaama shirkadahaasi jaal la ahaayeen Geeddi ma lagu macnayn karaa in la soo celinayo Geeddi Akhri

Sheikh Shariif “ciidamada bixitaankooda wuxuu bilaabanayaa markii la sixiixey heshiiska, laakiin…” Shir jaraa’id
Warbixin arintaas ku saabsan Akhri Aug 22


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS