SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

BAAQ NABADEED
Baaq ay soo saareeny Ardayda ka waxbarata wadanka India gaar ahaan kuwa ka soo jeedo (jubbada hoose,jubbada dhexe,Gedo)
Date: 27 /08/ 2008 INDIA HYDERABAD

Ku: Dhammaan Dadka Reer GEDO,JUBBOYINKA Gudaha Iyo Dibaddaba Ee U Saaxiibka Ah Iimaanka, Aqoonta, Maslaxadda Caamka Ah Iyo Caqliga Fiyow
UJEEDDO: Gedo,jubboyinka (Bardheere) DEG-DEG HA LOOGU HELO XAL NABADGELYO IYO KA BADBAADIN DAGAALLO KADHACA DEGMADAAS .

Waxaa dhammaan dadka u saaxiibka ah iimaanka , aqoonta, maslaxada iyo caqliga fiyow laga codsanayaa in ay xal nabadgelyo iyo badbaadin deg-deg ah u helaan jiritaanka iyo xasiloonida Gobaladaas aan ku soo cusnay gaar ahaan mida hada ka taagan Degmada baardheero.

Waxaa hareeyey Gobaladaas gaar ahaan kismaayo iyo Baardheere waayadan dagaal kii ugu xumaa ee dadbadani ay ku nafwayeen gaar ahaan magaalada kismaayo, iyo cabsi weyn, sansaan colaadeed, welwel iyo walaac kolkii ay noqotay in si ka fiirsi la'aan ah loogu durbaan-tumay isku dhac dhaliyo burbur ,barakac iyo dhimasho waana waqtigi ugu adkaa ee soo mara Gobaladaas tan iyo intii ay ka dhici jireen dagaalada , xiisada colaadeed ee hada ka taagan iyo midi dhacdayba sanadyadii ay Soomaaliya ku jirtay bur-burka ba'an .

Ururka la wareegay kismaayo hadana ka wada abaabulka ciidan baardheero iyo garabkii ka soo horjeeday ee laga soo saaray magaalada kismaayo hadana kusugan baardheere oo xiisad colaadeed ka jirta waxey af-cas iyo hubka wax gumaada isu urursanayaan waqti ay
quwadaha waaweyn ee dunidu sheegeen in ay qorsheynayaan in ay la dagalamayaan AlSHABAAB oo ay uyaqanaan xagjir una geysanayaan duqeyn taas oo sababi karto in dadbadani ay halkaas ku wax ku noqdaan kana imaada barakac badani.
warkaas dhiilada lehna lama oga waxa cawaaqibkiisu noqon doono mustaqbalka.

Sidoo kale waxaan la qaadan Karin ka aamuska ay ka aamustay culimaa –u-diinka iyo waxgaradka soamliyeed ee ku abtirsada gobaladaas dhibka ka soo aloosnaday goobahaas ee ay dhici karto barakac ku yimaado shacabka taagta daran.

Waxaynu ka codsaneynaa dhamaan inta isku hayso gobaladaas ee kuwana shegtay in ay yihiin xaq udirir ,xabashi ladirir iyo kuwa shegtay in ay ku dirirayaan dhulki ay udhasheen ee xabashina aysan joogin markaas ee iskood usugaayay maamul nadaamsan ha ahaado middowladeed ama mid maxkamadeed.

Waxaan leenahay keeno isfaham iyo wada shaqeyn joojiyana dhibka aad ka dhax abuureysaan shacbiga ku dhaqan dhulkaas , joojiyo waxkasta oo keeni karo isku dhac danbe iyo wada shaqeyn la’aanta ee idin dhextaalo, keena midnima waarto wadankana aad oga saartaan cadowga ku jira .
waxaana xusid mudan in dadka ku dhaqan gobaladaas ayyihiin kuwa nabadeed ee markasta door bido nabada cidkasto ee markaas ayleeyihiin wanaag bay wadaana wax la wadaago.

Waxaan idin rajeynaynaa in aad gaartaan Heshiis iyo xabadjoojin dhamaantiin iyo iska celin cadowga wadanka hayste
Waxaana rajeyneynaa in aad umidowdaan sidi aad wadanka ooga saari lahaydeen gumeysiga iyo in aad xalisaan khilafaadka ku jiro dhexdiinana sababtoo ah waxay unoqoneysaa cadowga wadanka haysta tageero.


Mahadsanidiin.
Ardayda ka waxbarato India ee jubbada h/dhexe iyo gedo :
Qore: Eng MOHAMUD MOHAMED FARAH
Farah22_iway@yahoo.com

Faafin: SomaliTalk.com |  August 28, 2008

BAARID | SEARCH


yusufPuntland oo Ganafka ku Dhufatay Heshiiska DFKMG La Gashay Shirkadaha Batroolka
Wasiirka Tamarta DGPL ayaa waxba kama jiraan ka dhigay heshiiskii Eng. Kaanje la soo galay shirkadaha KEC iyo Medco Akhri Aug 22

Hayadda batroolka SoomaaliyaDFKMG oo Heshiis u Saxiixday Shirkadaha Batroolka ee Kuwait Energy iyo Medco Energi...
Maadaama shirkadahaasi jaal la ahaayeen Geeddi ma lagu macnayn karaa in la soo celinayo Geeddi Akhri

Sheikh Shariif “ciidamada bixitaankooda wuxuu bilaabanayaa markii la sixiixey heshiiska, laakiin…” Shir jaraa’id
Warbixin arintaas ku saabsan Akhri Aug 22


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS