SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Macluumaad cusub oo muhiim u ah Soomaalida degan Minnesota iyo guud ahaan USA 

1)      Documentiga safarka iyo xajka sanadkan 

Marka hore waxaan u bishaaraynayaa umadda Soomaaliyeed iyo muslimiinta adduunka dhamaan  maadaama ay dhowdahay bisha barakaysan ee Ramadaan.  Waxaan ognahay in waqtigii xajka uusan dheereyn.  Waxaan ogeysiinaynaa xujeyda ka tegya maraykanka ee aan weli dalban dokumentiga lagu safro gaar ahaan Travel Document

A)    Inay dhaqso u dalbadaan. Haddii kale waxaa dhici karta in qorshahooda safarka Xajka uu suuroobi waayo oo intaad dokumenti sugaysi Xajka ku dhaafo

B)     Inay raaciyaan warqad codsi ah oo lagu muujinayo in la dedejiyon.  Yaa Xaaji dadaal , waxaa ku sugaya inaad hesho visa Sacuudi ah iyo diyaarad aad raacdo- taasna maanka ku hay.   

2)      Dadka Soomaaliyeed ee doonaya inay safraan oo aadaan dalal kale waxaan kula talinaynaa labo shay: 

A)    Inay koobi ka samaystaan dokumentiga ay ku safrayaan

B)     Inay meel ku qortaan dalka ay tegayaan addresska iyo telefoonka cidda ay ku degayaan sababtoo ah waxaa dhici karta in airporka dalka aad gelayso laguugu weydiiyo ama lagaaba soo celiyo ayagoo u malaynaya in aadan haysan dhaqaale aad ku joogto ama aad dan kale u socoto.  Waxaa fiican in aad hoteelka ama qofka aad ku degayso addresskiisa meel ku qorato ka dibna aad soo dhoweysato inta aadan gaarin immigration officerska.  Ogow inay adag tahay in haddii airport dal kale lagaa soo celiyo uu dalkaaga wax kuu qabto sababtoo ah dalalkaasi waa dalal madax banaan 

3)      Sponsor, Affidavit of Relationship, US Refugee Resettlement Programs 

Sida la wada ogsoon yahay barnaamijkii qaxootiga Africada bari lagu keeni jirey USA waa la hakiyey, Sida dhabta ah  wax weyn ayaa iska bedelay barnaamijkaas ayadoo weli la qorshaynayo in isbedelo kale la sameeyo. Inkastoo DNA ay tahay Science cajiib ah hadana ma ahan quraan ama xadiis.  Caruurta Soomaaliyeed ee maraykanka yimaadaan ayagoo uu qoysaskoodu bur bursan yahay waxay la kulmaan duruuf adag oo khasaare u leh waalidkooda iyo dhamaan umadda Soomaaliyeed. Waxaan ka digaynaa in DNA abuurto shaki  isla markaana bur buriso qoysas Soomaaliyeed taasoo samayn ku yeelan karta caruur badan 

4)      Visaha guurka ee lagu yimaado maraykanka

 Guurka ayaa noqday beenta ugu badan ee dad badan maraykanka ku yimaadaan sidaa darted dawladdu waxay qaaday talaabooyin ay ku xaqiijinayso in guur kasta yahay mid dhab ah.  21 bilood ka dib lamaanayaasha is guursaday waxaa laga rabaa inay warqad wada qoraan ay ku cadaynayaan inay is qabaan weli oo uu guurkoodu ahaa daacad, haddii ay yeeli waayaan waxaa dhici karta in xaaladda sharcigu  ku adkaato.  Goorta iyo sida loo qoro warqaddaas kala tasho immigration lawyer,  Sidoo kale Soomaalida dalbata visaha guurka meesha ugu badan oo ay ku dhacaan waxay noqotay Sidee kuwada xiriirtaan?  Waxaa taas looga bixi karaa in warqado la isu diro ama email inta viasaha uusan soo bixin ilaa maalinta interviewga.  Taas ayaa cadaynaysa xiriirka qoyska.   

5)      Baaq xabad joojin ah oo ku socda da’ yarta Soomaaliyeed ee Minnesota 

Sanad gudahii Soomaalida Minnesota waxaa laga dilay 5 qof iyo dhaawac intaas ka badan. Hadda waxaa soo kordhay in ay maalin cad dhacaan ganacsiga Soomaalida iyo kuwo kaleba ayagoo aad u hubaysan. Ilaa hadda kuwa gaystay dilalkaas gacanta laguma soo dhigin.  Booliska Minnesota waxaa uu sheegay inay dilalkaas ka danbeeyeen da yar Soomaali ah. Waxaa kale oo ay  ku andacooday in aanay Soomaalida sheegin qofkii wax dilay sabab kastaba ha noqotee.  Waxaa kale oo uu sarkaal ka tirsan policekan shaagay inayba Soomaalida si qarsoodi ah u dhoofiyaan denbiilayaasha ay qaraabada yihiin. 

Waxaa ay noqotay wax la wada ogyahay ammaan darida haysata bulshada Soomaaliyeed eek u nool Minnesota.  Meel walba waxaa laga cabanayaa waa wiilal Soomaaliyeed oo da yar ah oo hubaysan.  Waxaa la sheegaa inay gangs leeyihiin, inay isdilaan iyo inay dadka waaweyn ee Soomaalida dilaan ama dhacaan oo aad looga baqo.  Waxaa iska cad in dadkeena waaweyn aanan badanaa fahmin dhalintaan habka ay u fikiraan ama luqadda ay ku hadlaan iyo sababta keentay in wiilashaan sidaan noqdaan.   

Waxaan ognahay inay qaarkood la kulmaan shaqo la’aan iyo dulmi badam sida: kan xagga midabka ah. Waxaan kale oo  ogsoonahay inay ayagu naftooda dulaman yihiin (victims) oo ay saameyn ku yeelatay colaadihii sokeeye ee Soomaaliya iyo qaxii ay soo mareen ama iskuul la’aantii soo martay qaarkood iyo la qabsiga ay is leeyihiin la qabsada ama isu ekeysiiya facooda maraykanka ah ama ay rabaan in ay helaan lebiska ama hantida ay haytaan facooda maraykanka ah laakiin taas sabab uma noqon karto dilka ama dhaca ay ku hayaan dadka waaweyn ama naftooda.   Waxaa kale oo iska cad in aanan wax badan ka ogeyn gaar ahaan da yarta timid Amerika ayagoo aanan waalidkooda la socon ama ayeeyo/awoowe keenay. 

Marka hore waxaan dhalintaan ka codsanaynaa

A)    Inay xabad joojin sameeyaan oo dhaqan geliyaan

B)     Inay sheegtaan waxa ay tabanayaan ama waxa colaadda (dil iyo dhac) sababay

C)    Inay ka fiicnaadaan dadka waaweyn oo ay iyagu bilaabaan wada hadalka 

Dadka waaweyn waxaan ka codsanaynaa

A)    kuwa fahmaya luqadda da’yarta ama waxa ay tabanayaan ama waxa colaadda sababtay inay soo sheegaan

B)     In la qabto shirweyne Soomaaliyeed oo looga hadlayo ammaanka Soomaalida Minnesota iyo xabad joojin iyo sidii loogu dhamayn lahaa colaadda wada hadal qaab nabadeed (Round table discussion)

C)    Ayadoo lala kaashanayo jaamacadaha, ardada Soomaaliyeed, culimadeena masaajidada iyo masuuliyiinta in la sameeyo daraasaad waxa keenay dhibtan iyo sida looga bixi karo. 

 

Maxmuud Nuur Wardheere
Constituent Policy Liaison
Office of Senator Norm Coleman

Faafin: SomaliTalk.com |  August 26, 2008

BAARID | SEARCH


yusufPuntland oo Ganafka ku Dhufatay Heshiiska DFKMG La Gashay Shirkadaha Batroolka
Wasiirka Tamarta DGPL ayaa waxba kama jiraan ka dhigay heshiiskii Eng. Kaanje la soo galay shirkadaha KEC iyo Medco Akhri Aug 22

Hayadda batroolka SoomaaliyaDFKMG oo Heshiis u Saxiixday Shirkadaha Batroolka ee Kuwait Energy iyo Medco Energi...
Maadaama shirkadahaasi jaal la ahaayeen Geeddi ma lagu macnayn karaa in la soo celinayo Geeddi Akhri

Sheikh Shariif “ciidamada bixitaankooda wuxuu bilaabanayaa markii la sixiixey heshiiska, laakiin…” Shir jaraa’id
Warbixin arintaas ku saabsan Akhri Aug 22


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS