SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - Minneapolis

Waraysi Musharaxa Saleebaan (Wajixaad) - Somali media

waxa baryahan Minnesota ku soo qulqulayey musharaxyo isku sharaxaya jagada Madaxweynenimada ee Punltand, waxayna la kulmayeen Soomaalida degan gobalka Minnesota, iyagoo weliba mararka qaarkoodna la kulmayey ajnabiga ay Soomaalida saaxibada la yihiin.

Haddaba, waxaa hada nala jooga Musharaxa Saleebaan Maxamed Samatar (Wajixaad) oo u sharaxan jagada Madaxweyne ee Punltand, waxana uu ka soo jeedaa degaamada SOOL, SANAAG, iyo CAYN, waxana uu shir ku lee yahay maanta magaalada Minneapolis oo uu kula kulmi doono dadka ka soo jeeda degaamada uu ka yimid, ka dibana uu u gudbi doono in uu la kulmo dhamaan dadka ka soo jeeda degaamada Puntland ee ku nool Minnesota.

Musharaxa ayaa waxa lagu casuumay idaacada la iska daawado ee ugu wayn Minnesota ee lagu magacaabo Somali Media, idacadaas oo leh barnaamij ka baxa maalinta jimcaha ah oo socda mudo hal-saac ah. Barnaamijkaa ayaa waxa uu ku baxaa LIVE oo dadka degan Minneapolis ayaa waxa ay soo wacaan qadka telefoonka iyagoo islamarkaasna daawanaya barnaamijka. Barnaamijkan oo ay dadka degan Minneapolis xiiseeyaan, waayo iyagoo daawanaya ay hadana su’aal weydiin karaan wariyaha ama qofka la wareysanayo.

Fadlan halkan ka daawo su’aalihii ay weydiinayeen dadka degan Minnesota Musharaxa:

 http://www.youtube.com/watch?v=eM7H1bhSi5s

Abdimalik Askar
aabdimalik@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com |  August 23, 2008

BAARID | SEARCH


yusufPuntland oo Ganafka ku Dhufatay Heshiiska DFKMG La Gashay Shirkadaha Batroolka
Wasiirka Tamarta DGPL ayaa waxba kama jiraan ka dhigay heshiiskii Eng. Kaanje la soo galay shirkadaha KEC iyo Medco Akhri Aug 22

Hayadda batroolka SoomaaliyaDFKMG oo Heshiis u Saxiixday Shirkadaha Batroolka ee Kuwait Energy iyo Medco Energi...
Maadaama shirkadahaasi jaal la ahaayeen Geeddi ma lagu macnayn karaa in la soo celinayo Geeddi Akhri

Sheikh Shariif “ciidamada bixitaankooda wuxuu bilaabanayaa markii la sixiixey heshiiska, laakiin…” Shir jaraa’id
Warbixin arintaas ku saabsan Akhri Aug 22

WAREYSI: Professor Axmed Ismaaciil Samatar
“Itoobiya naguma soo duusheen haddaanu leennahay madax iyo dowlad dhab ah” Akhri


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS