SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Magacyada ka qaybgalayashii shirka dibu-heshiisiinta TFG-da iyo ARS-ta, Awooda uu yeelanayo Gudiga Wadajiraka Arimaha nabad-gelyada iyo qaabka uu u shaqeynayo

(qoraal cadeynaya arimahaas)

Waxaa inoo suura gashey inaan helno in badan oo ka mid ah magacyada Gudiyada Siyaasada iyo Arimaha Nabadgelyada TFG-da iyo ARS-ta ee ku shirey Caasimada Dalka Jabuuti 16-18-kii Agousto, 2008-da.

Magacyaadan oo aan ku helney inta badan qaab Aruus ah, islamarkaana aan ka soo kala xiganey qaar ka mid ah mas’uuliyiinta labada dhinac ayaa magacyada waxay kala ahaayeen sidan:-

Gudiga Wadajirka Arimaha siyaasada

TFG-da iyo ARS-ta.

  • 1- Axmed Cabdi salaan Aadan. 1-Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur.
  • 2- Prof. C/llaahi Sheekh Ismaaciil. 2-Prof. Maxamed Cabdi Gandi.
  • 3- Cabdalla Boos. 3-Cabdiraxmaan Ibraahim (Ibi).
  • 4- Cabdirisaaq Ashkir. 4-Axmed Cabdullaahi Sheekh.
  • 5- Nuur iidoow Beyle. 5-Fowziya Maxamed Sheekh.
  • 6- Cabdi Axmed Dhuxuloow (Dheg dheer). 6-Daahir Maxamuud Geele.
  • 7- Xaaji Aadan Cabdisalaan. 7-Cumar Idiris Cali.
  • 8- Cabdiraxmaan Jaamac. 8-Caasho Xaaji Cilmi.
  • 9- Ibraahim Xasan Kiish Bur. 9-Cabdirashiid Axmed Maxamuud.
  • 10- Macallin Maxamed Maxamuud (Macallin Jiis) 10-Cismaan Libaax Ibraahim.

Gudiga Wadajirka Arimaha Nabad-gelyada

TFG-da iyo ARS-ta

  • 1. Hon Maxamud Maxamad Xeyd 1. Col Cuma Xaashi Aadan
  • 2. Hon Ibraahim Cabdullahi Cusman 2. C/xmaan amaxamad Farax
  • 3. Hon Maxamad Xussen Qalinle 3. Cabdi Maxamed Abtidoon
  • 4. Gen. Saciid Maxamed Xersi 4. Col. C/qaadir Shekh Maxame
  • 5. Gen. Maxamed Warsame Faarax 5. Col. Xuseen Siyaad Faarax
  • 6. Gen Cabdi Xasan Cawaale 6. Axmed Diiriye Maxamed
  • 7. Gen. C/llaahi Macallin Cali 7. Gen. Maxamed Shekh Xassan
  • 8. Gen. Maxamed Nuur Maxamed 8. Col. Mahdi Cariif Cali
  • 9. Col. Maxamed Cabdi Maammow 9. Maxamuud Macallim Yaxye
  • 10. Col C/kariim Daahir Xassan 10. Sulaymaan Colaad Rooble
  • 11 .Suuri Diiriye Carab

Dhamaan magacyada labada dhinac ee ku qornaa liiska ayaa la iigu sheegey intan, inkastoo aan ku arag xubnaha TFG-da qaarkood ee magaca Gudiga Arimaha Nabadgelyada ee hadda ku qoran fadhiga, sida Gen, Maxamed Siciid Xirsi Moorgan.

Laakiin waxaa hor yaalo, liiskan gudiyada su’aalo fara badan, oo ku wajahan qaab hdismeedkooda, sida waxaa ka mid ah Gudiyada labada dhinac sida ay u shaqeynayaan, awooda ay leeyihiin, inta ay shaqeynayaan, sida ay u kala sareeyaan oo ay u kala amar qaadanayaan, marka laga reebo marjica Qaramada midoobey, sidoo kale waxaa su’aal ah halka uu ku dambeyndoono magaca TFG-da iyo ARS-ta, mise waa mid lagu dhisaa gudigayadan awood qaybsi TFG-da iyo ARS-ta oo u dhiganta Dowlad cusub?.

Dhamaan su’aalahaas iyo kuwo kale oo badan marka hoos loo eego oo lagu daro, sida ay ku socdaan gudiyadan iyo awooda ay leeyihiin, qaar ka mid ah, dadka arimaha siyaasada lafa gura, waxay leeyhiin, labadan Gudi, waxay u muuqdaan Dowlad cusub oo Soomaaliya hada loo dhisey, islamarkaana taageero Caalami ah Caalamka ka haysta, balse la arkidoonee, sida ay wax u maamulaan.

Dhinaca kale waxaa inoo suura gashey inaan helno Gudiga wadajirka arimaha Nabadgelyada ee ku shirey Caasimada dalka Jabuuti, oo soo gudbiyey qoraal ka kooban 8 Qodob, oo uu kaga hadlayo qodob kasta si gooni ah, una faah faahinayo, Waajibaadka gudiga, mas’uuliyada saaran, qaabka uu u hawlgalayo, xubnaha gudigaan uu ka koobnaan doono, awooda gudiga, halka uu ku kulmi karo iyo waxa xiligaan horyaala ayaa waxaa uu u qornaa sidan

GUDDIGA WADAJIRKA ARRIMAHA NABADGELYADA

Hawlgalka Guddiga

Hordhac

1. Dawladda Federaalka KMG Soomaaliyeed iyo Isbahaysiga Dib u Xureynta Soomaaliya waxay gaareen heshiis ka dib markii ay wadahadal ku yeesheen Jabuuti 9 kii Juun 2008. Heshiisku wuxuu ku baaqayaa dhismaha . Guddiga Wadajirka Arrimaha Nabadgelyada (GWAN). Guddigu wuxuu u hawl galayaa sidii uu u xaqiijin lahaa hirgelinta hawlaha nabad samaynta. Sida uu qabo Heshiiska Jabuuti, Guddiga Wadajirka ee Arrimaha Nabadgelyada wuxuu ku shiray Jabuuti inta u dhaxeysey 16ka ilaa 19ka Agoosto 2008.

Waajibaadka Guddiga

2. Sida uu qabo heshiiska, Guddiga Wadajirka ah ee Arrimaha Nabadgelyada waxuu mas’uul ka yahay hirgelinta heshiiska sida ku acad Qodobka 8 aad , faqraddiisa C.

“Si loo xaqiijiyo habsami u hirgelinta heshiiska, labada dhinac waxay ku heshiiyeen: in ay dhisaan guddi wadajirka Arrimaha Nabadgeliyada si uu ula socdo hirgelinta arrimaha la xiriira nabad sameynta muddo (15) shan iyo toban casho gudahooda , kana billaabanaysa maalinta la saxiixo heshiiskan.

Xubnaha guddiga iyo waajibaadkiisa shaqaba waxaa lagu go’aaminayaa isla muddada aan kor ku soo sheegnay. Guddigan waxaa Shir-guddoomindoona Qarramada Midoobay.”

3. Xilligga (mandate) Guddiga Wadajirka Arrimaha Nabadgelyada (GWAN) waxay ku egtahay bil kadib marka uu dhammaado xilliga kala guurka, “November 2009”. Si uu u guto waajibaadkiisa, guddiga wuxuu ka hawlgalayaa dhammaan gobollada dalka oo dhan, asagoo sameynaaya guddi hoosaadyo.

Mas’uuliyadda

4. Guddigu wuxuu mas’uul ka yahay:
· In uu ka soo tala bixiyo qaabka iyo jadwalka kala horreeya ee ciidamada Ethiopia dalka uga bixi lahaayeen.
· In uu dalka ka hirgeliyo xabbad iyo colaad joojin dhex marta TFG iyo ARS.
· In uu dhiso ciidamo wadajir ah ee ka socda TFG iyo ARS, si ay :

(i) u dhowraan, u xaqiijiyaan, lana socdaan in loo hoggaansamay heshiiskan.

(ii) In uu u fududeeyo si aan hakasho lahayn dhaqdhaqaaqa hawlaha gargaarka bin’aadinnimada iyo kaalmada la xiriirta iyo badbaadinta hawlwadeennada hay’adaha Samafalka.

(iii) In uu soo baaro xad-gudubyada la soo sheego kuna aaddan heshiiska ka dibna xogta uu soo helo u soo gudbiyo Guddiga si go’aan looga gaaro.

· Si ay nabad ku dheehantahay in uu u helo xal ku haboon haddii xadgudub lagu sameeyo heshiiska.
· In uu la yimaado talo soo jeedin, ku saabsan qaabka dib u habeyn iyo isbeddel loogu samayn lahaa dhismaha ciidamada qalabka-sida ee Soomaaliyeed.

Qaabka Hawlgalka

5. Hirgelinta waajibaadka shaqo waxay u baahantahay, arrimahan soo socda iyo kuwo kale :

· In uu ilaaliyo xabbad iyo colaad joojinta ka dhex dhalata TFG iyo ARS.
· In uu kala qaado dagaalyahannada TFG iyo ARS gaar ahaan goobaha ay isku hor fadhiyaan.
· In uu fududeeyo keenista ciidammo caalami ah ee Qarramada Midoobay soo ansaxisay.
· Si loo hirgeliyo qodobbada heshiiskan, waxaa muhiim ah in la helo arrimaha soo socda :

(i) In Qarrammada Midoobay iyo Beesha Caalamk ay dedejiyaan keenista ciidamo ay Qarramada Midoobay soo ansixiso sida ku cad heshiiska.

(ii) In la bixiyo kharajka ku baxaaya saadka iyo baahida la xiriirta dayactirka qalabka ciidamada TFG iyo ARS kuwaasoo ilaalin doona nabadgelyada muddada ku meel gaarka ah.

(iii) Inuu door ka cayaaro dib u dhiska ciidamada qalabka sida ee Soomaaliyeed.
· In uu bixiyo misaaniyadda Guddiga Wadajirka Arrimaha Nabadgelyada.
· In uu abuuro xaalad ku habboon oo lagu daabuli karo gargaarka banii’aadamnimo iyo kaalmada la xiriirtaba si aan hakad lahayn
· In uu la xiriiro laba dhinac isla-markaasina uu joojiyo in isku horimaad ciidan uu ka dhex-dhaco labada dhinac.
· In uu hubiyo dhaqanka iyo anshaxa ciidamada qalabka sida ee Soomaaliyeed eela xariirta dhowrista xuquuqul-isaanka iyo shuruucdiisa.
· In uu ku dhawaaqo xabad joojin guud iyo dhowristeedaba.
· In uu baabi’iyo Jid-gooyooyinka “Checkpoints” ee wax u dhima habsami u socodsiinta hawlaha gargaarka.
· In uu talo ka bixiyo mas’uuliyadda iyo waajibaadka shaqo ee Ciidamada Qarramada Midoobay soo ansixinayso.

Xubnaha Guddiga

6. Guddiga Wadajirka ka ee Arrimaha Nabadgelyada wuxuu ka koobnaan doonaa (30) soddon xubnood oo si-isla-eg TFG iyo ARS xubno u wada matalaaya. Intaa waxaa dheer in Qarramada Midoobay iyo Ururka Midnimada Afrika ay si wadajir ah u shir guddoomiyaan hawlaha guddiga. Madaxda TFG iyo ARS iyo wufuuddoodaba waxay soo xaadiri karaan shirarka haddii ay doonaan.

Go’aan Qaadashada

7. Guddiggu wuxuu awood u leeyahay inuu go’aankiisu ku gaaro habka wada-tashiga. Haddii ay dhacdo in la codeeyo, shir-guddoonka wuxuu xaq u leeyahay in uu codkiisu dhiibto.

Kulamada Guddiga

8. Guddiga wuxuu Soomaaliya ku kulmayaa labo ilaa iyo seddex maalmood haddii duruuftu oggolaato, haddii kale Jabuuti ama Nayroobi hadaba sidii loogu baahdo una habboontahay. Shir guddoonku wuxuu ku baaqi karaa shir markii loo baahdo.

Ajenda

Laga billaabo maalinta heshiiskani uu dhaqan galo, 30 ka maalmood ee ugu horreysa ee ajendaha guddiga waxaa ka mid noqonaaya :

A. Hirgelinta xabbad iyo colaad joojin.

B. Inuu jadwal u sameeyo ka bixitaanka ciidamada Itoobiya ay dalka kaga baxayaan isla muddada 120 ka maalmood ah ee ku cad heshiiskii Jabuuti.

Magacyada Guddiga labada dhinac

Guddiga Dowladda Federalka KMG. Guddiga Isbahaysiga ARS

  • 1. Hon Maxamud Maxamad Xeyd 1. Col Cuma Xaashi Aadan
  • 2. Hon Ibraahim Cabdullahi Cusman 2. C/xmaan amaxamad Farax
  • 3. Hon Maxamad Xussen Qalinle 3. Cabdi Maxamed Abtidoon
  • 4. Gen. Saciid Maxamed Xersi 4. Col. C/qaadir Shekh Maxame
  • 5. Gen. Maxamed Warsame Faarax 5. Col. Xuseen Siyaad Faarax
  • 6. Gen Cabdi Xasan Cawaale 6. Axmed Diiriye Maxamed
  • 7. Gen. C/llaahi Macallin Cali 7. Gen. Maxamed Shekh Xassan
  • 8. Gen. Maxamed Nuur Maxamed 8. Col. Mahdi Cariif Cali
  • 9. Col. Maxamed Cabdi Maammow 9. Maxamuud Macallim Yaxye
  • 10. Col C/kariim Daahir Xassan 10. Sulaymaan Colaad Rooble
  • 11 .Suuri Diiriye Carab

19 Agoosto 2008

Maxamed Macallin Cismaan (All-man) Somalitalk Jabuuti.
fatxumaalik@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com |  August 23, 2008

BAARID | SEARCH


yusufPuntland oo Ganafka ku Dhufatay Heshiiska DFKMG La Gashay Shirkadaha Batroolka
Wasiirka Tamarta DGPL ayaa waxba kama jiraan ka dhigay heshiiskii Eng. Kaanje la soo galay shirkadaha KEC iyo Medco Akhri Aug 22

Hayadda batroolka SoomaaliyaDFKMG oo Heshiis u Saxiixday Shirkadaha Batroolka ee Kuwait Energy iyo Medco Energi...
Maadaama shirkadahaasi jaal la ahaayeen Geeddi ma lagu macnayn karaa in la soo celinayo Geeddi Akhri

Sheikh Shariif “ciidamada bixitaankooda wuxuu bilaabanayaa markii la sixiixey heshiiska, laakiin…” Shir jaraa’id
Warbixin arintaas ku saabsan Akhri Aug 22

WAREYSI: Professor Axmed Ismaaciil Samatar
“Itoobiya naguma soo duusheen haddaanu leennahay madax iyo dowlad dhab ah” Akhri


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS