Masar: Haweeyney Dhashey mar kaliya
7 Caruur ah
Adduunka waxaa maalin kasta ka dhaca
Mucjisooyin Alla iyadoo taasi ay jirto ayaa dadlka Masar
waxaa ka dhacay Mucjisooyinkaas mid ka mid ah ka dib
markii Haweeney lagu magacaabo Ghazalla Khamiis ay
dhashay Todobo Caruur ah mar qura waxayna ku dhashey
Isbitaalka lagu magacaabo Al –Shatbi ee Magaalada
Alexandaria ee dalka Masar
Haweeyneydaan ayaa Caruurta dhashey ay kala yihiin 4
wiil 3 Gabdhood oo la sheegay in ay caafimaadkoodu aad u
wanagsan yahay
Inta aysan dhalin haweeyneydaas ayaa
lagu waramey in ay tagtey dhaqtar si ay u ogaato waxa ay
dhali doonto ma lab baa mise Dhedig waxaana loo sheegay
in ay dhali doonto ilaa afar caruur ah , wixii waqtiga
ka dambeeyey haweeyneydaa waxa ay la xiriiri jirtey
dhaqtar lagu magacaabo Dr Emad Darwiish oo ku sugnaa ama
ka shaqeeya Isbitaalka Al-Shatbi wuxuuna haweeyneydaas
ugu dambeyntii u sheegay in ay qaliin ku sameyn doonaan
oo ka soo horeeya muddo Bila waqtiga caadiga ah ee ay
dhalaan Haweenka
Dad fara badan ayaa haatan booqanaya
Isbitaalka ay ku jirto Haweeyneydaas , Todobada
Carrurta oo haatan lagu xanaaneynayo meel gaar ah si ay
caruurtaas u noqdaan kuwa caadi ah waxaana lagu waramey
in qolkaas xanaanada gaarka ah ay ku jiri doonaan Muddo
sadex bilood ah , waxaa taqaatiirtu sheegeen caruurtaas
uu miisaankoodu u dhaxeeyey 1.45 Ilaa 2.80 Kg
Dowladda Masar ayaa balan qaadey in
ay caruurtaas caanahooda bixin doonaan muddo laba sano
sidoo kale haweeyneydaas ayaa waxaa la sheegay in ay soo
gaarayaan Kaalmo fara badan si loola koriyo Caruurtaas
iyadoo haweyneydaas ay horey ugu joogeen sadex caruur ah
marka la isku daro haatan waxay noqonayaan 10 caruur ah
iyadoo la sheegay in qoyskaas ay ka soo jeedaan kuwa
sabool; ah
Warbaahinta dunida ayaa labadaan
maalmood indhaha ku hayey haweeyneydaan dhashay 7
caruurta ah waxaana laga diyaariyey warar fara badan
sidoo kale waxaa iyana soo tabinayey saxaafada Masar
hadba heerka ay marayaan xaaladda Caruurtaas
W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail
amiinkhasaaro@hotmail.com
Google images