SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

WARSAXAAFADEEDKA : GUDIGA BARAKACAYAASHA DEEGAANKA JAWIIL 

      Waxaa maantay oo taariikhdu tahay 20/08/2008 soo saaray Qaylodhaan ku wajahan cidkasta oo wax u qabankarta Dadkii ku barakcay dagaalada, colaada iyo abaaraha daba dheeraaday ee gobolka hiiraan kuna sugan deegaanka Jawiil. 

Qeylo dhaantaan oo ku soo aaday xilli ay colaado ba'an ka jiraan gobolka hiran gaar ahaan waxay barakacayaashu culeys ku kordhiyeen dadkii ku noolaa degaanka Jawiil iyadoo ay dadkaas ku dhibaateysan halkaas tiradooduna gaareyso iminka 2132 qoys oo barakacayaal ah kana kala yimid:

  1. Baladweyne                              : 1050 qoys
  2. Abaaraha iyo Gaajada Miiyiga : 882 Qoys
  3. Caasimada dalka ee Muqdisho : 200 qoys

ilaa iyo hadana lagu soo qulqulayo deegaanka Si kastaba ha ahaatee Qoysaskaas oo halkaa ay ku heysato :

  1. Hoyla'aan, kuwaasoo ku nool geedaha hoostooda, ayana ku heysato qorax iyo qabow.
  2. Caafimaad darro ay sababtay ayadoo aysan ka jirin deegaanka adeeg caafimaad, nadaafad darro iyo musqulo la'aan.
  3. Biyo la'aan ka timid ceelkii qura ahaa ee deegaanka oo jaban ayaa biyaha looga soo arooraa dagmada Matabaan oo u jirta masaafo dhan 60km iyo wabiga oo isna u jira 20km isagoo biyo yareeyey, calowna yihiin ayna ka dhalan karto cabitaanka biyahaas Wabiga xiligaan cuduro, intaa waxaa dheer qiimaha fuustada biyaha ahi waxay tahay 150,000 So.Sh.
  4. Cuno la'aan iyo sicir barar.
  5. Nafaqo-daro haysata Hawenka uurka leh, caruurta iyo dadka da'da ah.

Sidaa daraadeed waxaan si xushmad iyo qadarin leh uga codsaneynaa Hayadaha Samafalka Caalamiga iyo shirkadaha dalka iyo qof walba oo wax ka tari kara in ay la gaaraan gargaar bani aadanimo rayidkaas soomaaliyeed ee ku bara kacay dagaalada colaadaha iyo abaaraha ee u barakacay deegaanka Jawiil, maadaama arinkoodu yahay gacanta afka ii gali. 

Warsaxaafadeed kan waxaa saxiixay GUDIGA BARAKACAYAASHA DEEGAANKA JAWIIL

  1. Axmed Mahad Xaashi (Qoorgaab)   
  2. Cabdi Cabdulle Xaashi                       
  3. Xusen Cabdulle Maxamed       
  4. Barre Maxamed Cabdulle                            
  5. Maxamud Maxamed kutub  
  6. Sheikh Cumer Shiekh Khalif
  7. Abdikamal Maxamed Sheikh Cabdullahi

Ciwaanadda lagala xiriiri karo Guddiga:

Tel: 00252 1 5504477 / 00252 50 968220

Email: kmlsom@hotmail.com / jrcsom@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com |  August 20, 2008

BAARID | SEARCH


Hayadda batroolka SoomaaliyaDFKMG oo Heshiis u Saxiixday Shirkadaha Batroolka ee Kuwait Energy iyo Medco Energi...
Maadaama shirkadahaasi jaal la ahaayeen Geeddi ma lagu macnayn karaa in la soo celinayo Geeddi Akhri


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS