SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

 
Xagaabixii 4aad ee Qooysaska Soomaaliyeed ee Sweden

Farxad, Nasasho iyo Tamashleeyn 

Horudhac 

Allahu Akbar! Waa mar kale iyo innagoo ku kulannay Xagaabixii 4aad. Taarikhdu markay aheeyd 28 luulyo – 3 agoosto, 2008. Xagaabaxa wuxuu ka dhacaa dalka Sweden sannad walba wakhtiyada lagu jiro fasaxa Xagaaga. Waxaa loogu tala galay in ay ku nastaan qooysaska soomaaliyeed, waalidiin iyo carruurba. 

Xagaabaxan waxaa si wadajir ah u fuliyay saddax (3) xarumood oo guud ahaan ay ka dhaxayso wada shaqayn, xaruuntoodana ay tahay magaalada Stockholm, Sweden. Xaruunta koowaad waa iskuulka islaamiga Al- Azhar oo ah dugsi hoose- dhexe, oo ay dhigtaan arday tiradoodu gaareyso ilaa 400, kuwaaso ay 70% soomaali yihiin. 

Xaruunta labaad waa masjidka loo yaqaano Islamiska Förbundet i Järva (IFIJ), kuna yaalo xaaafadda soomaalidu ku badan tahay ee Rinkeby. Masjidkani waxaa la aas aasay taarikhda marka ay ahayd 1996, wuxuuna kaalin lixaad leh ka qaata horumarka umadda soomaalida.

Xaruunta saddaxaad (3) waa ururka Da’yarta Soomaaliyeed ee Sweden, oo ku magac dheer Sveriges Unga Somalier (SUS), waa urur dallad ah kana shaqeeyo kor u qaadista wacyiga da’yarta soomaaliyeed ee ku nool dalka Sweden. Wuxuu furuuc ku leeyahay dhawr gobol, SUS waxaa la dhisay dab-yaaqadii 2005. 

Maamulka, Mas’uulka & Hawl-wadeenada

Hawsha Barnaamijkaan ballaaran wuxuu soo socday muddo dhan 4 bilood, waxaana laga shaqaynayey sidii uu ku hirgali lahaa Xagaabaxa, tusaale ahaan; diyaarinta goobta, nashaadka waalidiinta, carruurta, nidaaminta raashinka, gaadiidka iwm. Mas’uuliinta waxaa ay ka kala socdeen 3dii xarumood ee aan kor ku soo xusnay, waxaana kala matalaayey xarumahaas: Sh. Bashir Aman oo ka socday Al-Azhar, Barni Nor oo matalaysay urur weynaha SUS, Ibrahim Cusmaan Buraale oo ka mid ah maamulka masajidka IFIJ. Waxaa intaa dheeraa Faduma Cabdullahi Siraj iyo Sahra Ismaaciil oo kala matalaayey dhalinyarada iyo waalidiinta Xagaabaxa ka soo qaygashay. 

Sanadkaan waxaa loo doortay Ibrahim Cusmaan Buraale in uu noqdo Guddoomiyaha Guddiga Xagaabaxa 4aad ee sanadka 2008. 

Guddigan kor ku xusan waxaa ka faracmay dhallinyaro isugu jiray gabdho iyo wiilal oo ahaa hawl-wadeeno ka tirsan ururka SUS, tiradooduna ay aaheeyd 35 qof. Dhallintaas waxaa ay soo diyaarsheen barnaamij aad looga soo shaqeeyey oo xiiso galiyey carruurta iyo da’yarta timid goobta. Dhallinyaradaas waxaa qoorta u surnaa kaarar kala duwan oo dadku ku fahmayaan qaybaha ay ka tirsan yihiin, si ay u fududaato xiriirka dhexdooda, waxaa ay wateen qalab ay ku wada hadlaan iyaga dhaxdooda. Habeenkii marka ay shaqada yaraato waxaa ay lahaayeen kulan u gaar ah oo ay kaga wada hadlaayaan hawlaha wixii ka qabsoomay. 

Goobta Lagu Qabtay Xagaabaxa 

Goobta loo tagay nasashada Xagaabaxan waxaa ay ku taal degmada Sjövik Folkhögskolan, waxaa ay u jirtaa 155 km magaalo madax dalka Sweden, Stockholm. Waa meel bilicdeedu ay aad ku soo jiidaneeyso, dhulka waa wada doog cagaaran, geeduhu waa Masha’Allah, waxaa ay isku darsadeen dheerar iyo caleemo qurux badan. Goobtu waa xaafad dhan oo nuskeedu ku wareegan bad. Waxaa ku yaala guryo ay u dhaxeeyso masaafad, garoomo lagu cayaaro kubadaha kala duwan, makhaayad lagu cunteeyo, xafiisyo, qolol iyo mowlac lagu tukado. 

Ka qayb galayaasha

Sadax boqol iyo siddeed iyo siddeetan (388) ayaa muddo toddobaad ah ku negaaday Sjövik, iyagoo doonaayey nasasho, tamashlayn iyo aqoon kororsi. waxaa ay ka koobnaayeen 64 qooys. Da’yarta da’da ka yar 15 jir waxaa ay aheeyd tiradoodu 231 qof.  

Culimada & In’dheer garadka 

Barnaamijka waalidiinta wuxuu isugu jiray muxaadarooyin iyo nasasho waxaana lagu casuumay culimadaan: 

  1. Sh. Khaliifa Aadan Cusmaan, Jigjiga Itoobiya
  2. Sh. Cabdiwali Xaaji Xuseen, Örebro Sweden
  3. Dr. Maryam Qasim, Birmingham, England
  4. Dr. Safiya Axmed Ciise, Hudiksvall Sweden
  5. Abwaan Mustafa Sh. Cilmi, Jabuuti
  6. Gunnel Mohme, Stockholm Sweden

Nashaadyo Kala Duwan 

Toddobadii maalmood ee lagu neegaa goobta waxaa socday barnaamijyo kala duwan oo qaar ay ahaayeen kuwo guud, qaar kalena hooyooyinka ayeey gaar u ahaayeen. Carruurta waxaa loo kala shaandheeyey da’ahaan si ay u fududaato in ay isla jaanqaadaan. Waxaa ka mid ahaa jadwalka; Caafimaadka, Degaanka & Dabeecadda, Barbaarinta carruurta, Aqoon kororsi diineed iyo Fanka soomaaliyeed. 

  • Carruurta da’da ah 3-15 jir 
    Carruurta waxaa ay ahaayeen cadad badan oo mudan in la siiyo tixgalin gaar ah, sidaas awgeed maamulka Xagaabaxa si gaar ah ayuu u tixgaliyey. Waxaa loo kala saaray da’dooda 3 kooxood oo kala ah: 3-6 jir, 7-11 jir & 12-15 jir. Barnaamijkooda wuxuu ka koobnaa: Xanaano, daawasho filimaan kartoon ah, farshaxan, dabaal, socod, workshops iyo ciyaaro kala duwan. 
     

Maalinta Deggaanka & Dabeecada

    Carruurta u dhaxeeyso da’dooda 12-15 jir, waxaa loo kaxeeyey magaalada Falun oo u jirto 76 km goobta Xagaabaxa (Sjövik). Maalin dhan ayeey ku mashquul sanaayeen fahanka degaanka iyo dabeecadda, waxaa ay soo booqdeen xoolo dhaqatada, waxayna soo arkeen fardo, lo’, ari iwm, waxaa ay tababar ku sameeyeen sida dab looga dhaliyo qoryaha (madag). Hirgalinta barnaamijkaan waxaa la kaashaday ururka degaanka iyo dabeecadda ee loo yaqaano Naturskyddsföreningen. 

Habeenkii fanka 

Waxaa lagu soo bandhigay ruwaayad ka hadlaysa arrimaha ka taagan soomaaliya, sida dilka, dhaca, boobka, barakaca iyo qabyaaladda. 

Abawaanku wuxuu dadka Soomaalida ah ku matalay inaysan waxba ka duwanayan Lo’da. Wuxuu weliba farta ku muday in Lo'du ay diidi lahayd in laga dhigo Soomaali. Maadama aysan lo'du gelin wax dambi ah sida Soomaalida oo kale. 

Waa Ilaah mahadii! Xagaabaxaan wuxuu ku dhamaaday si heer sare ah, waalidiinta, carruurta iyo martida lagu casuumayba way ka wada mabsuudeen waxaana ka muuqatay farxad iyo rayrayn. Waxaa mahad leh dhammaan ururadii isku soo dubariday, dadkii ku baxshay wakhtigooda qaaliga ah hirgalinta kulan waynahaan oo faa’ido badan keenay. 
 

Cabdicasis Cilmi 
abdiaziz_e@hotmail.com 
Birmingham, UK


 

HALKAN KA EEG WARARKII XAGAAGII SADDEXAAD...

Faafin: SomaliTalk.com |  August 20, 2008

BAARID | SEARCH


Hayadda batroolka SoomaaliyaDFKMG oo Heshiis u Saxiixday Shirkadaha Batroolka ee Kuwait Energy iyo Medco Energi...
Maadaama shirkadahaasi jaal la ahaayeen Geeddi ma lagu macnayn karaa in la soo celinayo Geeddi Akhri


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS