SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Xaflad lugusoo Gabagabeeyay koobkii Gobalka Eastern Cape

Halkan ka daawo Sawirada Ciyaaraha...

Xaflad aad loosoo agaasimay oo lugu maamusayo munaasabad lugu xiraayo horyalkii Gobalka Eastern Cape ee Cariga K/Africa ayaa waxaa lugu qabtay Xafiiska Jaaliyada (SASA) Ee Gobalka Eastern Cape.

Xafladaas oo ay kasoo qaybgaleen dhinacyada kala gadisan ee Bulshada Rayidka ah ee Somalida ee ku dhaqan wadankan K/Africa Gobaladeeda kala gadisan.

Xaflada ayaa waxaa Soo qaban qaabisay Jaaliyada Somaliyeed oo ku guda jirtay dadaalo badan oo ay ku doonaysay in ay kor u qaado midnimada Bulshada.

Xaflada ayaa waxaa lugu furay sidii caadada aheedba Aayado Qur, aan ah.

Xaflada ayaa waxaa daadaheynayay Captankii Kooxda AL-SHABAAB oo ah kooxdi ku Guuleysatay Koobka Mudanne MAXAMED XUSSEIN CABDI (MAXAMED CADDE)

Xaflada ayaa waxaa loo guda galay qaybaheedii kale waxaana meshii kahadlay Gudomiye Kuxigeenka Jaaliyada Gobalka Eastern Cape Mudane : C/Rahmaan Axmed Yuusuf (RAABI)oo meshii kasoo jeediyay Muxaadarro iyo Sidookale war murtiyeed aad usoo jiitay ka qayb galayaashii Xaflada wuxuuna ku nuux nuuxsaday in ay bulshada Lafdhabar u yihiin dhalinta oo ay ka kacaan fadhiga oo gacmaha is qabsadaan.

Waxaa sidokale kahadlay Xaflada Suldaanka Besha Absame Suldaan Siraaje oo ka mid ahaa Aas aasayashii Jaaliyada Somaliyeed Ee SASA Suldaanka ayaa wuxuu ku dheeraday wax qabadka dhalinta Somaliyeed iyo kaalinta ay ku leeyihiinBulshada wuxuuna ku dhiira galiyay dhalita Somaliyed meel kasto oo ay joogaan in ay noqdaan kuwa lugu xisabtamo oo dhaxdooda ahaado walaalo isjecel dhibka wadankeeni heestana aan meel ooga soo wada jeesano.

Waxaa sidookale kahadlay meshii dhalinyar badan oo kuwada mideeysan inay noqdaan kuwa dadkooda iyo dalkooda wax tara waxaana kamid ahaa Gudomiyaha dhalinta Magalada Port Elizabeth Mudane Mukhtaar C/laahi Qaybdiid (Flower) oo ku nuux nuuxsaday in uu isku dayaayo inuu wado mideeynta Dhalinta kudhaqan Gobalka asagoo amaan usoo jeediyay dhamaan dhalinyarada Somaliyeed ee isku dayeeyso in ay sii wadaan is dhaxgalka iyo mideynta bulshada Somaliyeed ee kudhaqan wadanka wuxuna sidookale amaan u jeediyay Jaaliyada Soomaliyeed oo wado sidii ay dhalinta u noqonlaheed mid anan xumaan ku mashquulin.

Waxaa sidookale kahadlay Xaflada Gudomiyaha Sportiga Mudana Muxuyadiin Nuur Jiiley oo ay ka muuqatay farxad aad u sareeyso asagoo amaan usoo jeediyay dhamaan marti sharaftii kasoo qayb gashay Xaflada Halkaasna kusoo bandhigay Koobkii Sanadka dhan lugu hardamayay ee uu gudoonsiiyay Kooxsa Alshabaab FC oo ah kooxda Hanatay Kobkii Horyalka Gobalka Eastern Cape ee Jaliyada Somaliyed ay u qaban jirtay Sanad walbo.

Sidookale waxaa lakala Gudon siiyay dhalinyarobadan Shahaada Sharaf ay ku mutaysteen dadaaladii ay u galeen midaynta iyo isku duwida Bulshada dhexdeeda.

Kaalintii Dhalinta Soomaliyeed ee Gobalka Eastern Cape.

  • 1- Kaalinta Diinta & Dadnimada
  • 2- Sportiga & Hormatintiisa
  • 3- Kaalinta Waxbarashada & aqonkorarsiga
  • 4- Dhalinyarada waa Hogaanka mustaqbalka Umada
  • 5- Kaalinta Difaaca dadka iyo Dalka

Waxaa mutaystay Koobkii Leaga Koxda AL- SHABAAB FC

Waxaa Mutaystay Koobka Goal Dhalinta Mudane: Maxamed Macalin Mujaahid(MADKEY) Waxaa muteystay Koobka ASLuubta Mudane Cabdi Maxamed Carte (C/KAAT)

Walaalaha Mutaystay SHahaada Sharafta waxaa kamid ah

Aas aasa yaasha Jaaliyadda Ee Gobalka Eastern waxaa kamid ah:

  • 1- Suldaan Maxamed Siraaje
  • 2- Malaaq Xassan Nuur Jiiley
  • 3- Sheikh Daahir C/rahmaan Sugelle

Maamulkii Jaaliyadda ee gutay hawlahooda shaqo waxaa kamid ah:

  • 1- Muxuyadiin Nuur Jiiley
  • 2- C/laahi Careys Daahir
  • 3- Ismacil Cabdi Aadan Turky

Ganacsatadda Dhaqalaha Kubixisay Jaaliyada

  • 1- Cali Saalax Axmed
  • 2- C/rashiid Xussein (XABASHOW CADDE AFYARE)
  • 3- AL-Jaziira Restaurant

Gaba gabadii waxaa kahadlay Xaflada oo sifiican ugunuux nuuxsaday wax qabadkii Jaaliyada Gudoomiyaha war faafinta Jaaliyada Mudane: MAXAMED SHARIIF C/WAHAAB (MAXAMED MILLE ) Dad waynihii mesha kaso qayb galayna ay aad ugu riyaaqeeyn hadaladiisii asagoo sidookale umahad naqay sida ay u shaqeynayaan dhamaan dhalinta saxafiyinta ah ee somaliyeed asgoo carabka ku dhiftay Saxafiyinta wadankan ku nool sida Mudane C/Naasir SAXANSOXO oo anan asaga Goob jog aheeyn iyo Ismacil turkey oo isagu ahaa qoraagi mesha fadhiayay ee ka socday waxda war faafinta

Cabdinaasir Axmed Sh. (saxansoxo). Email: saxansoxo1@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com |  August 20, 2008

BAARID | SEARCH


Hayadda batroolka SoomaaliyaDFKMG oo Heshiis u Saxiixday Shirkadaha Batroolka ee Kuwait Energy iyo Medco Energi...
Maadaama shirkadahaasi jaal la ahaayeen Geeddi ma lagu macnayn karaa in la soo celinayo Geeddi Akhri


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS