SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Jaalliyadda Puntland ee gobolka Minnesota oo Shir la yeeshay Musharaxa Madaxweyne, Eng. Faataxo

Jaalliyadda Puntland ee ku sugan magaalooyinka mataanaha ee Minneapolis iyo St. Paul ayaa waxay isugu yimaadeen xaflad si heer sare ah loo soo agaasimay oo ka dhacday magaalada Minneapolis taariikhdu markay ahayd Jimce August 15, 2008. Ujeeddada xafladda loo qabtay ayaa waxay ahayd sidii loogu diyaa rgaroobi lahaa soo dhaweynta Musharraxa madaxtinimada maamul goboleedka Puntland Eng. Abdullahi Abdulkadir Ali (Faataxo) oo haddii la idmo ku soo wajahan waddanka Maraykanka.

Shirka waxaa ka soo qayb galay dad aad u badan oo isugu jira aqoonyahanno, culimaa'udiin, nabaddoono, dhallinyaro iyo hooyooyin aad u soo camiray shirka si aan caadi ahaynna uga soo qayb galay xafladda.

Xafladda ayaa waxay ka dhacday Restuarant lagu magacaabo Marina oo ku taalla Northeast Minneapolis oo ah meel inta badan xafladaha lagu qabto isla markaana horey loo sii ballansado
Musharraxa madaxweynenimada Maamul Goboleedka Puntland Eng. Abdullahi Abdulkadir Ali ayaa wuxuu yahay Pilot ama duuliye sare iyo Engineer ku takhasusay cilmiga diyaaradaha isagoo sidoo kalena aqoon sare u maamulka arrimaha bulshada iyo horumarinta.
Daawo sawirada dadkii ka qayb galay xafladda




Waxaa soo tebiyey
useen Cabdi
hussein_abdi@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com |  August 17, 2008

 

BAARID | SEARCH


WAREYSI: Professor Axmed Ismaaciil Samatar
“Itoobiya naguma soo duusheen haddaanu leennahay madax iyo dowlad dhab ah” Akhri

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS