SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

71 maalin  waxaa si rasmi ah Guriga Ummadda ee Caasimada dalka Jabuuti ka furmey Shirka dibu-heshiista wajigiisa labaad  

Sawirada Halkan ka daawo....

(Aug 16, 2008) Waxaa si rasmi ah uga furmey shirkii dibu-heshiisiinta dhinacyada TFG-da iyo ARS-ta wajigiisa labaad,  taasoo ay goob joog ka ahaayeen laba xubnood oo ka socdey Xafiiska Madaxweynaha Dowlada Jabuuti Ismaaciil Cumar Geel, inta badan diblamaasiyiinta  kala duwan ee caalamka ka  jooga dalka Jabuuti, xubno ka socdey beesha caalamka oo isugu jira Mas’uuliyiin Ururo caalami ah, sidoo kale waxaa shirka joogey dhinacayada saldhiga u ahaa furitaanka shirka iyo xubno ka socdey Ururaadda Bulshada.

Furitaanka shirka ugu horey waxaa ka Hadley Amp; Ahmedou Ould-Abdallah, Axmed Cabdisalaan Aadan, Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, xubin ka socotey African Union Bwakir, Wakiil Jaamaca Carabta Al-khussaibi, Wakiilka Midowga Yurub Dominique Decheref, Xubnid ka socotey Dowlada Masar, xubin kale oo ka socotey Wasaaaradda Arimaha Dibadda ee Kiiniya iyo Wasiirka Arimaha Diinta iyo Aw-qaafta Dowlada Jabuuti

 Hadii aan soo qaadano hadalada Mas’uuliyiintan Wakiilka Midowga Afrika  waxaa hadaladiisa kaa mid ahaa“Afrika waxaa ka go’an dariiqa dheer ee dibu-heshiisiinta loogu jiro iyo soocelinta Qarankii Soomaaliyeed”.  

Wakiilka Jaamaca Carabta “Caalamka tusa wax laydinku aaminikaro, maxaa loo dilayaa Wiilasha iyo Haweenka Soomaaliyeed, ma Ajnabi baa, wixii hada ka dambeeeya, wada shaqeeya oo aan wada shaqeyno, Soomaalida hadii waqti la siiyo si dhib yar ayey ku dhameyn karaan khilaafkood”  

Wakiilka midowga Yurub “dalka Jabuuti waa aaminikarnaa, loo eego Muqdisho, Jawiga Yurub waa is-bedeley, waxaanu haysanaa dadd aanu la shaqeyn karno, Soomaalida dibada waxaa kaa go’an dibu-heshiisiinta, waana guruubyo siyaasadeed oo la shaqeynkara dalallka Horumarey”.  

Xubin ka socotey Masar “Soomaalidu waxaan wakiil ugu nahay, inaan ku cadaadino heshiiska Taariikhiga ah, taageerada aan idiin hayno waanu sii wadeynaa, aduuunkuna adinka ayuu idinku haleynayaa, sidii xasilooni looga gaari lahaa Soomaaliya, Masar waxay la jireysaa waligeed Soomaaliya”.  

Xubin ka socotey Wasaaradda Arimaha Dibadda ee Kiiniya “Nabad si dhib yar kuma timaado, waxayna u baaahan tahay go’aan, xiriirkeenu idiin kama go’aayo ee natusa go’aan mideysan, kiiniya waxay sii wadeysaa nabada Soomaaliya, waxayna eegeysaa Kubadda Siyaasada”.  

Gunaanadkii Khudbooyinka shirka waxaa khudbad Taariikhi ah oo dheer, islamarkaana taabaneysey dhinacyo kala duwan ka jeediyey Wasiirka Arimaha Diinta iyo Aw-qaafta ee Dowlada Jabuuti, Md. Xaamud Cabdi Suldaan  

“anigu waxaan leeyahay Kubadda waxay hoos taala Soomaaliya, arintana waxaa sii fogeeyey dadka Soomaaliyeed, halkii laga rabey inay kala gartaan waxa laga rabo waqti kasta, Masiirka Ummadda Soomaaliyeed adinkaa xadidaaya, Madaxweynaha jabuuti waxaa xanuun ku haya, dhiibtada shacabka Soomaaliyeed, waxaa laydinka doonayaa sidii loo quudin lahaa 3500 oo ruux oo ah arin hadadaad ah, waxaana laydinka doonayaa shacabka Soomaaliyeed ee Cabsida ku raagtey, Gaajada iyo cudurada” ayuu yiri Md. Xaamud oo hadalka sii wata ayaa intaa ku darey  

“cid kasta waxay raadineysaa sharciyad, sharciyaduna ma ahan mid ku dhisan xoog, taasina waxaa laga helaa bulshada dhexdeeda iyo caalamka, waxaana ladoonayaa in la joojiyo dhiiga shacabka Soomaaaliyeed ee daadanaya maaalin kasta, Jirka dowladnimo iyo dalkuba waa idiin ku filan yahay, mas’uuliyiinta Soomaaliyeed inay gartaan ayaa laga doonayaa, dhibta jirta waad ogtihiin, waxaadna kaga jirtaan meel adag, Soomaaliya waxaa laga waayey Reer laandheere ah, siyaasadu waa fan ee ma ahan nin kasta inuu meeshiista xajisto” ayuu yiri Md. Xaamud  

Maxamed Macallin Cismaan(all-man) Somalitalk Jabuuti

fatxumaalik@hotmaail.com

Faafin: SomaliTalk.com |  August 17, 2008

 

BAARID | SEARCH


WAREYSI: Professor Axmed Ismaaciil Samatar
“Itoobiya naguma soo duusheen haddaanu leennahay madax iyo dowlad dhab ah” Akhri

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS