SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

DFKMG ayaa ku dhawaqaday muddo sanad ah ka dib in ay dib u furtay wadada 30ka ee magaalada Muqdisho

Sawirada Jidka 30ka Halkan Ka Daawo

Dhegeyso: Codkii Dhagaxtuur iyo Dadkii ka soo qayb galay....

Mar maanta (AUG 16,2008) aan gaarnay wadada 30-ka gaar ahaan agagaarka Cali kamiin ayaa waxa ka muuqanayey Hareeraha wadada cali kabiin burbur lixaad leh, qashin ,geedo ka soo baxay jidka dhexdiisa , qabuuro cusub oo laga yaabo in ay ka badan yihiin inta aan aragnay , cidlo baahsan waxaana si aad ah halkaasi loo arkayey dhufeysyo ay qoteen iyo taangiyada ciidamada Ethiopia iyo ciidamadooda , inkasta oo uu sheegay gudoomiyaha cusubi in la qaadi doono ciidamada iyo qalabkooda lana geyn doono meel uu ku shegay in ay u tahay munaasib ,

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ee uu dhawaan Magacabay Ra’isul wasare Nuur cadde Cusmaan Cali dhagaxtuur ayaa shaaca ka qaaday maanta isagoo saxafaadda kula hadlayay wadada Isgoyska Cali Kamin ee Wadaada 30ka in Maanta iyo wixii ka danbeeya ay furan tahay oo ay gaadiidka iyo dadkaba isticmaali karaan wadadasi oo fariisin u ah Ciidamka Ethipia

Guddoomiye Dhagax tuur oo ay la socdeen Masuuliyiin Maamulkiisa ee gobolka banaadir sida guddoomiyeyasha degmoyinka wardhiigleey, yaaqshiid, wadajir dharkeenleey iyo guddoomiye kuxigeenka gobolka banaadir xagga arrimaha amaanka C/fitaax Ibarhim Cumar (shaaweeye) iyo dad weyne kale oo aad u fara badnaa waxaa ahaa shaqsigii ugu horeeyay ee gudinta qabto ee qaada qashinka iyo howsha baaxadda leh ee nadaafada deegankaas lagu sugayo.

Guddoomiyaha Maamulka KMG ee gobolka Banaadir Max’ed Cusmaan Cali (Dhagax
Mr Dhagaxtuur ayaa waxaa uu sheegay in wadadaasi ay gaadiid saari doonaan isla markaana ay 1 ka tahay furitaanka Wadooyinka ka xiran magaalada Muqdisho,isla markaana ay dib u furi doonaan dhamaan wadooyinka xiran.

“Wixii maanta ka bilowdo waan isku fureenaa wadooyinka dhan shaqooyin aaan abuurno dadkii barakacayna anaga ayaaa gacanteena ku soo celineyno ciidanka waaan ka fogeyneynaa meelaha Rayidka oo dhan ” ayuuu yiri Mr Dhaxag tuur isagoo saxaafada la hadlyay, waxaanna mudanhaas u sheegay in halkaas la saaro dooono baabuurta dadka ay raaceen ee looyaqaano BL-Ka,waxaa kale oo uu ka codsaday dadka degaankaas in ay dib ugu soo laabtaan guryahoodii, oo qoys waliba ay xooga saaraan ka qayb qaadashada nadaafadda,
Intaas kadib waxaa uu u mahadceliyey dadkii isgoo ku aamaanay furista wadadaas oo sida u sheegay xirneyd muddo fara badan, taasoo uu sheegay inuu ku faraxsan yahay furista wadaa oo iskaa wax u qabso lagu dhisan haddana la rabo in iskaa wax u qabso lagu nadiifiyo, oo lagu soo gabagabeeyo wax ka yar hal todobaad.

Wadada 30ka oo ah meel ay ka dheceen dagaalo xoogan oo u dhexeeyay Ciidamada Ethiopia iyo Kuwa dowalada KMG Soomaaliya oo isku dhan ah iyo Xoogaga ka soo hor jeeda ayaa waxaa ay noqotay meel aad u burbursan waxaa lagu arkayay ciidamo aad u farabadan oo ka mid ah ciidamada Ethiopia ee fariisinka ku leh garoonka Muqdisho Stadium iyo ciidamo ka tirsan kuwa dowlada KMG Soomaaliya.

Iyadoo maamulka KMG ee gobolka Banaadir uu maanta shaaciyay in uu dib u furay wadada 30ka ee magaalada Muqdisho ayaa hadana waxaa jira shakiyo muujinaya sida wadadaasi ay shacabka u isticmaali doonaan maadaama ay weli ku sugan yihiin qeybo ka mid ah wadadaasi ciidamada Ethiopia iyo kuwa dowlada KMG Soomaaliya.

Dib u furmida wadadani ayaa waxaa ay ku soo aadeysaa xili dhawaana dibadbax ka dhacay degmada Wadajir ee gobolka Banaadir kaasi oo lagu taageerayay sii hayaha duqa magaalada Muqdisho oo uu ku sheegay in maamulka gobolka Banaadir uu ku dadaali doono dib u furida wadooyinka ku xirmay dagaalada ee magaalada Muqdisho.





Muuse Maxamuud Jiisow
musejisow@hotmail.com
Muqdisho Bakaaro Somalia
0025215576666
002525907666

Faafin: SomaliTalk.com |  August 16, 2008

 

BAARID | SEARCH


WAREYSI: Professor Axmed Ismaaciil Samatar
“Itoobiya naguma soo duusheen haddaanu leennahay madax iyo dowlad dhab ah” Akhri

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS