SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Kor u kaca qiimaha Shidaalka oo yareeyay shilalka Wadamada reer galbeedka : by Mahdi Ghandi

Baahida loo qabo khayraadka iyo xaalufinta bii’ada ama deegaanku waa qayb ka mida isdebelka cimillada aduunka oo saameeyn weyna ku leh sicirbararka meceshada & quutaldaruuriga.

waxaa hoos u dhacay Dhimashada dadka ku qudhwaayay shilalka ka dhaca jidadka waaweeyn iyo jiddadka dhexe ee wadamada reer galbeedka sababo la xidhiidha isku socodka Gaadiidka oo yaraaday, ka dib markii qiimaha shidaalku uu cirka isku shareeray sida ay cadeeyeen NSC. oo ah hay’ada u qaabilsan daryeelka caafimaadka iyo nabadgelyada jiddadka. ee Maraykanka iyo Europe.

Laga bilaabo lixdii bilood ee sannadka 2008da ugu horeysay Shilalku waxay hoos uga dhaceen boqolkiiba ilaa 9%. Hadii aan soo qaadano dalka Maraykanka waxaa hoos u dhacay socodka masaafada ( km )gaadiidlaydu isticmaasho oo noqday boqolkiiba ilaa 4.7% marka la barbar dhigo sannadkii 2002. Dadka ku nafwaayay shillaka sannadkii 2007 waxay dhamayd 186 ruux halka shilalka dhacay sannadkan 2008 ay ku nafwaayey 125 qof

Qiimaha Shidaalka oo kordhaa waa faa’iido soo korodhay markaan fiirino Bishan bisheedii markii ay yaraadeen dadka isticmaalada gadiidka ee ku shaqa taga ama ku adeegta ,waxayna hoos u dhaceen boqolkiiba ilaa 2.7% marka loo eego nabadgelyada Dadka isticmaala jidadka.

Hadaan fiirino dalka Maraykanka waxaa yaraaday dadka isticmaala Gaadiidka o hoos u dhacay boqolkiiba 4.2% ,waxaana aad u yaraaday oo isdhimay xawaaraha iyo masaafada dheer ee dadku ku safraan Baabuurta iyadoo dadbadani Baabuurta kaga tagaan guryahooga badankooduna ku shaqo tagaan Gaadiidka daweynaha iwm.

Wadanka Holland oo Dadku ku nooli yihiin 16.000.000 oo qof Dadka iyo baabuurtaba waxaa ka badan baaskiiladaha

“’Qiima korodhka shidaalku xitaa wuxuu badalay dameecadaha xawliga iyo Xawaaraha dirawalada ama wadayaasha baabuurta. waana wax lagu farxo Sidaasna waxaa yidhi Wasiirka gaadiidka ee dalka Maraykanka Wasiir. Bernad Cohen.”’

______________________

  • NB: Somalia & Somaliland haday dadka ka adkaan waayeen haka adkaan Xoolaha la rarto Dameeraha iyo awrta maalin dhow waa loo bahan doonaa

Sources Ducht media writen by: Tony lee
Translater by: Mahdi Ghandi Amsterdam Holland  

 

Faafin: SomaliTalk.com |  August 16, 2008

 

BAARID | SEARCH


WAREYSI: Professor Axmed Ismaaciil Samatar
“Itoobiya naguma soo duusheen haddaanu leennahay madax iyo dowlad dhab ah” Akhri

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS