SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Barnaamijkii Radio Xoriyo
16 August 2008.


Dagaallo lagu jabiyay ciidammada gumaysiga

JWXO oo u digtay kooxaha gumaysiga la shaqaysta
Sanadguuradii 24aad ee kazoo wareegtay aas-aaskii jwxo.
G/hogaanka arimaha gudaha iyo amniga ee jwxo oo tahniyad iyo salaan ku beegan 24 guurada jwxo hawada u mariyey shacabka Ogadenya.
Hooyada Halganka ahna hooyadii aqalkeeda lagu aas-aasay jwxo oo waraysi dheer ka bixiay halganadii soo maray Ogadenya.

======================


Dagaallo lagu jabiyay ciidammada gumaysiga


Dhawrkii maalmood ee inaga tagay dagaallo dhawr ah oo dhex-maray CWXO iyo kuwa gumaysiga Itoobiya waxaa ciidammada gumaysga lagaga dilay ugu yaraan 73 askari, waxaa sidoo kale lagaga dhaawacay 26 askari. Ciidammada gumaysiga waxaa dagaalladaas lagaga gubay hal Baabuur oo Uuraal ah iyo hub fara badan, sidaas waxaa noo soo tabiyay wariyaha nooga soo warrama dalka Ogaadeenya.

09/08/08 waxaa seddex weerar oo kala duwan loo gaystay kolonyo baabuur ah oo ay wateen ciidammada gumaysigu oo u kala gooshaysay Qabridaharre iyo Wardheer. Weerarradani waxay ka kala dhaceen Toon-diley, Kudunbuur iyo Dawacaley, oo dhammaantood ku yaalla inta u dhaxaysa magaalooyinka Qabridaharre iyo Wardheer. Weerarradan inta la ogyahay waxaa gumaysiga lagaga dilay 14 askari, 18 kalana waa lagaga dhaawacay.

07/08/08 Laga-hidda waxaa ciidammada gumaysiga lagaga gubay hal Baabuur oo Uuraal ah, iyadoo baabuurkii iyo askartii saarnayd oo 50 lagu qiyaasayba ay halkaas ku bas-beeleen.

Isla 07/08/08 ciidammada gumaysiga ee ku sugan Galadiid iyo Laga-hidda waxaa loo gaystay weerarro mir ah, waxaana la gaadhsiiyay khasaare aan faahfaahintiisa la haynin.

06/08/08 dagaal isaguna ka dhacay Qaydar Adhile, oo ka tirsan degmada Awaare, waxaa ciidammada gumaysiga lagaga dilay 3 askari, 2 kalana waa lagaga dhaawacay.

05/08/08 dagaal ka dhacay Ceel hadi, oo Baabili ka tirsan, waxaa gumaysiga lagaga dilay 2 askari, 3 kalana waa lagaga dhaawacay.

Isla 05/08/08 waxaa weerar gaadmo ah loo gaystay ciidammo gumaysigu leeyahay oo ku sugnaa Dhanqa, oo Fiiq ka tirsan, waxaana la gaadhsiiyay khasaare aan faahfaahintiisa la haynin.

02/08/08 dagaal ka dhacay Laasoole, oo degmada Shilaabo ka tirsan, waxaa ciidammada gumaysiga lagaga dilay 4 askari, 3 kalana waa lagaga dhaawacay.

JWXO oo u digtay kooxaha gumaysiga la shaqaysta


Guddoomiyaha Hoggaanka Arrimaha Gudaha iyo Amniga N/h Cabdi Cabdullaahi ayaa hadal uu dadwaynaha u jeediyay munaasabada sannadguurada 24aad ee Jabhadda Waddaniga Xoreynta Ogaadeenya, wuxuu digniin adag u jeediyay kooxaha damiir laawayaasha ah ee la shaqaysta ciidammada gumaysiga Itoobiya, kuwaasoo uu uga digay in tallaabo adag laga qaadi doono, isla markaana aan marna laga cafiyi doonin denbiyada ay ka galayaan dalka iyo dadka.

Guddoomiyuhu wuxuu sheegay in Dabaqoodhiga iyo kuwa maamul ku sheegga ah ee gumaysiga u adeega marar badan oo kala duwan loogu baaqay inay ka waantoobaan hawlaha gumaysi kalkaalka ah ee ay faraha kula jiraan, sidaas darteed wixii hadda ka denbeeya aan la cafiyi doonin kuwooda gacanta lagu dhigo.

Wuxuu kaloo digniin middan la mid ah u diray Odayaasha oggolaada inay gumaysiga u adeegaan oo dadkooda ku qasbaan fulinta qorshayaasha nacabnimada ah ee gumaysiga, wuxuuna Odayaasha noocaas ah ugu baaqay inay arrintaas ka waantoobaan, haddii kale laga qaadi doono tallaabada ku habboon. Wuxuu sidoo kale u digay kuwa culimada isku sheegaya ee Diinta Eebe sida khaldan u fasiraya, isla markaana ka been sheegaya Dagaalka Xaqa ah iyo dadka ku jira, si ay u qanciyaan gumaysiga Itoobiya, wuxuuna tilmaamay in kuwaas Diinta ka been sheegaya la marin doona Abaalka ay mudan yihiin.

Guddoomiyuhu wuxuu beesha caalamka iyo Jaaliyadaha Ogaadeenya ee dibadaha ku dhaqanba uu baaqay inuu gargaar degdeg ah la soo gaadhaan dadwaynaha Ogaadeenya oo Abaar baʼani ay hayso.

Dhinaca kale munaasabada sannad guurada 24aad ee JWXO ayaa si wayn looga xusay dalka gudihiisa, iyadoo Qaybaha kala duwan ee CWXO ay qabteen xaflado munaasabadan lagu xusayo, waxayna hanbalyo iyo bogaadin u direen CWXO, Xubnaha JWXO, Jaalyadaha Ogaadeenya iyo bulsho waynta Ogaadeenya oo ay u rajeeyeen in sannadkan sannadkiisa ay ku ciidaan xorriyad taam ah.

16 August 2008

Axmed Gaal-Eri

Radioxorio@radioxoriyo.com
Raadioxoriyo@yahoo.com

Radio Xoriyo waxaad ka dhegaysan kartaa Mawjadda 41 MB ee dhererkeedu yahay 7560 KHZ,iyo internetka Radioxoriyo.com,Ogaden.com Maalmahaa Talaadada & Sabtida 5:00PM – 5:30 waqtiga Afrikada Bari

Faafin: SomaliTalk.com |  August 16, 2008

 

BAARID | SEARCH


WAREYSI: Professor Axmed Ismaaciil Samatar
“Itoobiya naguma soo duusheen haddaanu leennahay madax iyo dowlad dhab ah” Akhri

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS