SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

General C/laahi Axmed Jaamac (Ilka Jiir) oo Qaab Caalami ah  loogu soo Dhoweeyey Madaarka Magaalada Bosaas

Bosaso, Waxaa ka soo Degey Gegida Diyaaradaha Magaalada Bosaso Mudane C/laahi Axmed Jaamac ilka jiir oo ah Musharax ku Loo laamaya Hogaanka Xukuumada PL Waxaa soo dhowayntaasi ay ahayd Midii ugu Cad cadcadayd ee la arko tan iyo Markii ay soo bexeen Musharixiinta Reer PL ,waxaa soo Dhoweyey Musharaxa kumanaan kun oo Ruux Waxaana La xiray Wadada laamiga ah iyo Wada isku Xirta Magaalada iyo garoonka Diyaaradaha ee Musharaxu ka soo Degeyey,Waxaa sidoo kale Si wayn uga qayb qaatay Soo Dhowaynta Musharax C/laahi Axmed Jaamac ilka Jiir Saraakiisha Bileyska Qaybohooda kala Duwan iyo Masuuliyiinta Maamul Goboleedka Puntland, iyadoo tan iyo markii uu kasoo degay magaalada Boosaaso Amnigeeda la adkeeyey.

Masharaxa ayaa Ka Dib Markii uu Hoteelkiisa ku Degey Ka soo Jeediyey hadalo gaaban isagoo sheegay in Mar dhow ka Waramayo Wax qabadka kaga aadan Madaxtinimada.


Maxamed Axmed Ciise

Faafin: SomaliTalk.com |  August 14, 2008

 

BAARID | SEARCH


WAREYSI: Professor Axmed Ismaaciil Samatar
“Itoobiya naguma soo duusheen haddaanu leennahay madax iyo dowlad dhab ah” Akhri

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS