SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Deeq lacageed oo ay soo direen jaaliyadda Soomaaliyed ee dalka Britain oo gaareysa illaa 800 $ ah oo u dhiganta 27 milyan sh. so ah ayaa maanta la gaarsiiyey Isbitaalka Madiina ee magaaladda muqdisho,

Sawirada Halkan ka daawo...

Deeqdaan oo ay si wada jir ah u soo wada direen Fannaanka soomaaliyeed ee caanka ah Khaalid Shariif Axmed oo loo yaqaan (King Khaalid) iyo Cabdiqani Maxamed sokoroow oo labadaba ka mid ah jaaliyadda soomaaliyeed ee deggan magaaladda London gaar ahaan xaafadda Nesden , ayaa deeqdaan waxaa ay u soo direen haweenkii soomaaliyeed ee ku wax yeeloobay howlihii nadaadda ee kal hore, ayagoo ku gudajiray soo celinta bilicdii magaaladda Muqdishana ay ka kulanmeen masiibo dad badan oo ka mid ahaa haweenkii howlaha nadaafadda oo gaarayay illaa 20 qofood ineey ku dhintaan, halka in ka badan 31 qofoodna ay ku dhaawacmaan.

Deeqdaan maanta la gaarsiiyey isbitaalka madiina ayaa waxaa loo soo wakiishay isla markaana bixiyey ku xigeenka Duqa magaaladda Muqdisho, ee xagga arrimaha nabad galyadda, C/fitaax Ibraahim Cumar (Shaaweeyea ugu horreyn waxa uu u mahad naqay dadkii la baxay sadaqadaan, oo sida uu sheegay ahayd mid loo soo qoondeyey dadkii kuwaxyeeloobay qaraxii bamka eekal hore,

Ku xigeenka Duqa magaaladda Muqdisho ee xagga Arrimaha Bulsahada C/fitaax Ibraahin Cumar (Shaaweeye) aya halkaasi waxaa uu ka sheegay sida loogu baahan yahay in wax loogu qabto dadkaan tabaaleysan ee wax yeeladu ay soo gaartay ayagoo wada howl qaran. Waxaa kale oo mudanahaas uu ka codsday hay’adaha samafalada iyo ganacsatada soomaaliyeed ineey daryeel la soo gaaraan bukaanada ku jira isbitaalka madiina oo sida uu sheegay aan helin daryeel ku filan,

Bukaanada ku sugan isbitaalka banaadir ee manta la gaarsiiyey deeqdan ayaa waxa ay ahaayeen illaa iyo 25 qofood oo dhamaantood xubno ka wada ahaa masiibadii kal hore ka dhacday wadada makka almukama xilligaasoo ay wadaan shaqo qaran, waxaana qof kasta oo bukaanadaas ka mid ahaa manta la siiyey adduun dhan hal milyan qofkiiba.

Bukaanada yaala isbitaalka madiina ayaa dhamaantood waxaa ay yihiin kuwa ay ka soo rayneyso xaaladdooda Caafimaad sida ay ku waramayaan saraakiisha isbitaalka madiina.gaar ahaan agasimaha isbitaalkaas daahir dheere oo waliba ka mahad celiyey dadaala ay dibadaha ka wadaan dadka soomaaliyeed, ee u naxaya walaalahooda dhibaateysan ee ku rafaadsan gudaha dalka soomaaliya, kuwaasoo uu sheegay in mar walba ay wax la qaybsadaan dadka soomaaliyeed ee rafaadsan.


Muuse Maxamuud Jiisow
musejisow@hotmail.com
Muqdisho Bakaaro Somalia
0025215576666
002525907666

Faafin: SomaliTalk.com |  August 14, 2008

 

BAARID | SEARCH


WAREYSI: Professor Axmed Ismaaciil Samatar
“Itoobiya naguma soo duusheen haddaanu leennahay madax iyo dowlad dhab ah” Akhri

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS