SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAYSI

Somalitalk oo wareysatay Wardheere oo Soomaaliya ka soo laabtay Dhowaan

“Boowe waa buundadii la xaday”.....


Somalitalk: Mudane Wardheere, maxay ahayd ujeedada socdaalka aad Soomaaliya ku tagtay ?

Wardheere: Ujeedada aan u aaday Soomaaliya waxay ahayd in aan soo arko hooyaday oo aan mudo dheer arag. Ilaah baa mahad leh waan soo arkay waxay joogtaa Garowe caafimaadkeeda ma fiicna ilaahay ha caafiyo

Somalitalk: Magaalooyinkeed tagtay?

Wardheere: Waxaan tagay Garowe, Boosaaso, Laascaanood inta u dhaxaysane baabuur ayaan ku maray. Waxaan halkaas ku soo arkay dad Soomaaliyeed oo aad u wanaagsan oo aad u dadaal badan inkastoo ay haysato xaalad adag.

Somalitalk: marka laga reebo safarkaagan goormaa kuugu danbaysay Soomaaliya?

Wardheere: Soomaaliya waxaa iigu danbaysay markii uu dumay qarankii Soomaaliya 18 sano ka hor. Laakiin Nugaal iyo Bari hadda iiguma horeyn ee waxaa iigu danbaysay 1986- Markii uu shilka gelayay madaxweynahii Soomaaliya ee Maxamed Siyad 1986 waxaan joogay Isku shuban, Markii uu Reagan weeraray Libya 1986 waxaan joogay Isku shuban, Xiddigii dabo dheer (Comet) markii uu muuqday waxaan joogay Isku Shuban. Laakiin markaas Boosaaso (Bandarqaasim), Garowe iyo Gaalkacyo waa ay yar yaraayeen. Hadda waxaa isbadalay waa dadkii oo batay iyo magaalooyinkii oo fiday oo laami yeeshay. Waxaa kale oo aan soo arkay dad badan oo Soomaaliyeed oo ka soo shaqo doontay koofurta Soomaaliya iyo qaxooti badan oo ka yimid Itoobiya. Waxaa xusid mudan in shacabka magaalooyinkaas degan ay soo dhoweeyaan dadka soo shaqo doontay oo ay u arkaan dad wax ku soo kordhiyey ee aanay u arag dad wax ka qaadanaya ama culays ku ah.

Somalitalk: Ka waran maciishadda iyo nolosha dadka

Wardheere: Waa xaalad laga naxo oo aad looga murugoodo. Shaqo la’aan baahsan iyo daryeel la’aan baahsan. Lacagtii shilinka oo qiimo beeshay, dollarka oo kacay iyo qiimaha raashinka oo cirka isku shareeray. Sanad ka hor $100 dollar waxaa lagu sarifi jirey baa la igu yiri 1malyuun iyo bar sh. Kiishka Bariiska waxaa uu ahaa sanad ka hor baa la igu yiri $15 dollar maantana $60. Su’aashu waxay tahay yaa awooda inuu iibsado. Jawaabtu waa dad yar. Ilaahay Soomaalida dhibta haka qaado. Haddii ay helaan nabad iyo nidaam iyo biyo gelin shacabka Soomaaliyeed waxay diyaar yu yihiin inay bilaabaan kacaankii wax soo saarka beeraha Soomaaliya waxay dhoofin kartaa raashin.

Somalitalk: Mudane Wardheere waa adigii laguugu yaqaanay dhiirgelinta dhalinyarada iyo waxbarashada ee ma booqatay goobo waxbarasho?

Warheere: Haa, waan booqday goobo waxbarasho. Goobaha aan booqday waxaa ka mid ah: Puntland State University (PSU) oo kutaal Garowe halkaas oo aan kusoo arkay arday Soomaaliyeedoo aad u dadaalaya. PSU waxayba isiiyeen an honoring degree of public service . Waxaa kale oo aan booqday Machadka tababarka macalimiinta ee Garowe (Getec) halkaas oo aan la kulmay Dean Abdirizak Lafoole iyo maamulka GETEC halkaasoo ay ka wadeen dadaal badan.

Intii aan joogay Garowe maamulka Getec waxay igu casuumeen in aan cashar siiyo Macalimiin Soomaaliyeed oo uu tababar u socday taasoo ii ahayd fursad fiican. Waxaa kale oo aan soo arkay dugsi wax lagu baro ardada Soomaaliyeed ee indho la’aanta ah oo ku yaal Garowe oo uu asaasay Mudane Dalmar Guureeye oo aan weliba codsanayo in la taageero dugsigaas. Waxaa kale oo aan soo booqday East African University oo ku taal Boosaaso iyo Nugaal University ee Laascaanood

Somalitalk: Maxaad nooga sheegi kartaa Burcad badeedka ka howlgala badaha degaankaas?

Wardheere: Sida aan soo ogaaday hadda markii uu bur buray qarankii Soomaaliya goboladan iyo guud ahaanba Soomaaliya waxaa ka dhacay wax mudan in taariikhda lagu xuso oo ah kacaankii kaluumaysiga. Dad badan oo lahaa reer miyi iyo reer magaal ayaa ku yaacay badda bartayna sida loo manaafacsado badda kana kalluumaystay badda kuna soo mooday ilaa 2005 markaasoo ay badda xaalufiyeen maraakiin waaweyn oo caalami ah si sharci darro ah kuna sameeyeen waxa la yiraahdo (over fishing) ka dibna waxaa dhacday Tsunaami.

Burcad badeedku sabab fiican ayay ku bilaabmeen sabab xunna way ku danbeeyeen.waxaa ay ku bilaabmeen xaq doon iyo inay iska cayriyaan maraakiibta shisheeye ee kalluunka ka dhameeyey laakiin markii dhalinyadii ka lacagaysatay madaxfurashadii waxay isu bedeshay ganacsi iyo dhac taasoo keentay in badda Soomaaliya oo dhan laga caago. Raashinka qaaliyoobay iyo insuranceka doomaha Dubai oo kordhay ayagaa lagu eedeeyaa. WFP iyo hay’ado deeq keeni jireyba ayagaa u sabab noqday in ay iman waayaan. Meesha aan ku arkay saameynta burcad badeedka iyo WFP waxay ahayd xarunta lagu xanaaneeyo dadka qaba jirada miyirka ee Garowe. Waxaan codsanayaa in dadka isu xilqaamay ee xaruntaas la taageero.

Somalitalk: Wadooyinka ka waran?

Wardheere: Wadada Boosaaso ilaa Garowe waa wanaagsan tahay laakiin qofkii rabo marka hanti qaran la dhaco ama dawladdu yeelan weyso awood kormeer(quality control) natiijada ha soo fiiryo jidkaas inta u dhaxaysa Qardho ilaa Boosaaso. Qofkii maray ayaa fahmaya waxaa aan ka hadlayo. Meesha waxaa mara togag markii uu roob da’o biyo badan soo maraan buundana looma samayn. Haddii uu roob da’o waxaa dhici karta in baabuurtau xayirnaato saacado ilaa maalmo hadba roobka da’o ayay ku xiran tahay. Waxaa la ii xaqiijiyey in biyaha wadada laamiga buundo la’aanta socdaa markii uu roob da’o ay qaadaan dad iyo baabuurba. Waxaa sidoo kale la ii xaqiijiyey in dadka jiran oo isbitaal loo wadaa ay dhici karto inay halkaas ku xayirnaadaan. Waa arrin la wada ogyahay oo ilaa manta dadkii arrintaas sameeyey la habaaraa. Dadka degaanku waxay u yaqaanaan “Boowe waa buundadii la xaday” Wadooyinka magaalooyinka badankood waa la degay. Magaalada Garowe oo keliya ayaa ka nabad gashay in wadooyinkeeda la dego taasina waxaa u sabab ah dadka reer garowe oo aan ogolayn in wadooyinkooda la xiro waxaan leeyahay hambalyo reer Garowe.

Somalitalk: Mahadsanid Wardheere

Wardheere: idinkaa mudan.
 

Faafin: SomaliTalk.com |  August 14, 2008

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS