SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

  • GEN. GABRE: "C/llaahi Niyadda haka saaro inuu soo celiyo Maxamed Dheere"
  • Ciidamada Itoobiya oo qaraxyo lagula beegsaday inta u dhexeysa Muqdisho iyo Afgooye

GEN. GABRE: "C/llaahi Niyadda haka saaro inuu soo celiyo Maxamed Dheere"

Gen. Gabre iyo Gen. Yohans oo mudooyinkaan la tashi ugu maqnaa Magaalada Addis Ababa ayaa dib ugu soo laabtay Magaalada Muqdisho, markiibana waxay wadahadal la yeesheen C/llaahi Yuusuf Axmed iyo Ra'iisul wasaare Nuur Xasan Xuseen (Cadde), waxayna kulamadaan ku saabsanaayeen sidii loo soo afjari lahaa khilaafka u dhexeeya Ra'iisul wasaaraha iyo Madaxweynaha oo ku saabsanaa xil ka qaadistii uu Nuur Cadde ku sameeyay Maxamed Dheere.

Markii hore waxay kulan la yeesheen C/llaahi Yuusuf Axmed, waxaana lagu wargeliyay inuu isaga haro dib u soo celinta Maxamed Dheere, uuna aqbalo xil ka qaadistii Nuur Cadde uu sameeyay.

C/llaahi Yuusuf ayaa lagu warramay inuu arintaas ka biyo diiday isagoo sheegay in Nuur Cadde uu leeyahay talo soo jeedin ee uusan lahayn inuu xil qaadis sameeyo, hase ahaatee Gen. Gabre ayaa wuxuu sheegay in C/llaahi looga baahan yahay inuu raaco rabitaanka inta badan, waayo ayay yiraahdeen Maxamed dheere waxaa xil ka qaadistiisa dalbaday qaar ka mid ah mas'uuliyiinta Banaadir, odayaasha dhaqanka iyo dadkii ka barokacay qaybo ka mid ah Muqdisho.

Nuur Cadde ayaa waxaa isna loo sheegay inuu ka laabto magacaabistii golaha wasiirada ee uu dhawaan magacaabay iyadoo loo soo jeediyay inay Dowladdu u shaqeyso sidii hore, isla markaana Gen. Gabre wuxuu aqbalay saddexdii wasiir ee lagu soo daray xubnaha golaha wasiirada, kuwaasoo mudo magcaabistooda la sugayay.

Xubno ay isku beel yihiin C/llaahi Yuusuf Axmed qaarkoodna ay ku jiraan golaha wasiirada kuwaasoo kala ah: Maxamed Warsame Darwiish, Cabdi Maxamed Tarrax, C/risaaq Ashkir Cabdi iyo Cali Axmed Jaamac Jangeli, ayaa iyagu damcay inay kala dhexgalaan madaxweynaha iyo ra'iisul wasaaraha, hase ahaatee waxaa lagu waramay in arrintaan ay ku guuldareysteen, kaddib markii labada mas'uul uu mid walba go'aankiisii uu ku dhagay.

Dowladda Somalia oo inta badan ku tiirsan ciidamada Itoobiya ayaa warar soo baxaya waxay sheegayaan in Muqdisho uu soo gaaro Wasiirka Arrimaha dibadda ee Ethiopia Atto Seyoum Mesfin oo dhowr jeer heshiis dhexdhigay Madaxda DFKMG ah oo uu dambeeyay khilaafkii dhexmaray C/llaahi Yuusuf iyo Cali Geeddi.

Ciidamada Itoobiya oo qaraxyo lagula beegsaday inta u dhexeysa Muqdisho iyo Afgooye

Ciidamo Itoobiyaan ah oo ka ambabaxay Muqdisho habeenkii xalay ahaa ayaa qaraxyo loogu geystay meel u dhexeysa Afgooye iyo Muqdisho, waxaana qaraxyadaas la sheegay inay ahaayeen saddex qarax, waxaana sheegtay Mas'uuliyadooda Maxkamadaha Islaamiga ah, sida uu shaaciyay Sheekh C/raxiin Ciise Cadoow.

Ilaa laba gaari oo kuwa Itoobiya ah ayaa la sheegay in laga gubay ciidamada Itoobiya, waxaana sarnaa ciidamo aad u fara badan, waxaa kaloo la saarnaa alaabo bililiqo ah oo ciidamada Itoobiya ay ka qaateen Magaalada Muqdisho.

Inkastoo aan la xaqiijin tirada rasmiga ah ee ka geeriyooday ciidamada Itoobiya, ayaa hadana wararka laga helayo dadka deegaanku waxay sheegayaan in dhowr iyo toban askari ay halkaas ku geeriyoodeen.

Ciidamada Itoobiya ayaa rasaas ay fureen waxaa ku dhaawacmay dhowr qofood oo ka mid ah dadkii ka barokacay Muqdisho, kuwaasoo ku sugnaa halka lagu magacaabo KM 13.

Ciidamada Itoobiya ayaa maalmahaan u muuqaday kuwo ka laalaabnaya ama ka baxaya xerooyin ugu yaala Muqdisho, iyadoo taas lagu macneeyay inay salka ku hayso ka bixitaankii ay Qaramada Midoobay ku baaqday, taasoo ay Itoobiya ka baqayso inay dagaalo kaga yimaadaan dhinaca dowlada Eriteriya.


W/D AmiinYuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com |  August 12, 2008

BAARID | SEARCH


caddeGen. Cadde Muuse oo Mamnuucay Ololaha Doorashada Puntland ka hor November 1, 08
iyo in Tiknikada beeluhu haystaan ay dhammaanteed Dowladdu la wareegayso Akhri


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS