SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MINNEAPOLIS

Bannaanbax ka dhan ah maamulkii hore ee gobolka Banaadir oo ka dhacay deegaanka Madiina.

Aug 9: Banaanbaxan oo ahaa mid ballaaran ayaa guud ahaanba dadka ka qayb galay oo boqolaal kor u dhaafayey waxaa ay ku qaylinayeen .dooni meyno Maxamed dheere iyo Madaxweynaha DFKMGe C/laahi yuusuf,

Bannaan baxan ayaa waxaa ka hadlay dad careysan oo ka mid ah dadka deegaanka madiina waxaana ay sheegeen ineey ka xun yahin wararka la sheegayo ineey ka soo baxeen xafiiska madaxweynaha ee ah in dib maamulka gobolka loogu soo celinayo Maxamed dheere, taas oo ay sheegeen ineey caqabad u tahay shirkii dibu heshiisiinta ee aga dhex waday dowladda iyo Mucaaradka

Bannaanbaxan oo ahaa mid si iskiis ah isu soo abaabulay o aysan jirin mas’uul ka hadlay ayaa hadana dadka ka soo qaybgalay oo aad u ballaarnaa ayaa waxa ka muuqday ineeysan marnaba raali ka noqon doonin maamulka hore ee Gobolka oo uu horkacayey Maxamed Cumar Xabeeb (Maxamed dheere) maamulkaas oo sida dad badab ay qabaan sameeyey wax yaabo badan oo ka dhan ah bini’aadannimada, sida dagaalo lagu qaaday dad maato ah, iyo madaafiic lala dhacay magaaladda muqdisho.

Maxamed Cumar Xabeeb (maxamed dheere) oo horay u ahaa Duqa magaalada Muqdisho, isla markaana aha Guddoomiyaha Gobolka banaadir ayaa waxaa xilka looga qaaday wareegto kasoo baxday Xafiiska Ra’iisal wasaaraha, waloow uu taas ka biyo diidan yahay Madaxweynaha dowladda C/laahi yuusuf Axmed,

Muuse Maxamuud Jiisow
musejisow@hotmail.com
Muqdisho Bakaaro Somalia
0025215576666
002525907666

Gabdho Soomaaliyeed oo ku dhaqan dalka Swedenoo Deeq Lacageed maanta gaarsiiyay Bukaanada ku jira Cusbitaalka Keysanay ee Magaalada Muqdisho.

Gabdho Soomaaliyeed oo degan Dalka Sweden, gaar ahaan Magaalo Madaxda Labaad ee Yakatoori ayaa waxey ugu deeqeen lacag dhan 1146-Us Doolar Bukaanada ku jira mid ka mid ah Cusbitaalada waa weyn ee ku yaala duleedka Magaalada Muqdisho ee Keysaney.

Gabdhahaan Soomaaliyeed aya waxey deeqdaan u soo wakiisheen inay gaarsiiyaan Bukaanada ku jira Cusbitaalkaasi Xaajiyo Ambiyo Sheekh Cali Maxamed (Liire) iyo Mahad Xuseen Axmed oo iyagu loo soo wakiishay.

80-Bukaan 00 9-ka mid ah oo qaba dhaawacyo oo maanta la dhigay Cusbitaalkaasi ayaa waxey xubnihii loo wakiishay inay deeqdaasi gaarsiiyaan mid mid u gudoonsiiyay lacagtaasi, iyadoo qofkiiba la gaarsiiyay lacago kala duwan, iyadoo look ala qiimeeyay sida ay Bukaanadi u kala liitaan.

Gabdhahaan ka tirsan Jaaliyadda Soomaliyeed ee Sweden ayaa waxey si weyn uga xumaadeen dhibaatada Balaaran ee ka Taagan Cusbitaalada iyo dadka ku jira Cusbitaalada oo ay u arkeen inay yihiin kuwo mudan in wax lagu sadaqeysto, iyadoo deeqdaan lacageedna ay tahay ii 3-aad oo ay soo dhiibaan gabadhaha Soomaaliyeed Sweden.

Cusbitaalka Keysanay ayaa ah kan labaad ee haatan yaaliin dhaawacyo fara badan, iyadoo maanta oo kaliya la dhigay cusbitaalkaasi 26-Bukaan oo 9-ka mid ah la jiifiyay, kuwaasoo badankoodu yihii dad ku soo dhaawacmay rasaas kala duwan iyo qaraxyo.

Xaajiyo Ambiyo Sheekh Cali iyo Mahad Xuseen Axmed oo gudoonsiinta deeqdaasi kadib saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in deeqdaan ay tahay mid ka timid gabadho Soomaaliyeed oo kudhaqan dalka Sweden gaar ahaan magaalo madaxda labaad ee yakatoori, waxeyna sheegeen inay gabadhahaasi sii wadi doonaan takulaynta dadka tabaaleysan, iyadoo weliba ay foda nagu soo hayso Bisha barakaysan ee Ramadaan.

Ugu dambayntii waxaa iyana Munaasabadaasi ka hadlay madaxa maamulka Cusbitaalka Keysanay iyo Madaxa Caafimaadka Cali Yuusuf Maxamed (cali Bille) iyo Xaaji Muuse Xasan oo iyaguna u mahad celiyay gabadhaha Soomaaliyeed ee deedaasi soo gaarsiiyay Cusbitaalka, waxayna ku booriyeen Jaaliyadaha Soomaaliyeed ee Dibadaha ku nool inay ku daydaan gabdhahaasi soomaaliyeed.
 

Mahamud Ahmed Hassan
xuurshe114@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com |  August 10, 2008

BAARID | SEARCH


caddeGen. Cadde Muuse oo Mamnuucay Ololaha Doorashada Puntland ka hor November 1, 08
iyo in Tiknikada beeluhu haystaan ay dhammaanteed Dowladdu la wareegayso Akhri


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS