SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Kulan balaaran oo ay isugu yimaadeen qaar ka tirsan waxgaradka , aqoonyahanada ,culumada ,dhalinyarada iyo odoyaasha dhaqanka beesha mudulood oo Khamiistii qadobo looga soo horjeedo madaxweynaha DFKMG cabdulaahi yuusuf laga soo saaray

Ujeedada shirka ayaa waxaa uu ahaa mid looga soo horjeedo hadalkii ka soo yeeray xeerilaaliyaha guud ee qaran waxana ay isku raceen dhamaan odoyashii ka hadlay halkaa in ay saluugsan yihiin qorshaha uu wado madaxweyne cabduahi yuusuf sidoo kale waxay sheegeen in uu baalmaray howlihii nabada ee looga fadhiyey in ay ku dhaqaaqdo dowladiisa ,

Xuseen Axmed oo saxaafada la hadlay kulanka ka dib ayaa sheegay in isu imaatinka maanta uu ku sabsanaa qaabka loo magacaabay kusimaha gudoomiyaha iyo duqa magaalada iyo ka horimaadka uu ka horyimid Madaxweyne Cabdulaahi yuusuf Axmed wuxuuna intaa ku daray markii ay arkeen waxyaabo badan oo aan beesha dan u aheyn in ay isla garteen ujeedo gaara in beesha laga leeyahay ,

Waxayna ku eedeen in uu noqday duq Magaalo taladiina uu isku koobay mas uuliyadii dalka somaliyeed uu dhamaan ku tagri falay wuxuuna magacaabay duq Magaalo isaga oo ku adkeystay in cid kale aysan waxba magacaabi Karin

Xuseen Axmed “waxaan cod dheer ku leenahay Cabdulaahi yuusuf haka tanasulo waxyaabaha dhibaatada ah ee uu shacabka dhediisa ka aburayo haka tanasulo mas.uuliyada dadka la leh in uu isagu digtaatornimo kula dhaqmo haka badalo hana u badalo furfurnaan iyo tanasul haddii uu sidaa yeeli diido meeshu buntland maaha ayuu sii raaciyey isaga oo hdalkiisa sii wato “, wuxuu ahaa oday somaliyeed laakiin hada wuxuu u egyahay oday punt land ah

Waxaa sidoo kale ay soo hadal qaadeen arinta xeerilaaliyaha guud ee qaran ee uu ku sheegay in raiisal wasaare Nuur Xasan Xuseen Nuur Cadde aysan shiqadiisa eheyn in uu wax badalo waxna maamulo waxayna sheegeen in xeerilaaliyuhu uu yahay microfonkii Cabdulaahi Yuusuf shaqadiisana maaha arinta magacaabida gobolka ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka manta ay soo saareen qaar ka mid ah odoyasha mudulood ,

Waxaa ay ka hadleen aqoonyahaynada manta shirka ka qeyb galay xilka qaadistii dhawaan uu ku sameeyey raiisal wasara nuur Cadde duqii hore ee gobolka banadir iyo Magacaabidii kusimaha loo lagamacaabay in ay aheyd arinta uu dan u arkay Nuur Cadde waxayna shaageen in uu ishortaag mu sameeyey madaxweynuhu oo uu soo saray wareegto lidi ku ah tii hore waana iska horkeen beesha u rabo in uu qalalalaase ka dhex abuuro ,

Xuseen cabdi oo ka mid ahaa dadkii shirka jaraid ka hadlay ayaa sheegay in siqabqabsiga uu ka yimid dhibaatada ka jirta gobolka banadir oo ay sheegeen in ay mid ka weyni ku soo wajahantahay hadii aan laga hortagin wuxuuna ku tilmaamay in ay tahay foolkaanadaan uu wato nin kaligiis waxayna sababatay in uu bato kulanada looga hadlayo arintaas arimaha ka soo ifbaxay mas.uuliyinta ugu sareyso dowlada waxaana ugu sareeyo Madaxweyne Cabdulaahi Yuusuf Axmed

Kulamada noocan oo kale ah ayaan hayn kulamo ku cusub magaalada Muqdisho waxaana isla manta ka dhacay qeybo kale oo ka mid ah magaada Muqdisho kaas oo ay iskugu yimaadeen beelo ka biyo diidsan sida ay u socdaan howlaha xukuumada Fadaraalak KMG somalyeed.

Banaanbax balaaran oo lagu tageerayo Howlaha dib u heshiisiineed ee uu wado Ra/iisal wasaaraha dowlada KGM soomaaliya Nuur Xasan Xuseen ( Nuur Cade) oo ka dhacay qeybo ka mid ah degmada Dharkiinleey ee Magaalada Muqdisho

Daawo Sawiradda....

Dibad baxaan oo ahaa mid aad u balaaran oo ay soo qaban qaabiyeen maamulka Degmada Dharkeenleey ayaa waxaa isugu soo baxay boqalaal dad weyne ah kuwaas oo
buux dhaafiyay wadooyinkaasi taas oo ah waxayna siteen dadweynehani boorar ay ku qornaayeen halku dhigyo lagu tageerayo xukuumada uu garhayeenka u yahay Ra/iisal wasaare Nuur cadde wuxuuna ka dhacay Iskuulka Dhame Yaasiin Cartan ,

Dadkan banaanbaxayey oo ku dhawaaqayey ereyo ay ku taageerayaan Rii’sul wasaare {Nuur cade} iyo geeddi socodka howlaha dib u heshiisiinta ayaa waxa halkaas ka hadlay Masuu’uuliyiin ka tirsan dowlada KGM Soomaaliya gaar ahaan Maamulka gobalka Banaadir,

Goobta waxaa buuxdhaafiyey dadweyne farabadan oo sita boorar ay ku qoraayeen halku dhigyo muujinayo sababata kulanka manta ay u yimaadeen barxalada dugsiga dhmae yaasiin cartan waxaana ka mid ahaa , Somali h aisraacdo , ha hirgasho nabada uu wado raiisal wasaare Nuur xasan xuseen ( Nuurcade ) , ha guuleysto Nuur Cadde , nabadu waxay ka mid tahay nolosha, waxaan taageersan nahay raiisal wasaare Nuur Cadde  iyo nabadu waa nolosha bulshada ,

Munaasabadan ayaa waxaa aayado qur`aan ah ku furay Macalin Cali Jugyare isagoo sheegay kaalinta Diinta islaamka ay ka qaadan karto arimaha la xiriira nabada, waxaana uu tilmaamay in loo baahan dhowrista wada noolaanshaha.

Sidoo kale waxaa halkaasi ka hadlay gudoomiyaha degmada Wadajir Axmad xasan cadoow (daaci) waxaana uu tilmaan ka bixiyay amaanka degmada wadajir oo ku sheegay mid aad u wanaagsan, isagoo ku booriyay goobjoogayaashii ku sugnaa halkaasi sida loogu baahan yahay arimaha din u heshiisiinta.

Waxaa kale oo isna dhiniciisa goobtaas ka hadlay gudoomiyaha degmada dharkeynleey macalin cabdulle cali hilowle oo ku dheeraaday sidii loo xoojin lahaa nabadgelyada isla markaasina taageero loo siin lahaa waxaana uu sheegay in qof kasta looga baahan yahay kaalinta nabada iyo dib u hesheesiinta.

Aadan booliis oo ka taliye ka ah saldhigga dharkeynleey ayaa waxaa uu sheegay in ay jirto amaan darro aan sidaa u buurneyn loona baahan yahay in si dhab ah loogu howl galo dhameystirka waxyaabaha ka harsan nabad ka aslaaxda degmada.

C/ fitaax Ibraahin Shabriye {Shaaweey} iyo Gudoomiye ku xigeenka Gobalka Banaadir ee dhanka Nabadgelyada oo dadkaas la hadlay ayaa ugu baaqay in ay ka shaqeeyaan nabada isla markaana ay taageeraan wax kasta oo lagu gaari karo nabad iyo dib u heshiisiin,isla markaasina ay ka hortagaan waxyaabaha abuuri kara colaadaha.

Dagmooyinka magaalada Muqdisho iyo qaarka mid ah gobalada dalka soomaaliya ayaa waxa horay ugu dhacay dibadbaxyaala farabadan oo nuucaan oo kala ah kuwaas oo lagu taageerayo arimaha dib u heshiisiinta uu wado Rii’sal wasaaraha Nuur Xasan Xuseen {Nuur Cade}

Muuse Maxamuud Jiisow
musejisow@hotmail.com
Muqdisho Bakaaro Somalia
0025215576666
002525907666

Muuse Maxamuud Jiisow
musejisow@hotmail.com
Muqdisho Bakaaro Somalia
0025215576666
002525907666
 

Faafin: SomaliTalk.com |  August 8, 2008

BAARID | SEARCH


caddeGen. Cadde Muuse oo Mamnuucay Ololaha Doorashada Puntland ka hor November 1, 08
iyo in Tiknikada beeluhu haystaan ay dhammaanteed Dowladdu la wareegayso Akhri


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS