SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

XAFLADII QALINJABINTA  ARDAYDA AJAANIBTA AH EE OSMANIA UNIVERSITY, HINDIYA: 

Sawirada Qalinjebinta halkan ka daawo

Xaflad qalinjabin ah oo si heer sare ah loo soo agaasimey ayaa waxa ay kadhacday magaalada Hyderabad ee wadanka India taariikhdu markay aheyd

02-08-2008. Xafladaan ayaa waxaa ay aheyd tii labaad oo heerkaan oo kale ah  oo jamacada Osmania ay ugu talagashay ardayda ajaanibta ah ee wax kabarta jamacadaan. Xafladaas ayaa waxaa si wada jira usoo agaasimay jamacada Osmania iyo Ururka Aradayda Ajaanibta ah"Foreign Students' Association" ee Gobolka Andhra Pradesh.  Xafladaas ayaa waxay kadhacday hoolka weyn ee College of Technology, Osmania University. 

Ardaydii ka qalinjabisay jaamacada Osmania sanadkaan oo ka kala socotay dhowr iyo toban wadan ayaa waxaa kamid ahaa arday badan oo Somali ah. Ardayda somalida ah ayaa waxay ahaayeen sodon iyo shan(35) balse 19 kamid ah ayey u suurta gashay in ay kasoo qayb galaan xafladaas lugu maamuusayey ardayda ajaanibta ah laguna Gudoonsiiyey Shahaadooyin. 

Osmania University oo ah jaamacada ugu facaweyn uguna caansan gobolkan kuna jirta jaamacadaha ugu horeeya wadanka India ayaa waxaa sanadkasta ka qalinjabiya arday ajaanib ah oo gaareysa ilaa iyo laba boqol (200) oo arday.

Ardaydan ayaa waxaa sanad kasta door muhiim ah kacayaara ardayda somalida ah ee kaqalin jabisa jamacadan. 

Xaflada ayaa waxaa kasoo qayb galay safiiro,aqoonyahano,maamulka jamacada, principal lada College yada kala duwan ee hoos yimaada jamacada, mas'uuliyin kasocotay Ururka Ardayda ajaanibta ah,waalidin, arday aad ufara badan oo ajaabin ah iyo waliba warbaahinta qaybaheeda kala duwan. 

Xaflada ayaa waxaa kahadlay mas'uuliyiin kala duwan oo ay kamid ahaayeen kuwa jaamacada, amabaasadooro,Ururka Aradayda Ajaanibta ah iyo waliba qaar ka mid ah ardaydii qalinjabisay sida;

  • 1.Prof. T.Tirupati Rao, Vice Chancellor, Osmania University ,
  • 2.Prof. Abdul Hussein, Ambasodor of Iraq to India.
  • 3.Prof. T.L.N. Swamy, Director, University Foreign Relations Offce.
  • 4.Prof. R. Nageshwar Rao, Controller of examnations, Osmania University
  • 5.Prof. Y.C. Venudhar, Academic Registrar, Osmania University
  • 6. Mr. Abdiwali M. Mohammed Abtidon,President Of Foreign Students'  Association.
  • 7. Mr. Mohammed Abdulkadir Mohammed oo kuhadlayey magaca ardayda Somalida ah. 

Mas'uuliyintaan ayaa qudbado iskugu jira dhiira galin,hanbalyo,iyo bogaadin usoo jeediyey ardaydii lagudoonsiinayey shahaadooyinka waxayna ku amaaneen halgankii ay usoo galeen maalintaan qiimaha badan, iyadoo dhiira galin weyn ku abuurtay ardayda ajaanibta ah ee dhigata jaamacada.

Mas'uuliyiinta ayaa ku nuux nuuxsaday muhiimada ay uleedahay wax barashadu caalamka maantay jira iyo sida looga baahanyahay ardayda qalinjabisay in ay uga faaiideeyaan aqoontooda wadamadii ay ka kalayimaadeen. 

Waxaa sidoo kale halkaas qudbad  aad u xiiso badan ka soo  jeediyay Gudoomiyaha Ururka  Ardayda Ajaanibta ah (Foreign Students'  Association)  ee Gobalka Andra Pradesh

Mr. Abdiwali M. Mohammed Abtidon  oo ah wiil soomaliyeed oo wax kabarta  jaamacada Osmania. 

Jaamacada Osmania ayaa waxaa dhigta arday kor udhaafaysa ilaa iyo sadex kun (3000) oo ajaanib ah kuwaas oo 600 oo kamid ah ay yihiin somali . Ardaydan ayaa waxay ka kala yimaadeen ilaa iyo 58 wadan oo ay kamid yihiin; 

Somalia,Djibouti,Sudan,,Kenya,Tanzania, Uganda, Ethiopia, Eriteria, South Africa, Mozambique, Nigeria,Ivory Coast, Egypt Canada,Sweden,U.S.A.,Australia,Saudi Arabia,Oman,Yemen,Afghanistan, Iran, Iraq,U.A.E.,China, Nepal, Bhutan, Maldivies, Bangaladesh....iwm. 

Sanadkan ardayda Soomalida ah ee ka  qalin jabisay Jaamacada Magacyadooda iyo Maadooyinka ay ka baxeen: 

Bachelor Of Commerce(B.Com)

  • 1.Mohamed Osman Mohamed(B.com Regular)
  • 2.AbdiKadir Ali Osoble(B.com Regular)
  • 3.Ubah Noor Sheikh Mohamed(B.com E-commerce)
  • 4.Ahmed Yassin Aden Hasan(B.com Regular) 

Bachelor Of Computer Application(B.C.A)

  • 1.Mohamed Gedy Thaher Mohamed
  • 2.Jama Farah Ismael
  • 3.Abdirahman Abdi ISmael
  • 4.Aden Gehayir Golle
  • 5.Hassan Aden Gueddi
  • 6.Hassen Esman Hirsi
  • 7.Mohamed Aden Abdule
  • 8.Jama Mohamed Jama
  • 9.Abshir Abdi Maah
  • 10.Mohamed Abdikadir Mohamed
  • 11.Mohammud Nur Muse
  • 12.Hamse Ahmed Wali
  • 13.Ibrahim Ali Abdi
  • 14.Mohammed ali  Mohammed
  • 15.Fowzi Abdi Askar 

W/Q. Eng:Mohamed Abdulkarem Hasan 
(BCA Osmania University ,MSC-IT Sikkim Manipal University)

Phone:0091-9951901510 
E-mail: Maxamed666@hotmail.com  

Faafin: SomaliTalk.com |  August 8, 2008

BAARID | SEARCH


caddeGen. Cadde Muuse oo Mamnuucay Ololaha Doorashada Puntland ka hor November 1, 08
iyo in Tiknikada beeluhu haystaan ay dhammaanteed Dowladdu la wareegayso Akhri


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS