SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Ururada haweenka ee bulshada rayidka oo lacageed gaarsiiyey qoysaskii dadkoodu ku dhinteen qaraxa bam.

Sawirada Halkan ka daawo (Digniin: Sawiro Naxdin leh)

Dhegeyso: Deeq Cisbitaalma Madiina... (mp3)

Lacago gaaraya illaa 27, 000,000 ayaa Isniintii la gaarsiyeen eheladii ay ka baxeen illaa iyo 13 haween ah, oo ku geeriyooday qaraxii bamka ahaa ee haleelay iyagoo ku guda jira hawl nadaafadeed maalintii sabtida ahayd ee bishan

Waxaa deeqdaan iska soo ururiyey ururada hoostaga dallada Midowga Aayo ka talinta Soomaaliyeed ee Somali women Agenda, SWA, waxa ayna kala yihiin IIDA,FATXA,SWEA KALSAN,INXA,KAWO, BUURFUULE, ISMAACIIL JIMCAALE, SSWC, HINNA,iyo DELFIA oo dhamaantood ka dhisan magaaladda Muqdisho

Guddoomiye ku xigeenka ururuka Faadumo Xasan Dirshe oo manta ka hadleysay shir jaraa’id ayaa waxaa ay shegtay in ujeedka imaanshaha manta uu ahaa mid ay uga tacsiyadeynayaan geeridii naxdinta lahayd ee ku timid 13ka haweenka ahaa, eek ala ahaa 1 Dahabo Xasan Ibraahin 2 Faxriyo Cismaan Maxamed 3. Khadiijo Qaasim C/ramaan 4 Kaltuumo Cali Ibraahin. 5 Xabiibo Qaasim Maxamed 6 Sh Xasan 7 Faadumo Maxamad 8 Qani Nuur Maxamuud 9 Safiyo Cismaan Maxamuud 10 Xaliimo Xuseen Amaan 11 Xaawo Cali Cabdi 12 Caasho Sh Haashim 13 Mako Ibraahim Daa’uud, ineey qoysaskii ay ka baxeen uga tacsiyeeyaan,kuwaasoo ahaa hooyooyin iyagoo ku guda jira nadaafadda iyo bilicda magaaladda muqdisho, waxaa ay sheegtey in lacagtaa manta la garsiiyey qosaskii ay ka baxeen 13 kaas qoys, ayaa waxaa qoys walba la garsiiyey illaa 2,000,000 sh so, waxaana ay ballan qaadeen hadda kadib ineey xooga sari doonaan u gargaaridda dadka daruufeysan, oo waligoodba ay ka qayb qaadan jireen balse ay hadda sii laban laabi doonaan,

xaliimo sh cabduqadir Cali oo ka mdi aheyd dadkii maata ay gartay kaalamada ay bixinayeen daladda haweenka midowga aayaka talinta somaliyeed ayaa saxaafada u sheegtay in walaasheed ay lix bilood lacag la.aan ku shaqeyneysay labadi biloow ee u danbeysana la siiyey laba loor oo masago ah iyo sadaxle saliid cadeey ah waxayna intaa ku dartay iyada oo hadalkeeda sii wadata in walaasheed ay markii ay dhimanaysay ay qaaday bacdii ay ku jireen walxaha qarxa ka dib markii ay ka wada cabsoodeen gabdhihii la shaqeynayey taasoo

Maha markii ugu horreysay oo ururkaan ay ka qayb qaataan wax gaarsiinta dadkan wax yeeladu ka soo gaartay bamkaas ku qarxay maalintii sabtida ahayd kuwaasoo ku gudo jiray howlo nadaafadeed oo ay ka wadeen wadada Makka Al Mukarama ee magaalada Muqdisho.

Somali women Ajenda waxaa ay ahaayeen ururadii samafal ee ugu horryey ee gacanta ka geysta dadkaas masiibada qaran ay ku habsatay,

Haweenka manta lacagta soo gaarsiiyey eheladii ay ka baxeen 13ka haween ee waxyeelada geerida sababtay ay ka soo gaartay waxaa ay kala ahaayeen, Xabiibo Xaaji jimcaale 2 Faadumo Xasan Diirshe 3 Sahro Xasan Caynte 4 Maryan Axmed Hilowle 5 Xaawo Maxamed Maxamuud 6 Maryan Axmed Maxamuud (Xarago) iyo Caasho Cusmaan Ugaas (Caasho Shaacuur)

Muuse Maxamuud Jiisow
musejisow@hotmail.com
Muqdisho Bakaaro Somalia
0025215576666
002525907666

Faafin: SomaliTalk.com |  August 7, 2008

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS