SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Northland State of Somalia oo laga soo Dhaweeyey Chicago

Baafin Muhiim Ah:Waxaa la baafinayaa Ilyaas Sayid Cali

Anigoo ah Adna Ali kuna nool magaalada Seattle,Washington ee dalka Mareykanka,waxaan halkaan ka baafinayaa Ilyaas Sayid Cali oo daganaan jiray barisamaadkii xaafada Hodan ee magaalada Mogdisho.Markii xiriirkiisa iigu danbeysay wuxuu joogay magaalada Addis-ababa ee dalka Itoobiya balse waxaa marar kala duwan la iigu sheegay wadamo kala duwan,iyadoo mar la ii sheegay inuu u soo dhoofay wadanka Austaralia marna wadankaan Mareykanka………wey dhici kartaa inuu meel kale qabtay.

Hadaba fadlan cidii garanaysa Ilyaas Sayid Cali meel aan kala xiriiri karo mise cid garanaysa oo ii sahli karta inaan helo,ha iigu soo hagaajiyaan e-milka ah:

adnaera@hotmail.com
adnaera@hotmail.com
 

Aqoonyahanada iyo Ganacsatada degan magaalada Chicago ee ka soo jeeda degaamada SOOl, SANAAG, CEYN, iyo JUBADA-HOOSE, ayaa waxa ay casuumad u fidiyeen aqoonyahanada degan gobalka Minnesota ee ka soo jeeda degaamadaas kor ku xusan. Ujjeedada ay u casuumeen ayaa waxa ay ahayd WADATASHI ku saabsan Northland State of Somalia sidii loo hirgalin lahaa.

Aqoonyahanada ka yimid gobalka Minnesota ayaa halkaas waxa ay ku soo bandhigeen warbixino muhiim ah oo ku saabsan marxalada hada uu ku jiro Northland State, wax yaabaha u qabsoomay, wax yaabaha u baahan in la dardar galiyo, iyo sdii loo soo ururin lahaa wadatashiyada ka socda dhamaan dalka gudahiisa iyo dibadiisa.

Ganacsatada iyo Aqoonyahanada magaalada Chicago, ayaa waxa ay si fiican u soo dhaweeyeen oo uga doodeen marxalada Northland State hada ku jiro iyo sidii looga saari lahaa. Waxa laga yaabaa in aadan akhristow la socon qoraaladii hore iyo sababta keentay in la aasaaso dolwad goboleedkan cusub.

Northland State of Somalia, waa dowlad goboleed ka madax banaan dowlad goboleedyada ka jira wadanka gudahiisa sida: Puntland iyo Somaliland, waxana uu si toos ah u hoostagaa Dowlada Federaalka, sida uu dhigayo qodobka afraad A iyo B-ga, ee axdi qarameedka Dowlada Federaalka. Qodabkaas oo qoraya hadii ay ogolaadaan degaamada wada dega labo gobol iyo wixii ka badan ay samaysan karaan dolwad goboleed hoos yimaada Dowlada federaalka.

Haddaba, iyadoo taas laga duulayo ayaa waxa lagu dhawaaqay Northland State of Somalia bishu markay ahayd 4/16/2008 in al aaasaaso Northland State of Somalia, taasoo ay soo dhaweeyeen dhamaan dadka u dhashay SOOL, SANAAG, CAYN iyo JUBADA-HOOSE oo baryahan dambe ay soo food saartay siyaasadooda iyo degaamadoodaba jahwareer marba qolo ay sheeganayaan. Haddaba si looga baxo isqabqabsigaas iyo sheegasho aan ku salaysneyn sharci diimeed iyo mid maadiba, ayaa aqoonyahano ka soo jeeda gobaladaas kor ku xusan ku dhawaaqeen Northland State of Somalia.

Gebogabadii, aqoonyahanada ka yimid Minnesota ayaa lagu sharfay casho si heer sara ah loo soo agaasimay iyo in la soo tuso meelaha Muslimiinta ay ka degan yihiin magaalada Chicago.

Abdimalik Askar

aabdimalik@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com |  August 5, 2008

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS