SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Jaamacadda Muqdisho oo Faraceedii ugu horreysey ka Furtay Puntland

Sawirada Xafaladda Furitaanka ka daawo halkan...

Bossaso: Xaflad si weyn loo soo agaasimay Loogana Gun Lahaa Furitaanka Xarun Jaamacadeed oo Ay Bosaso ku yeelanayso Jaamacada Mogdisho ayaa maanta waxa ay ka dhacday Hotel International Village Ee Bossaso. Furitaankii Jaamacadaasi ayaa waxaa ka soo Qaybgalay Qaar ka mid ah Golaha Xukuumada Puntland Gudoomiyaha Gobolka Bari Aqoonyahano Iyo Waxgaradka Bosaso.

Ugu Horeyn halkaasi waxaa ka hadlay Oo ka sheekeeyay hababkii ay Soo Martay Jaamacada Mogdisho Muddadii la furayay Dr. Cali Shiikh A. Abubakar oo si gaar ah u soo qaatay Muddadii ay Furayeen Jaamacadani gaar ahaan Faraceedii ugu Horeeyay Ee Mogdisho in ay Dad badani ay La yaabeen Balse haatana ay ka mid tahay Kuwo Ugu Magaca weyn Somalia horu socdna ay ku sameysay Waxbarshada Somalia Oo Muddadii Burburka habacsanaan ay ku timi.

Sidoo kale Dr Badiyow Waxa uu intaasi ku daray in Ay Deegaanada Puntland Faracooda ay ka furteen Ay uga Gol leeyihiin Balaarinta Jaamacada Iyo Faafinta Waxbarashada ay u hayso Umadda si loo helo Dhalin yara Badan oo la jaan qaadi Kara Casriga Waxbarshada.

Xafladdan ayaa dadweynahii kasoo qayb galay ku abuurtay hilowgii Soomaalinimo iyo midnimada la higsanayo , sidoo kalena muujisay sida aqoonyahanka Soomaaliyeed ugu heellan yihiin isusoo dhoweynta bulshada Soomaaliyeed ee qabyaaladda iyo dagaalladu kala geysey.

Wasiirka Waxbarashada Puntland Mahamud Bile Duble Ayaa isna muujiyay Sida uu maamulka Puntland uu ugu faraxsan yahay Furitaanka Jaamacadani Xarunteeda Puntland Isaga oo wasiirku tibaaxay in ay la garab istaagi doonaan Jaamacada taageero kasta oo dhinaca maamulka Uga Soo Baahdaan.

Sidoo kale Wasiirka Amniga C/laahi Sacid Samatar Ayaa Isna aan meesha Ka saarin Muhiimada Ay Waxabarashadu u leedahay Amaanka Iyo Kor loo qaado tayada Waxbarasho ee ubudka soo koroya si aysan u dhexbadaalan Rabashadaha Somalia Maasheeyay.

Waxa iyaguna halkaas ka hadlay Madaxa jamciyadda Tadaamun C/laahi Shiikh Xasan, Inj. Cabbaas, Beeldaaje Faarax Beeldaaje, Sacdiyo C/semed iyo sidoo dhallinyaro iyo haween dareenkooda ku cabbiray maansooyin iyo buraanbur.

Waa markii ugu horeysay Oo Jaamacadani ay Farac Ka furto gobolada Soomaaliyeed ee kale, Waxaana ay Furan tahay Mudd 12 Sano ah waxaana ka qalin jabiyay 8 Dufcadood oo waxbarshada Jaamacadaasi dhamaystay Iyada oo Noqotay Jaamacadda 40aad ee Jaamacadaha Africa ugu tayada fiican.

Maxamuud Ciyoon iyo Maxamuud Siciid Salaad / Boosaaso.
la xiriir: ciyoon10@hotmail.com


Wardheere oo la kulmay qaar ka mid ah xawaaladlayaasha iyo ganacsatada Dubai (UAE)

iyo Warbixintii sharciga fududeynta xawaaladaha ee congresska maraykanka HR4049

Waxaa magaalada Dubai ee dalka imaaraadka carabta booqasho gaaban ku yimid Mudane Maxmuud Nuur Wardheere oo ah sarkaal sare oo la shaqeeya Senator Norm Colemanka laga soo doorto Minnesota oo aad loogu yaqaano inuu u ololeeyo jiritaanka xawaaladaha Soomaaliyeed. Wardheere waxaa si rasmi ah u soo dhoweeyey qaar ka mid ah Xawilaadlayaasha Soomaaliyeed ee Dubai.
Mudane Wardheere ayaa ka warbixiyey xaaladda iyo meesha uu marayo sharci aad looga sugayo Congresska maraykanka ee HR 4049.

Sharcigaas oo loogu talo galay markuu dhaqan galo inuu fududeeyo hawlaha xawilaadaha. Sharcigan ayaa masuuliyadda bangiyada ka wareejinaya una wareejinaya masuuliyadda xawilaadaha naftooda. Waxaa la filayaa in marka uu dhaqan galo bangiyadu helaan kalsooni cabsidana ka baxdo dabadeedna ay joojin doonaan diidmada bangiyadu diidaan inay la macaamiloodaan xawilaadaha. Xawilaadaha waa halbawlaha dhaqaalaha Soomaaliya Sidaa darteed ayuu sharcigan congresska maraykanka HR 4049 u noqday mid ay Soomaalidu wada dhowrto.

Mudane Wardheere waxaa uu sheegay in sharcigan HR 4049 si rasmi ah uga soo gudbay aqalka hoose ee congresska ee House of Representatives hadda ka dibna la filayo in wixii September ka danbeeyo aqalka senateka la horkeeni doono. Dubai waa xarunta ugu weyn ee ganacsatada iyo mulkiilayaasha xawilaadaha Soomaaliyeed Garaad Nuur oo ka mid ahaa mikiilayaasha xawaaladaha ayaa u mahadceliyey Wardheere ololaha uu ka wado congresska maraykanka mudada dheer ee ku saabsan xawilaadaha Soomaaliyeed. Kulankan waxaa ka soo baxay in Soomaalida maraykanka lagu dhiirigeliyo inay la xiriiraan senatooradooda kuna dhiirigeliaan inay taageeraan sharciga HR 4049 marka aqalka senateka la soo hordhigo.

Xasan Warsame
xhurry56@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com |  August 4, 2008

BAARID | SEARCH


guriAustralia: Gurigii Xafiiska u ahaa Shirkadda Range Resources oo La Xaraashayo
Gurigaas oo ku yaal galbeedka Perth oo xafiis u ahaa dhawr shirkadood oo ay ka mid tahay shirkadda heshiiska kula jirta DGPL ayaa Akhri

yusuf iyo handuleSafiirka Soomaaliya ee Moscow oo wada-xaajood kula jira Shirkadda Ruushka ee Gazprom
Xaggeese Marayaa Heshiiskii C/llaahi Yuusuf iyo Shirkadda Militariga Faransiiska. Akhri

Kalfadhigii 20aad ee Golaha Wakiillada Puntland oo Ka Furmay Garoowe...
iyo Gen. Cadde Muuse oo sheegay in 5 bilood ay kusoo saarayaan Batroolka, waxana uu yiri "Jirri ayaa tiriye Shaydaan baan la heshiinayaa si aan waddan kayga wax ugu soo saaro"  Akhri..


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS