SOMALITALK.COM xayaysiis
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Ciidamada Badda Faransiiska oo ku Guuldareystey in 12 Burcad Badeed Soomaali ah ku baacsadaan Xeebta Soomaaliya iyo $2,000,000 oo Laga Bixiyey Doontii la afduubtay....

Ciidamada Badda (Mariineska) Faransiiska ee maalmihii la soo dhaafey ku sugnaa Xeebaha Soomaaliya ee baacsanayey 12 Burcad Badeed Soomaali ah oo dooni laga leeyahay dalka Faransiiska ka soo Af-duubtey meel 7 Mayl u jirta Xeebaha Yaman ayay u suurto gashay in ay badbaadiyaan shaqaalihii Doonida. Waxaana wararku sheegeen in la bixiyey lacag madax furasho oo gaareysa $2,000,000 kadib markii ay burcadbadeedu ay ku hanjabeen in gebi ahaanba shaqaalaha iyo Doonidaba ay qarxindoonaan.

Ciidamada Mariineska Faransiiska ayaa watey laba Markab oo mid Diyaaradaha xabaamra, halka midka kale uu ahaa mid ay ku rakibnaayeen Qalabka wax basaasa, sida ay ii sheegeen qaar ka mid ah Kalluumeysatada deegaanka oo ku dhowaadey halka ay ku sugnaayeen Maraakiibtan.


Gaarigii ay gubeen Faransiisku

Markii la bixiyey madax furashadii oo ay Burcad badeedu ka soo degeen Doonida ayaa Ciidamadii Faransiiska waxay Xeebta ku soo daadiyeen Baabuurta Dagaalka sida Beebeeyada ama Taangiyo Laashashka la Aariyeeyo oo ah dhammaantood kuwa dabaasha iyo Diyaaradaha Qumaatiga u kaca, waxayna ahayd fursad ay ku qaban karaan 12-ka Burcada ah, balse ma dhicin taasina, mudo 2-saac ku dhowaad ayey dhinacyada Doonida soc socdeen, maalintaas oo ahayd maalin Jimco ayaa dadweynaha Deegaanka waxay ku jireen maalmihii ugu cabsida badnaa intii Dowlad la’aantu dalka ka jirtey, ma jirin meel ay u carari karaan, waayo deegaanka wuxuu ku yaalaa Xeeb, mana laha dhir hoos leh oo lagu dhuuman karo, Qofkuna marka uu Gurigiisa ka baxo wuxuu dareemayaa kuleylka Qoraxda iyo midka soo baxaya dhulka, wuxuuna halis u galayaa dhimasho dhow, hadii uu isku dayo inuu Cagihiisa isticmaalo.


waa warshad yar oo lagu keydiyo Kaluunka oo ku taal Garacad

Ciidamadii Mariiniska Faransiiska markii ay hubsadeen badqabka shaqaalahooda iyo Doonida waxay u soo duuleen dhinaca Beriga, iyagoo wata 6-Diyaaradaha Qumaatiga u kaca, iyagoo isdaba socda ayaa waxay mareen dhinaca Galbeed ee Deegaanka, kadib markii sida la sheegay ay ogaadeen Gaari nooca Qooqanta loo yaqaan oo Burcad Badeedu u kireysnaa oo soo qaadey lacagtii madax furashada inuu deegaanka ka baxay, ayna saarnaayeen 5 dhallin yaro Soomaali ah oo dadka degaanku sheegeen in midkood ku jirey Af-duubayaashii doonida iyo darawalka gaariga wadey, waxayna ku gaareen meel u jirta 24Km dhinaca Woqooyi Galbeed oo la yiraahdo Galeen Dheere.

Sida aan ka soo xiganey dad ka agdhowaa halkaasi mar aan booqanay Gudoomiyaha iyo aniga ayaa waxay inoo sheegeen in laba Helikobtar ay dhulka u degeen, halka labo kalene ay ku fureen Dabeyl aad u xoog badan.

Doonidan ay Burcad Badeedu soo Afduubatey ayaa waxay ahayd mid kuwa dalxiiska oo ka kooban 3 dabaq, lehna 490 Qol iyo barxad weyn ayna saarnaayeen 30 ka tirsan shaqaalaha Doonida, kuwaasoo u kala dhashey 24 Faransiis, 4 Yukreyn iyo 2 Afrikaan ah, sida aan ka soo xigetey mid ka mid ah Af-duubayaashii Doonida oo iiga waramey qaabka ay u dhacdey Af-duubkii iyo madax furashadii la bixiyeyba.


qaar ka mid ah odayaashii ka agdhowaa halka gaariga lagu gubey

Af-duubahaan doonida ayaa ii sheegey “in doonida ka hor ay Af-duubteen Markab Kalluumeysi oo laga leeyahay dalka Yaman, islamarkaana ay mudo 7-maalmood ay ku haysteen Biyaha Caalamiga ah oo ahayd meel ku dhow Xeebaha Soomaaliya, wuxuu kaloo ii sheegey in Markabka kuwa iska leh ay ahaayeen kuwo aan waxba haysan, intii aan haysaneyna aan inagu biileyney, maalintii 7-aad ayaan aragney Doonidaan socota waxaana ku amarney Kabtankii shaqaalaha inuu la hadlo oo uu joojiyo hadii kale ay Nafsadiisu geleyso halis, markii uu la Hadley ayaan si dhakhso ah ku fuulney doonida, dabadeedna iska siideyney Markabkii Gaajada ahaa, maadaama aan anagu dooneyn inaan wax dilno” ayuu yiri Af-duubahaan oo aan kula kulmey Deegaanka Garacad goob laga cunteeyo.


sawirka guud ee deegaanka Garacad

Deegaanka Garacad oo ku yaal Waqooyi Bari ee magaalada Gaalkacyo, islamarkaana u jira 250Km, ayna degan yihiin dad isugu jira Xoolo dhaqato, Kalluumeysato iyo Ganacsato yar yar oo marka laysku soo cel celiyo tiradooda gaareyso in ka badan 500 oo qoys ayaa mudo 8 maalmood waxay soo food saartey cabsi aad u weyn oo dhinaca nabadgelyo xumida ah oo ay keentey Af-duubka Doonidii faransiisku lahaa oo ay daba joogeen Maraakiibta dagaalka oo ay saaran yihiin Ciidamada mariineska iyo qalabkooda oo dhameystiran, iyagoo ku jirey Biyo la’aan ka jirtey deegaankaas oo dad iyo Duunyo qarka ay u saran yihiin in dad badan iyo Xooloba ay galaaftaan, Xoolaha ku nool deegaankaas ma helaan daaq ku filan sida Geela ayaa waxaan indhahayga ku arkey daaq xumo ku dhacdey awgeed sida uu u fooraro ayaa waxaa maskaxdiisa ka soo daata Dixiriyo waaweyn kadibna neefka Geela wuu waalanayaa, marka aan weydiiyey dadka deegaanka waxay iigu sheegeen in uu ku dhacay Cudurka Roorka la yiraahdo.

Mas’uulkii ugu horeeyey oo booqdey Deegaanka Garacad dhacdadii Af-duubka iyo qaraxa kadib
(Shir jaraa’id uu ku qabtey Xarunta Maamulka Mudug ee Gaalkacyo iyo Wareysi gaar ah oo ay la yeelatey Somalitalk)


Gudoomiyaha Degmada Jiriiban Md. Cabdi Casiis Aw-Yuusuf Maxamed (Xaarin) oo shir jaraa’id ku qabtey Xarunta Maamul Goboleedka Puntland ee Gobolka Mudug ayaa shirkiisa jaraa’id ku sheegey dhibaatadii ka dambeysan Af-duubkii Doonida dalxiiska ee Faransiisku lahaa, waxa ay ku heshiiyeen Af-duubayaashii iyo Dowlada Faransiiska.



Md. Xaarin isagoo arimahaasi ka hadlaaya wuxuu yiri “waxaa yimid Xeebta Garacad Dooni kuwa dalxiiska ah oo la soo Af-duubey, wada hadal aan lala ogeyna uga bilowdey halkaas, waxayna ku heshiiyeen in lays-dhaafsado lacag iyo dadkii Doonta lagu soo Af-duubtey, heshiiskuna wuxuu ka dhacay Badda dusheeda wuxuuna ku dhamaadey in lays dhaafsado, kadib waxaa dhacdey in Ciidamadii watey Maraakiibta dagaalka ay sameeyaan dhoolatus dagaal ama Goolaaftan ballaaran, oo ay ka qaybqaateen Diyaarado iyo Kaarayaal oo argagax ku ridey deegaanka oo dhan, waxayna weerar ku qaadeen Beriga masaafo dhan 30Km oo ay fuliyeen sideed Diyaaradood oo ku soconayey joog aad u hooseeya waxayna geysteen waxyeelo ay ka mid ahaayeen, in ay istaagaan wixii shaqo Badda ka socdey, waxaa la gubey Baabuur la soo kireystey iyo hanti lacageed oo saarneyd, waxayna la degeen 6-Ruux oo uu ku jiro wadihii Gaariga oo uu shaqaale ka ahaa, 3 nin oo miyiga ka timid, magaaladana lacag u soo doontey, Baabuurkana iskood u raacey, waxaa kaloo dhibaato loo geystey dadkii Reer guuraaga ahaa oo aan waligood arag dagaal diyaaradeed, waxayna ka qaadeen sas aad u badan oo qaarkood Koomo galeen, Xoolihii oo cararey ,iyagoo qaarkood jajabey, halka qaar kale aan wali laheyn, waxayna deegaanka ku reebtey difeeto arin lama ilaawaan ah ayuu shirkiisa jaraa’id ku sheegey Gudoomiyaha degmada Jariiban Md. Xaarin.

    
Degmada Jariiban sawikeeda Guud  

Waxaa kale oo uu shirkiisa jaraa’id ku sheegey “ Dowlada faransiiska waxaa laga doonayaa inay nagala xaajooto, deegaanka Degmada Jariiban, islamarkaasina ay magdhow ka bixiso, khasaaraha ay geysatey, cida dembiga lehna la ilaaliyo Xuquuqda qaanuuniga ay leeyihiin, sida meesha Maxkamada lagu saaro, cida saareysa xiliga la saarayo IWM, ugu dambeyntii Gudoomiyuhu DFKMG iyo maamulka Puntland waxaa ka codsadey in arintaas kaalinta Dowladnimo ee ay ku leeyihiin ay ka qaataan”


Gudoomiyaha jariiban Cabdi casiis

Waxaana wax ka weydiiyey maxay tahay sababta keentey in xiligaan Maamul Goboleedka Puntland iyo DFKMG mas’uuliyiintooda in ay ka hadlaan shilkaan?

Sababtoo ah shilkaan wuxuu ka dhacay Degmada Jariiban oo ka tirsan dalka Soomaaliya, inay ka hadlaana waa xaq, waxaana ka codsaneynaa mas’uuliyiinta Puntland iyo DFKMG in si buuxda ay uga hawlgalaan, waxaana kaloo ka codsanayaa Hay’adaha xuquuqul insaanka in ay arintaas wixii kaga aadan ay fuliyaan maadaama ay ku jiraan dad aan dembi lahayn.


Xeebta Garacad

Gudoomiye dowlada faransiiska shaqaalaheeda iyo doonida ay lahaayeenba waxay ku bixiyeen $2,000,000, shacabka Soomaaliyeedna mudo 18-sano wuxuu u dhintaa si aan waafaqsaneyn, nidaamka dowliga, hadaba sideed ku badbaadineysaan dadka sida cad loogu qabsadey 24Km oo beriga Soomaaliya ah?.

Waxaan ku badbaadineynaa Faransiiska dadkooda waxaa qabsadey Urur la yaqaan oo dembiilayaal ah, anagana dadkayaga waxaa qabsadey Dowlada Faransiiska oo si xoog dalkooda uga qabsatey, maadaama ay jiraan shuruuc caalami waa inaan helnaa dadkayaga aan dembiilayaasha ahayn, sidaas baana ku kala duwanahay, badbaadinta dadkeena.


Gudoomiyaha oo Cabiraya halka uu gaarey firirkii qaraxa gaariga.

Md Gudoomiye Dowlad Goboleedka Puntland iyo DFKMG maxaa diidey in ay ciidamo isugu jira Booliis, Nabad Sugid iyo Militeri u soo diraan, islamarkaana qayb weyn ka qaata shilkaan dhacay?.

DFKMG iyo Puntland waxay la ciirciirayaan Xafiisyadii iyo intii u dhoweydba, taageeradii ay codsadeena oo xaga ciidamada ahna kama aysan helin, aduunka sidaas baana keentey in ay u gurman waayaan.

Gudoomiye Xaarin; hadii codkiina la maqli waayo maxay tahay tilaabada aad qaadaneynsaan adigoo ka tirsan maamul Goboleedka Puntland, islamrkaana hoos taga DFKMG?

Lagaa tabar noor dadaal loogama haro, dadaalka iyo isxilqaaka isku filaashaha nabadgelyada waanu wadeynaa meel kasta hanala gaartee.

Gudoomiye maxaa Burcad badeeda Soomaaliya u badiyey maamul Goboleedka Puntland, iyadoo Gobolo kale oo Soomaaliya ka tirsan yaala Xeebo aan inta badan lagu sheegin burcad badeeda?.

Marka ugu horeysa Gobolada Puntland uma badna dhacdooyinka dhibaatada Burcad badeedda ee waa laga dhacdooyin badan yahay, tan kale Soomaaliya maamul Goboleedka Puntland waa u xeeb dheer tahay marka la kala jarjaro, oo Xeebta Puntland ay leedahay waa 1600Km, dadka degana intooda badan waxay ka shaqeystaan Badda, dhibaatada Xaalufinta badda ee loo geystey Xeebaha Soomaaliya waa meesha ugu badan oo ay ku soo hor mareen xoogaga waaweyn ee xaalufiya badda, sidaas baa loo maleeyaa in miisaanku uu dhinacaan u badan yahay.

Ma jirtaa tilaabo idiin qorsheysan oo aad wax kaga qabaneysaan dhibaatooyinkan burcad baddeeda adiga iyo maamulkaagu?.

Tilaabada inoo qorsheysan aniga iyo maamulka degmadeydu waxay ahayd in aan wax xiriir iyo soo dhaweyn aysan naga helin, waana tan hada dadku ku le’dey markii weerarka lagu qaadey, intaa wixii ka sareeya waxaan la wadaagidoonaa maamulka Puntland.


Markabkii 21 Oktobar oo yaala meel ku dhow Xeebta Garacad.


Maxamed Macallin Cismaan (All-man) Somalitalk Gaalkacyo.
fatxumaalik@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | April 18, 2008


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com