Home » Faallo »

Barlammaan keenna! | Cabdiwali Sh. Maxamed

Barlammaan (Parliament) waa gole ama aqal awood sharci dajin leh oo dadwaynuhu soo doorto, waxaa kale oo loo yaqaan golaha shacabka (ummadda) ama golaha shuurada. Qofka, Barlammaan xubin ka noqda waxaa loogu yeeraa; xildhibeen (parliamentarian). Magacu wuxuu ka koobmaa labo eray oo kala ah; xil iyo dhibaan. Haddaba xil waa: [1] xishood; sheex; sarriig. [2] wax ama hawl la qabanayo, wixii ceeb ah oo ka iman kara haddii la hagrado ama lagu gaboodfalo. [3] Ceebaal; fadeexo. Dhibeen oo ka soo jeeda, dhib oo ah: arrin ama hawl adag; hawl aan qabashadeedu fududayn).

Qofkii isaga oo intaa og xil dhabarka u rita oo si qumman uga soo-dhalaala ayaa ah xildhibeen run ah. Xildhibeen nimadu ma aha shaar galtibax loo xirto ama yaambo maalintabac loo sito. Sidoo kale, ma aha cirweyni dhinac kasta ah iyo hayeeshaale (yes man) in aad noqoto.

Barlammaan iyo nolol barlammaan ma aha tajribad soomaalida ku cusub. Italian soomaaliland kolkii lugu wareejiyay maamulkii (AFIS) wuxuu 1956-dii dhisay Barlammaakii ugu horreeyay oo ka kooban 70ta Dubutaati (Mudane). Soomaali tirdaa waxaa ka ahaa 63 dubutaati, inta kale waxay ka soo jeedeen jaaliyadaha ajnabiga ah oo dalka ku noolaa sida, Talyaani, Carab, Bakistaan iyo Hindi.

Mudanayaasha Soomaalida ah qaarkood markay xilkaa diideen waxaa lagu ogoleysiiyay; “duco iyo habaar mid dooro”. Sidoo kale,1960-kii bishii febraayo, British Soomaaliland, dowladdii Ingiriis waxay ka dhistay Barlammaankii ansaxiyay waqooyiga iyo koofurta Soomaaliya in la isku daro, tiradiisu waxay ahayd 33 mudane, meelahaa.

Doorashadii xigtay waxay dhacday 1959-kii, Barlamaankuna wuxuu ka koobmey 121 kursi. Kolkan Mudane nimadii –Dubutaati nimadii-  waa la isla arkay oo rag ayaa guryo iibsaday, baabuur N3-yo ah -kuwo xammuulka gabolada u daabula- la soo dagey, xafiisyo ganacsi furtay. Hotel Jubba iyo Shabeelle waxay noqdeen goobo ay ku caweeyaan Mudanayaashu. Barlammaankaa wuxuu ansaxiyay Dastuurkii 60-kii oo ku can baxay Dastuurkii wanllewayn, wuxuuna doortay Madaxweyne iyo dowlad u taliya dal xor ah oo ururro caalami ah iyo kuwo goboleed xubin ka ah, qawaaniinta dalka lagu dhaqayana badankood ansaxiyay.

Kuraasta Barlammaanka oo ahayd 123 kursi oo gobollaada iyo dagmooyinka loo qeybiyay oo qabyaalada aan ka taganeyn xubnihii buuxin lahaa dorashadooda ayaa sannadkii 1964-tii la qaabtay. Ifafaalo boob iyo cod gadasho ayaa markan soo korodhay dubutaatina wax qarqaraka la wada haysto ayuu isu rogay, sidii tolka loogu kala dhawaa, loo kala lacag badanaa ayaa la isu khaarajiyay. Seejooyinkii (xarumihii) doorasha boob ayaa ka dhacay, qaarkood raggii axsaabta mucaaradka ah ka socday geedo salkood ayaa lagu qabbiray inta sanaadiiqda la cabbaynayo. Sidaa waxaa horseeday xisbigii S.Y.L oo ahaa xisbigii dowladda dhisay.

Doorashadii 1969-kii waa middii Kacankii 21 Octobar dhalisay. Markan xisbigii S.Y.L oo dadqaad u xuubsiibtay ayaa kuraastii Barlammaankii oo dhan 123 boobay. Cabdirasaaq Xaaji Xuseen oo kaliya – haddaanan khaldaneyn- ayaa mucaarad ku haray, iyo xisbigiisi Dabka la oran jirey. Waxaa soo baxay hal-ku-dhag ah; “ama la idooray ama daaku iqaad”. Gogortankii doorashada madaxwaynaha hawshiisa ugu badanna ay ka dhacdey “Baar Naaso Hoblood, Km4”. Nasiibdarro, raggii jeegagga lacageed loo saxiixay, intii horey ka caddeysatay mooyee ragga intiisi kale ma calfan lacagtaa o SRC-dii (Golihii Saree Kacaanka) ayaa ka laaday.

Xukuumaddii Kacaanku, laba jeer ayay qabatay doorashada xubnaha Golaha Shacabka. Golihii dhexe XHKS, isla markaana ah Golaha Wasiirrada iyo xubnno lagu kordhiyay oo magacaabid ku yimid oo171-tan xildhibeen gaaraya ayaa Golaha Shacabka ama Golaha Sacabku sidii lagu xantay noqdey Golaha Shacabka. Wax kasta oo lugu xantaba Golaha Shacabku xukuumad shaqaysa ayuu qeyb ka ahaa.

Tuulada Carta – Jabuuti, sannadkii 2000-un waxaa lagu doortay Madaxwayne iyo Barlammaan tiradiisu dhantahay 245 xubin oo lugu soo xulay 4.5. Nasiibdarro, iyada oo aan dhinacyo kala duwan arrinta laga darsin ayaa madaxwaynihii, wasiirkii koowaad iyo Barlamaankii Muqdishow afka looga shubay. Mooryaan u dhakatay ayaa sare ugu kacday oo waqti gaaban hareeraha kala soo wareegtay. Dad iyo dal ay waxa-taraan daaye, iyagii ayaa gacan ku gabbad iyo  qabiil isku leexin ku dhacay. Ilduufkaa waxaa wax laga saaraa raggii mas’uulyidda soo qaaday qaarkood. Muddo gaaban dhexdeed saddexdii awood oo kala duwanaa waxaa laga dhigay tagoog muruqii lagala-baxay ama kabo ceel lagu xadey.

Magaalada Nayroobi xeradii Empagathi 2004-tii waxaa lugu dhoodhoobay waxa Barlammaan loogu yeero oo ku ragaaday Baydhabo oo gobolka Bay ka tirsan Barlammaankan, tiro ahaan waa kii ugu badnaa (275 xubin) oo shacabka soomaaliyeed soo mara tayo ahaanna waa kii ugu liitay oo arlada laga dhiso. Qabqablle-dagaal, oday dhaqameed, safiirka Itoobiya iyo safiirka keenya Soomaaliya u fadhiya ninkii ay ku tufaan oo qora ayaa xildhibeen noqdey, marka laga reebo dhowr ruux oo  cadkooda la liqi kari waayay.

Haddaba, xubnaha Barlammaanka midkiiba wuxuu fadhigiisa ku qaataa 1.200.00 oo dollar oo soomaaliya joogta. Cali iyo Caasho toona ma masruufo, carruutii iyo xaasakii ama waa qaxooti dibadaha ku nool ama waxay joogaan gobollada dalka, masruuf iyo marashi toona kama sugaan xildhibeenka.

Qiimaha codku sicir joogto ah ma laha, waa sida Doollarka Maraykanka mar waa hoos marra waa kor. Bal, soo qaado codkii kolsoonda lagu siiyay dawladda Nuur-cadde qiimuhu waa fiicnaa waxaase ka sii fiicnaa mashruucii ay isaga hor yimaadaan madaxwaynaha iyo wasiirka koowaad. Gorgortankii ayaa  samada isku shareeray oo naadadu sare ayay u kacday, kam yasiir iyo kam yaguul, dabadeed dhankii wax dheeraada ah bixiyay ayaa lagu baariyay naadadii.

Laba-canleyn lagama xishoodo waana fursad dhaqaale lugu soo xereeyo. Mashaariicda, sida Qaanuunka Saxaafadda qiimo saas ah ma laha, waa raashin ku sugid (Antipasto), mana gooyo wax qayalaad maalinkaa ah dhaafsa!.

Ciriiri hoyga awgi ah oo Baydhabo ka jira awgi xildhibeenku wuxuu dagan yahay Hoteel, wuxuuna saran yahay miis cunno loogu kariyo oo dhowr qof ay ku shirkoobeen. Maalin kasta miiska waxaa lugu bireeyaa neef ama laba neef oo Ari ah. Lacagta aan sare ku sheegay ama lacagtii ka soo gasha cod u gadmay xildhbeenka 2/3 waxay ku baxdaa jaad dibna waxay ugu laabataa Keenya oo ay fadhiyaan Haya’dihii laga soo tuugay.

Xildhibeen kasta wuxuu deyn bille ah ka saaranyahay mafrash haweeneey xildhibeen ah u furan. Bishu Soddon markay tahay mushaarkii  xildhibeenku uu  soo qaatay, wuxuu la dhex fariistaa mafrashka, halkaa ayuu ku kala qeybiyaa, haddii daalac lugu yeesho safar soo dhow ayuu ku ballamiyaa xildhibeenadda. Xildhibeenka maalinkiisa shaqo wuxuu ka bilowdaa; hurdo dirqi looga kacshay, indhaha biyo inta marmariyo ayuu bakhaarkii ADC-da isa sii taagaa. Dhowr mir oo sigaar ah iyo kafee  fara badan oo uu islee yahay ku toos kolkuu isdabadhigo ayuu xogheynta weydiiyaa; “wax lacag ah ama wax lacag gooya in ay soo dheceen”?!. Wax-hel ama wax-waa, mid loogu jawaababa wuu dhaqaajiyaa intaan qorraxdu soo kululaan, miiskii raashinka ayuu dul tagaa. Maraq kulul oo geedaysan, awlal suuf-cad ah iyo xeero bariis ah oo sabiib, qorfe, heyl iyo basal la kariyay la dul saaray, deg-deg inta u mariyo ayuu isga oo findhicil ilkaha ku sita dharrag ba’an darteedna neeftuuraya, iska xaadiriyaa mafrashkii heblaayo.

“Intaydi isugu soo key xir”; inta yiraahdo; ayuu meel u cayiman salka dhigaa, sidiisaba wuxuu ka dakeeyaa midigta. Durba waxaa soo gala wiil yar oo meheredda u tababaran aadnna u xoog furan oo isku sida, jaad shan ilaa lix marduuf ah oo haraaq cad ku duuban, tarmuus shah, laba koob -mid biyo iyo mid shaaha- dambasqaad iyo caag biyo qabow ku jiraan.

Xildhibeenku, si dhaqso badan inta Jaadka haragada uga furo ayuuu ku duceystaa;“maa saraqnaa, wamaa nahabnaa, walaa ishtareynaahu bil-maalilqabiix, Ilaahow waa quud Awliyee yuusa na qoomin oo micnaheedu yahay: (sooma aannan xadin, sooma aannan  boobin  lacag meel-xun ka soo jeedana kuma aanan gadan, Ilaahow, waa quud Awliyee, yuusan  na qoomin. Aamiin, Aamiin).“Akram, waa laan boqor”; xildhibeen hortiisa ka soo jeeda oo ah Guddoomiyaha Guddiga “Anshaxa Bulshada” oo Barlammaanka, inta cantoobo Jaad ah u tuuray ku yiri.  Fadhi-ku-dirirku halkaa uu ka bilowdaa, wuxuu hakad galaa 2-da jeer oo BBC-du soo gasho oo kaliya. Salaadda, xildhibeen kasta markuu shiidaad u helo ayuu u kacaa wadajir looma ogoogo salaadda.

Laba iyo tobanka habeynkii (00:00) waxaa bilowda barnaamajkii nuska dambe iyo liilalaw-dii. Sacadahaa, hawlaha daca waa kuwo shareecada islaamka meel ka dhac ku ah oo munkarra iyo fuxshi u badan anshaxa bulshadana ka baxsan. Carruur yar-yar oo gaajo la qooxmay, rafaad iyo

diif fara badanna dhafoorkooda ay ka muuqato ayaa mafrashka lugu soo daayaa. Xildhibeenku, middi habaynkaa uu ku nasiibsadey inta gacanta ku soo dhago, labadiisa bowdo dhex fariisiyaa sheekada uga ku bilaabaa:

“Xabiibiibii, laamo gaagaaban oo jilicsan afka iigu gur”.Adeer; “aabbe iyo hooyo halkee ku noolyihii?!”, ayuu waydiiyay isaga oo fadhiga sallaxanaya.“Adeer, labaduba waa dhinteen” ayay tiri iyada oo hoos eegaysa, illin kululla indhaheeda yar-yar  ka   tiraysa.“Maxay u dhinteen?!”, ayuu waydiiyay isaga oo aan wax danqasho ah u muujin laamo cas-casna  afka sii gashanaya. “BM, BM, BM” aya israacisay iyada oo madaxa lulaysa codkuna sii xirmayo.“BM, saay ah, xabiibii?”, ayuu waydiiyay isaga oo xabad sigaar ah afka u galinaya.“Midka xabashidu soo ganto” inta tiri; ayay cantoobo jaad ah nacdiir iyo ha kaa aamuso afka ugu  galisay.“Maxaad ku nooshahay?!” ayuu waydiiyay; isga oo jaadkii labada can u qaybinaya, qaar afkiisa ka  soo daatayna sacabbada ku celcelinaya.“Barta aan aal, wixii aan ka helo”, labadiisa lugood oo ku hareeraysan ayay u tilmaantay. Tarmuuskii shaaha isaga oo laacaya ayuu yiri; “adeer, gabdho quruxdaada oo kale leh ma kula dhasheen?.”.Ficil iyo dhirif iyada oo muujinaysa ayay tiri; “wiilal amxaarta bireeya ayaa iladhashay”. Mar kale, waakan wiilkii mafrashka oo, dhowr marduuf oo uu doonaya in uu khaarajiyo rogrogaya.  “Yaroow sheen iyo suuldhabaale inta israacayay ayuu yiri;“bal, saddexdaa sooduw, middan cesho, mise iskaddaa”.“Ballo ku cuntay!, waa kii la yiri; ha la cuno!. Bal daya sida laamihiisu u laalaab mayaan!, wallee, waa hubaa oo midkan beerta biddix xigta ayaa laga soo guray”!.Bac weyn oo dhiniciisa tiil inta soo jiday oo is hordhiga ayuu cajaladihii baaray, mid inta la soo  booday oo lulay ayuu yartii inta ku jeestay yiri; “canjalkan ma taqaan?, waa albumkii ugu

dambeeyay oo Lafoole, adeer, ku rid!”.

“Xabiibii jaadka ii dhil oo, inta cas oo jilicsan dhinac isugu leexi, inta soo hartana ka dharag”, inta yiri; ayuu xuurtii oo neef-qabatoowday soo jiitay qallacaadna ku taagay. Amminkaa ka dib; guux iyo  reen wax dhaafsa aaggaas kama soo bixin!.

Xildhibeenku, meermeerkaa (routine-kaa) wuxuu ku jiraa sannadka oo idil sida, ratiga macsarada shiida wax ma arko, wax ma maqllo, ma hadlo, ma daalo, ma shakiyo, nolosha qaabkaa ku socota kama sheegto. Meherad intaa dhaafsan Baydhabo uma fadhiyo. Xilka dhibta badana, oo loo dhaarshay wuxuu ku soo koobay; dhafar, fisqi iyo gorgortan (baayacaad), Barlammaan keennu waa kaa, xildhibeenna waa kaa!.

Aadanuhu meel uu joogaba xoolaha oo ka liita in uu tilmaan (sifo) u qaato ceeb uma yaqaan oo, waxaad maqashaa; hebel waa libaax libaax dhalay, Good, Shinbir, heblaayo Qalanjo iyo axadku ballaranaa ma Maroodi baa?. Sidaa darteed, la yaab ma ah haddaan idiin soo tabiyo sheeko, nin oqoonyahan ah oo aan saaxiib ahaan jirray, aadnna u jecla in uu tilmaan lugu fahmo raaciyo, markuu sheegayo sheeko ku saabsan dad doorsan.

Farta inta ku fiiqo ayuu oran jiray; “kuwaas ma u jeeddaan?!, waxay lee yihiin dhaqanka Doorshaanka (xaarwalwaalka) oo kale”. Markii la yiraahdo, bal noo fasir, maxaad ula jeedda?!, wuxuu oran jiray:

“Doorshaanku waa cayayaan ku nool wasakhda oo waxa udgoon neceb. Wuxuu dheefsado wuxuu ugu xiisayn badan yahay wasakhda ka timaadda; aadanaha ama xoolaha, sida; saxarada, saalada, digada iyo faantada ama dhiriqda. Waxaas kolkuu helo, marka hore waa kuus-kuusaa, sida kubbadda oo kale, markuu isu geeyo ayuu lugaha dambe oo ka dheer labada hore iyo labada dhexe dib ugu dilin-dilleeyaa si uu godkiisi u gaysto. Inta hawshaa dilindillaynta (riixidda) uu ku jiro, madaxa iyo qaarka hore hoos iyo dhulka ayuu u laalaadiyaa oo, wixii uu walwaalayay xagga dambe ayuu iska mariyaa (gadaal). Waxa uu riixayo, oo ah wax uu ka sii jeedo meel ay ku abbaaranyihii iyo meel ay marayaan war uma hayo. Mar waxbaa xanniba, marar badanna haadaan inta ka tuurro ayay kala lumaan. Baaris howl badan dabadeed, wuu soo helaa, ha yeeshee, shilkii dhacay wax kuma qaato oo sidii iyo qaarka dambe ku riixid ayuu ku noqdaa. Silic iyo kadeed isaga oo ka dhargay oo faro maran ayuu gabbalku kolkuu sii dhacayo godkiisi u galbadaa. Wasakhdii uu soo uruursaday mahayo, rafaadna waa kurorsadey!”. Wasakh quud in laga dhigto, howla qaabkaa loo maareeyo waa dhaqanka Xaarwalwaalka (Doorshaanka). Runtii, been idinku jalbeebin mayo, xin iyo cambaarayna igama aha oo “Barlammaanka soomaaliyeed oo fadhigiisu Baydhabo yahay, wuxuu ansixiyay ama ka dooday mooshin la soo hordhigay kolkaan maqllo, waxaan soo xusuustaa sheekadaa iyo saaxiibkay”. Ragga iyo haweenka, meeshaa fadhiya waxa ay qaayibeen (u bogeen) wax-foolxun oo jirku ka jiriiricoodo, waliba sarriig waa la isdhaamaaye, waxaa ugu daran kuwa gacan-taagga iyo hungurigooda isku xiray, kuwaasi inkaar bay qabaan.

Carrada wali rag iyo haween tilmaantaa aan mudneyn oo xeel iyo awood ay hagradeen aan lugu xaman oo ku xayiran Baydhabo, sababo kala duwan awgood ayaa jira. Ikhyaartaa, ha ku laab dagaan halkoda iyaga oo jooga inay soomaali kolsooni buuxda ku dhex lee yihiin.

Ma illoobi karo, gacan salaameed inaan halkan uga diro xildhibeennada dun-wanaagga u dhashay, waddan jaceylkuna dhiiggooda ku jiro oo kolkey u soo urtay basar-xumada la  maagan yahay iyo dalkii in cadow-soo-jireen ah gacanta loo galinayo, gambiyey. Sidoo kale; “uf yiri”, quursi iyo ihaano soo socota.

Raggaa iyo haweenkaa tacabasho quursi leh waxay ka doorbideen gaajo xarrago leh, nolol gunnimo leh waxay ka soo dhaweysteen geeri warsan iyo magac ka haro. Raggaa iyo haweenkaa waa kuwa ku sifoobay “Barlammaanka xorta ah” oo ku dhiirraday walaalahood: Midawga Maxkamadaha Islaamiga, Qurbejoogta iyo Bulshada Rayidka ah oo intaba dhabbaha halganku kulmiyey inay wada dhisaan: “Isbahaysiga dib-u-xoraynta soomaaliya”.

Ruux walboow, waxaad ogaataa; Soomaali sida ay u indho-xuntahay in aysan u Alle la’ayn, farajka Eebbana soo dhawyahay….

Cabdiwali Sh. Maxamed

ifaqoon@hotmail.com

25/01/2008

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.