SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Wararkii: Sept 29, 2007

  • Labo Xildhibaan oo C/llaahi Yuusuf uga digtay in uu xil ka qaadis ku sameeyo Cali Max’ed Geedi….

  • Dagaalo aad u kharaar oo xalay ka dhacay qaybo ka mid ah Magaalada Muqdisho

  • Markab Dagaal oo Faransiis ah oo loo soo dirayo Xeebaha Soomaaliya ...

  • Ciidamadii Booliiska ee ku sugnaa Qabuuraha  Barakaat oo halkaasi isaga guuray

  • Mas’uuliyiinta ugu sareysa Dowladda oo sheegay in aysan waxba ka ogeyn Barakaca Muqdisho ka socda

  • Jabhadda ONLF oo sheegatay in ay guulo ka gaartay dagaalo ay la galeen Ciidamada Itoobiya..

  • Prof. Guure oo mar kale loo doortay Guddoomiyaha Ururka Sharciyaqaanada Soomaliyeed


Labo Xildhibaan oo C/llaahi Yuusuf uga digtay in uu xil ka qaadis ku sameeyo Cali Max’ed Geedi….

Labo Xildhibaan oo nagala soo xiriiray Magaalada Baydhabo diidayna in magacooda la sheego ayaa C/llaahi Yuusuf uga digay in uu xilka ka qaado Ra’isul Wasaare Cali Max’ed Geedi. “Waxaan maqalnay in uu isticmaali doono C/llaahi Yuusuf awood dheeraad ah oo uu doonayo in uu xilka kaga qaado Ra’isul Wasaare Cali Max’ed Geedi” ayay yiraahdeen xildhibaanadaasi, oo intaa raaciyey “Wax waliba waxa ay ku wanaagsan yihiin in Baarlamaanka la soo marsiiyo, iyagaa ah Garsoorkii Ra’isul Wasaaraha iyo Madaxweynaha”, waxayna sheegeen in Madaxweyne C/llaahi Yuusuf uu xilkaasi u wado Gudoomiyihii guddiga dib u heshiisiinta qaranka Soomaaliyeed Cali Mahdi Max’ed.

“Cali Max’ed Geedi awood iyo taageero badan ayuu ku leeyahay Golaha Baarlamaanka, C/llaahina ma ogola in arrinta uu soo dhex dhigo Baarlamaanka” ayay yiraahdeen Xildhibaadaasi oo sheegay in haddii xilka laga qaado Cali Max’ed Geedi uu dalka geli doono dhibaka uu haatan ku jiro mid ka sii daran.

Waayadan Dambe khilaaf xoogan ayaa u dhexeeyey Madaxweynaha iyo Ra’isul Wasaaraha, waxa uuna khilaafkaasi xoogeystay markii xilka laga qaaday Xeer ilaaliyihii guud ee dalka isla markaana xabsiga la dhigay Guddoomiyihii Maxkamadda, inkastoo kulan ay labada mas’uul ku yeesheen madaxtoonyada ay warar qaar sheegayaan uu guul daro ku dhamaaday, sidoo kale Ra’isul Wasaare Geedi ayaa ka baaqday booqasho uu ku tagi lahaa maamulka Gobaleedka Puntland si uu halkaasi tababar ugu soo xiro 600 oo askari oo dhameystay tababar la xiriira dhanka ciidamada, waxaana sidoo kale la filayey in Wasiirka Arrimaha dibadda ee Itoobiya Musfin socdaal ku yimaado Muqdisho ama Baydhabo, bale uu ka baaqsaday, ilaa iyo haddana lama garanayo sababaha uu u baaqday, maadaama uu horey u dhameeyey khilaaf horey u soo kala dhex galay Madaxweynaha iyo Ra’isul Wasaaraha.

Dagaalo aad u kharaar oo xalay ka dhacay qaybo ka mid ah Magaalada Muqdisho

Weerarkii ugu xooganaa waxa uu ka dhacay saldhiga degmada Hodan, waxaana la sheegay in Ciidamada uu khasaare ka soo gaaray dagaalkaasi.

Weerarada sidoo kale waxaa lagu ekeeyey xaruntii hore ee ciidanka guulwadayaasha iyo goobo kale oo ku dhow garoonka Stadium Mogadishu, inkastoo aan la ogeyn khasaaraha dhabta ah ee uu keenay dagaalkii xalay, haddana waxa uu daba socday dagaalo horey uga dhacay Magaalada Muqdisho oo uu ugu dambeeyey kii habeen hore ka dhacay agagaarka Qabuuraha Barakaat,  oo la sheegay in uu khasaare ka soo gaaray ciidamada Dowladda Federaalka, inkastoo sarkaal ciidamada u hadlay uu beeniyey.

Isuk soo wada duuboo dadweynaha Magaalada Muqdisho ayaa xalay ku jiray walwalkii ugu badnaa waxayna ddku garan waayeen meel ay u qaxaan, iyadoo dadku guryaha iska joogeen.

Ciidamadii Booliiska ee ku sugnaa Qabuuraha  Barakaat oo halkaasi isaga guuray

Ciidamo aad u xoogan oo ku sugnaa Qabuuraha Barakaat ayaa shalay galabnimadii halkaasi isaga baxay, ilaa iyo haddana lama oga faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan sababta ay ciidamadasi uga baxeen halkaasi.

Habeen hore ayay ahayd markii ciidamadaasi ay la kulmeen dagaal aad u qaraar oo ay la galeen kooxaha ka soo horjeeda, waxaana ciidankaasi laga gubay Gaari tikniko ah, iyadoo ay ka dhinteen dhowr askari.

Ciidankaan ayaa ka bixitaanka deegaanka waxaa soo dhaweeyey dadweynaha deegaanka oo ku tilmaamay mid culeys badani kaga degay.

Markiiba waxaa goobahaasi ku soo laabtay qaar ka mid ah dadweynaha oo iyagu horey meelo aad sidaasi uga fogeyn u qaxay, sidoo kale waxaa dib u bilowday isku socodka gaadiidka oo isagu maalmahan dambe aas sidaasi uga socon deegaanka Suuqa Xoolaha.

Mas’uuliyiinta ugu sareysa Dowladda oo sheegay in aysan waxba ka ogeyn Barakaca Muqdisho ka socda

Maalintii afraad ayaa dadweyne aad u fara badan waxay ka qaxayaan dhul aad u baaxad leh oo ka bilowda Gubta Suuqa Xoolaha ilaa iyo Qabuuraha Barakaat, waxaana dadkaasi oo raxan raxan u socda qaarkoodna lugeynaya ku arkeysaa wadooyinka Magaalada Muqdisho, iyadoo ay ka muuqato diif iyo darxumo.

Mas’uuliyiinta ugu sareysa Dowladda Federaalka ayaa iyagu indhaha ka daawanaya dhibaatada shacabka haysta, iyadoo shacabku ka cabanayaan ciidamada Dowladda Federaalka oo iyagu dhawaan ku amray in ay dadkaasi si dhaqsi leh uga guuraan deegaanadii ay deganaayeen.

Mas’uuliyiinta ugu sareysa Dowladda Federaalka ayaa ilaa iyo hadda ka hadlin dhibaatadaasi, iyadoo aysan jirin wareegto ka soo baxaday Dowladda Federaalka oo ku bixineysa in dadkaasi guuraan.

Taliska Ciidanka Booliiska iyo maamulka Gobalka Banaadir ayaa waxa ay sheegeen in aysan ka war qabin barakacaasi baahsan, haes yeeshee saraakiisha sar sare ee Ciidanka Booliiska ayaa waxay horey u sheegeen in ciidamada dadkaasi barakacinaya ay yihiin kuwo ka tirsan gobalka Banaadir oo aysan wax lug ah ku laheyn ciidamada Booliiska.

Prof. Guure oo mar kale loo doortay Guddoomiyaha Ururka Sharciyaqaanada Soomaliyeed

Maalintii shalay ahayd ayaa kulan aad u balaaran waxa uu ka dhacay xarunta Baarista iyo Wadatashiga ee Bulshada Rayidka, waxaana kulankaasi ka soo qaybgalay dhamaan Sharci yaqaanada Soomaaliyeed.

Kulankaan ayaa ujeedadiisu ahayd sidii mar kale loo dooran lahaa Guddoomiyaha ururka Garyaqaanada Soomaaliyeed (Somali Law Society), waxaana ugu horeyntii halkaasi warbixin ka soo jeediyey Guddoomiyihii hore ee ururkaasi Prof. Maxamuud Cali Daahir (Prof Guure), waxa uuna sheegay in mudadii laba sano ahayd ee uu xilka yahay ururku uu ku talaabsaday arrimo fara badan, isagoo sheegay in ururku uu xiriir la sameeyey hay’ado fara badan oo ka dhisan dalka gudihiisa iyo dibaddiisa.

Xubnihii ka qaybgalay ayuu Prof. Guure u soo jeediyey in ay mar kale doortaan guddoomiye cusub, maadaama ay dhamaatay labadii sano, waxaana arrintaani si weyn u soo dhaweeyey xubnihii ka mid ahaa ururkaasi, waxayna markiiba bilaabeen sidii ay u soo xula lahaayeen guddoomiye cusub, waxaana aaqiritaankii cod loo qaaday sidii loo dooran lahaa gudoomiyaha cusub ee ururka, waxaana markii dambe cod gacan  taag ah ku guuleystay Prof. Maxamuud Cali Daahir (Guure) oo isagu mar kale loo doortay gudddoomiyaha ururka Sharci yaqaanada Soomaaliyeed.

Guddoomiye ku xigeen ayaa waxaa isna loo doortay Maxamuud Cumar Faarax (indho Buur), hase yeeshee xogyaha guud loo magacaabay Prof. Afrax, waxaana guddiga fulinta ka mid ah Dr. C/qaadir Axmed Nuur (Boqaari), Cusmaan Cali Jiisow, C/llaahi Cali Ibraahim iyo C/llaahi Axmed Jimcaale.

Prof. Guure oo la dardaarmay xubnihii doortay iyo kuwii aan dooranba ayaa waxa uu u so jeediyey in uusan keligii shaqeyn Karin balse uu u baahan yahay in lala shaqeeyo.

Jabhadda ONLF oo sheegatay in ay guulo ka gaartay dagaalo ay la galeen Ciidamada Itoobiya..

Afhayeen u hadlay ciidamada Jabhadda Xoreynta Soomaali Galbeed ONLF ayaa waxa uu sheegay in dagaal ay ku qaadeen ciidamada Itoobiya ay kaga dileen askar fara badan.

Dagaaladaas ayaa waxay ka dhaceen tuulooyin ka tirsan Dhagax Buur, Wardheer iyo Qabri Dahare. Afhayeenku ma sheegin tirada ciidamada Itoobiya looga dilay dagaaladaasi, hae yeeshee waxa uu ku gaabsaday inay khasaare xoog leh gaarsiiyey ciidamada Itoobiya, sidoo kale Jabhadda Oromiya ayaa waxay sheegtay in weerar ku qaadeen saldhig ku yaala deegaanka lagu magacaabo Dallo, waxayna sheegeen in ay halkaasi ku furteen hub aad u fara badan, ciidamo fara badanna ay kaga dileen dowladda Itoobiya, hase yeeshee ma jiraan war madax banaan oo xaqiijinaya arrintaasi, sidoo kalana dowladda Itoobiya ayaan ka hadlin dagalada ka soo cusboonaaday gudaha Itoobiya.

Markab Dagaal oo Faransiis ah oo loo soo dirayo Xeebaha Soomaaliya ...

Iyadoo marba marka dambeysa ay sii xoogeysanayaan Burcad badeedka Xeebaha Soomaaliya ee lala beegsanayo Maraakiibta isaga kala gooshta xeebaha Soomaaliya ayaa waxaa maalintii shalay ahayd xeebaha Soomaaliya waxaa soo gaaray markab dagaal oo uu leeyahay dalka Faransiiska, waxaana markabkaasi la sheegay in uu ilaalinayo maraakiibta mareysa Xeebaha Soomaaliya.

Mas’uul u hadlay Dowladda Faransiiska ayaa waxa uu sheegay in markabkaasi uu joogi doono xeebaha Soomaaliya mudo bil ah, waxa uuna imaanshihiisa uu ku soo beegmay xili maalintii shalay ahayd markab marayey xeebaha Puntland ay afduubteen kooxo burcad badeed ah oo aan la garaneyn halka ay ula kicitimeen, iyadoo la og yahay in gacanta burcad badeedka ku jiraan dhowr markab oo ay xeebaha Soomaaliya ka afduubteen

amiin khasaaro
amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

SomaliTalk.com | Sept 29, 2007

Go’aamadii 191 Odey dhaqameedyada Beelaha Soomaaliyeed ay ku sixiixeen Xamar oo dhameystiran.
Taariikh-da ma duugoowdo ee akhri Go’aamadii ay gaareen

Su’aalihii Baarlamaanku weydiiyey wasiirka Wasaaradda dalxiiska iyo duurjoogta Cali Xareed
xareedWaxaa ka mid ahaa: “Waxaan maqalney in dowladii TNG-da ay dowlada Liibiya la gashay heshiis ay deyn uga qaadatay lacag dhan $7.5Milyan..”... Akhri Jawaabaha

 

Cadde Muuse oo Shaaca ka qaaday in ku "daalay" Madaxweynanimada
"waa waqtigii aan nasan lahaa.. anigu waan daaley.." Sidaas waxaa yiri Madaxweyanaha DGPL oo u waramayey idaacada Codka Maraykanka, waxa kale oo uu ka hadalay Batroolka..

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com