SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MUQDISHO

Weerarada Xiliga Habeenkii Ah Ka Dhaca Magaalada Muqdisho Oo Wel-Wel Ba,an Ku Haya Shacabka.

Dadka reer muqdisho oo ay soo wajahday cabsi dheeri ah kadib markii isa soo tarayaan weerarada lagu hayo ciidamnada huwanta ah ee dowlada KMG ah iyo weliba kuwa Ethiopia .

Weeraradan ayaa noqday kuwo cirka isku sii shareeraya habeenba habeenka kasii dambeeya taasoo shacabka muqdisho oo markoodii horeba xabad ka daal ahaa kusii abuurtay wel wel walaahoow .

Xalay fiidkii ayay ahayd markii dadka reer muqdisho oo qaarkood kasoo noqdeen masaajidada salaada taraawiixda ay maqleen daryanka madaafiicda hoobiyeha loo yaqaano islamrkaana lagu bar tilmaameedsaday garoonka kubada cagta ee studio muqdisho oo ay ku sugan yihiin cutubyo ciidamada Ethiopia halkaasoo lagu tuuray in ka badan ilaa 8-madfac oo kuwa ka dhaca qoriga hoobiyeaha ah .

Sida looga bartay cidamada Ethiopia ayaa xalay ka duwanaa sidii hore islamrkaana aysan jirin wax jawaab ah oo ay ka bixiyeen madaafiicda ,balse markii saaka waagu beryey ayay waxay xireen gebi ahaanba meelihii ay ku tuhunsanaayeen qorigaasi mana jiraan ilaa iminka wax ay ciidamada axmaarada oo looga bartay inay dadka shacabka xirxiraan ay usoo qabteen falkaasi .

Sidoo kale ciidamada Ethiopia ayaa go,doomiyey isu socodka gaadiidka isaga kala gooshi jiray xaafada suuqa xoolaha iyo suuqa bakaaraha ,mana jirin wax isu socod ah oo maanta gelinkii hore ka jiray halkaasi .

Dhinaca kale dadka shacabka ah ee deganaa xaafadaha ay badanaaba weeraradu ka dhacaan ayaa badankodu kala qaxay maatida islamarkaana u hayaamay deegaano ay naftooda kula eeranayaan ,waloow ay jiraan cabashooyin kasoo baxaya dadkii u barkacay deegaanada u dhexeeya muqdisho iyo afgooye islamrkaana sheegay inaysan haysan biyo,cunto iyo hoyba iyagoo dadka qaarkiis ay dhibaato nolol xumo ku hayso deegaanadaasi iyo kuwo kale oo loo barakacay .

Dhinacyada ku dagaalamaya gacan ku haynta caasimada muqdisho ayaa u muuqda kuwo sii laba laxaadsanaya islamrkaana xiliba xiliga kasii dambeeya midiyaha isu sii lisanaya taasoo ay dadka rayidka ah ka muujiyeen wel wel iyo walaac .

yaasiin maxamed cali (faytin)

yaasiinfaytin@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Sept 26, 2007

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com