SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Ma Dhabaa In Somali-land iyo Puntland Ay Isku RaacsanYihiin In Xuduudkoodu  Yahay Adhicadeeye.

 

  Waxaa xaalada murugsan ee ka jirta deegaanka SSC ee ay kala sheeganayaan maamulada som-land iyo punt-land aanu waraysi kala yeelanay siyaasiga rugcadaga ah ee   Maxamed  Saleebaa Bootaan  (gaadh-haye) waxuna u dhacay sidan :

 

 Su,aal :mud gaadhhaye madaama aad tahay siyaasi kasoo jeeda gobolada sool sanaag iyo cayn oo ay in mudo ahba kala sheegaynayaan maamulada som-land iyo punt-land islamarkaana ay in mudo ahba ciidamo isku hor fadhiyaan deegaan ka tirsan gobolka sool sidee ayay kuula  muqataa arintaasi.?

 

Jawaab; Mudo 4 sanadood ah waxaa degganaa tuulada Adhicadeeye ee 30km u jirta degmada laas caanood ee Gobolka sool Ciidamo ka kala tirsan soomaaliland iyo Puntland fadhigooduna isu jiro 1km sida xogo badan aan ku helayna  in labada mamul ay sheegayaan in labadaas maamul ee soomaaliland iyo puntlaan uu jiro heshiis hoosaad ay ku heshiiyeen in  Madaxda labadaas Maamul ay deegaankaas adhi cadeeye u ahaato xaduud kala qaybisa labada maamul

 

Su,aal: Sidee ayay u suurto geli kartaa maadaama ay tahay tulada adhicadeeye caloosha ama bartmaha gobolka sool inay xadud ka dhigtaan labada maamul oo aysan u dhamayn dadka deegaanka ahi .?

 

Jawaab : waxaa jirtay in la aasaasayey dhismihii Puntland ay ergo ka tirsan  SSDf  u tagtay Somaliland oo waqtigaas uu xukumayey Maxamed Ibraahin Cigaal ergadaas oo ula tegay Cigaal soomaliland  Maamulkii waa idiin dhismay haddaba waxaanu doonaynaa in aanu maamul dhisano la yiraahdo puntland marka waxaanu kuu sheegaynaa in uu san no dhismayn maamulkaasi haddii ayna nagala qayb gelin  beesha deggan Gobolka Sool, koonfurta sanaag iyo degmada buuhoodle Marka waxaanu kaa Codsanaynaa in aad arintaas nagu taageertid maxamed ibraahin Cigaal oo waqtigaas soomaliya dano badan oo siyaasadeed ka lahaa arintaas waa ogolaaday isaga oo u ballanqaaday in aan xaggiisa wax dhiba uga imanayn isla markaasna waxaa lagu heshiiyey marka maamulkaas la dhiso in si siyaasad hoose ah loo wada shaqeeyo  arintaasina sidaas ayey u hirgayshay una shaqaynaysaa illaa hhadda sidaas ayaana cadaynaysa in xaduda adhi cadeeye heshiis lagu qaatay

 

Su,aal:  Waatahay hadii ay ku heshiiyeen SSDF iyo maamulkii Somaliland ee xilgaa u madaxda ka ahaa maxamed ibraahin cigaal inay xadud ka dhigtaan tulada adhi cadeeye maxay tahay dhaq dhaqaaqa milatari ee iminka kasoo cusboonaaday deegaankaasi ?

 

Jawaab: taasi way cadahay waxaana muqata in maamulada cusub ee iminka ka jira punt-land iyo Somali-land ay mashqulinayaan dadka shacabka ah ee deegaankooda bartmaha loogu jiro si aysan u dareemin xaalada dhabta ah ee jirta ayaa markii in mudo ah la joogaba madaafiic aan dagaal ka fool kafool ahi ka dhab ahayn laysku tur turaa taasina waxay luminaysaa dareenka dadka shacabka ah si ay dhab ahaan ugu fahmaan arinta siyaasadeed ee mesha ka jirta .

 

Su,aal: waxaa nagu maqaala ah inay labada maamul ee punt-land iyo Somaliland ee xiligan soo cusboonaysiisay shaqaaqada gacan ka hadalka ah ay tahay shir u dhexeeya beelaha SSC in lagu qaban doono magaalada lascaanood marka ma noqon kartaa si usan shirkaasi u qabsoomin in ay labada maamul isu tuur tuurayaan?

 

Jawaab: Haa dabcan sidaan hore kuugu sheegayna waxaa  Ciidamada  hada bilaabeen  is tuur tuurka ay jawaab u tahay shirka la doonayo in dhowaan lagu qabto  Magalada Laascaanood oo ay kaga wada hadlayaan Beelaha Deegaankaas dega SSC Horumarinta Arimaha Bulshada ee deegaankaas, taasoo ay faafiyeen dad dano gaara ka leh in uu yahay shir shiyaasadeed oo labada maamulba looga soo horjeedo, islamarkaana maamul cusub looga dhawaaqi doono sida beesha warsangeli ay ugu dhawaaqday maamulka maaqir state  Waxaana halkaas ka muuqanaysa in aan labadaas maamul ee garoowe iyo hargaysa ayna ogolayn in Beeshaasi  ka tashan karto arimaheeda oo ay ka hor imanayso danahooda siyaasadeed, ciidamada halkaas joogaana ay howshoodu tahay xaalad abuur waqtigaysan.

 

    

waxaa waraysigaasi soo qaaday weriye yaasiin maxamed cali (faytin)

yaasiinfaytin@hotmail.com


Gudoomiyaha Maxkamada Sare Ee Dowlada KMG ah Oo Xabsiga Baydhabo Loo Taxaabay.

 

Gudoomiyaha maxakmada sare ee dowlada KMG ah yusuf sheekh maxamed ayaa xabsiga la dhigay kadib markii ay ciidamada booliska dowlada KMG ah ee ku sugan magaalada baydhabo ay ka taxaabeen xafiiskisa magaalada baydhabo.

 

Gudoomiyaha maxakmada sare ayaan ilaa iminka la shaacin sababta dhabta ah ee ay xabsiga u dhigeen ciidamada boolisku ,iyadoo arintani dhalisay sawaxan iyo buuq ka dhan ah Masuliyiinta ugu sar saraysa dowlada islamarkaana dhalisay khilaaf siyaasadeed oo baarlamaanka KMG gudishisa ah.

 

Xildhibaan ka tirsan gudiga cadaalada oo aysan saxaafadu magaciisa shaacin ayaa ku tilmaamay xiritaanka gudoomiyaha mid aan sharciga waafaqsanayn ,islamarkaana ayuu yiri xildhibaankaasi inay tahay ju juub iyo sharcigii oo la baalmaray .

 

Sidoo kale xildhibaankan ayaa ku nux nuxsaday in hadii gudoomiyaha dacwo loo haysto lasoo maro sharciga islamrkaana gudiga cadaalada loosoo gudbiyo dacwada ka dhanka iyadoo maxakmada sare ay hoos timaado qaybta cadaalada ee baarlamaanka FKMG ah .

 

Si kastaba ha ahaatee waa markii ugu horaysay ee masuul maxakmadeed xabsiga la dhigo iyadoon dacwadiisa la shaacin islamrkaana lasoo marin sida baarlamaanka KMG ah iyo golaha dowlada .  

 

Gaashaanburta NATO Oo Maraakiibtooda Dagaalka Gaafwareegayaan Xeebaha Soomaaliya .

 

Shan markab oo ay leedahay gaashaanbuta NATO ayaa lagu arkay xeebta dheraran ee soomaaliya iyadoo la sheegay inay ilaalo ka yihiin xeebta dheer ee soomaaliya .

 

Markaakibtan ayaa la sheegay inay kala leeyihiin wadamada kala ah ingriska ,germeny ,holand ,farance iyo dalka maraykanka ,iyadoo la sheegay inay si weyn u ugaarsan doonaan burcad badeedka soomaalida oo ka qowlaysata badaha soomaaliya iyagoo ka afduban jiray maraakiibta ganacsiga iyo weliba kuwa ka jilaabta xeebaha soomaalida sida sharci darada ah .

 

Sidoo kale maraakiibtan ayaa la sheegay inay gaaf wareegayaan xeebta dheer ee soomaaliya islamarkaana sida afhayeen u hadlay dowlada KMG ah uu u sheegay wakaalada wararka AFP inay maraakiibtan oo ah kuwa dagaalka ay ka cawin doonaan dowlada KMG amaanka xeebaha soomaaliya oo mudooyinkii ugu dambeeyey faraha kasii baxayey.

 

Dhinaca kale dowlada KMG ah ayaa samaysay ciidanka ilaalada oo doonyo wata siduu sheegay afhayeenkan oo u wamayey wakaalada wararka AFP islamarkaana ay maraakiibta soo gelbin doonaan .

 

Wasiirka gaadiidka cirka iyo dekedaha cali ismaaciil giir ayaa tibaaxay inay dowlada KMG ah ay saartay ciidamo islamarkaana ay la shaqayn doonaan markaaiibta gaashaanburta NATO oo sida u sheegay xaga amaanka xeebaha ka cawin doonta dowlada KMG ah .

 

 yaasiin maxamed cali (faytin)

yaasiinfaytin@hotmail.com

 

Faafin: SomaliTalk.com | Sept 23, 2007

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com