SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR
Ergada Puntland ee ka qayb galay Shirkii Casmara waa tegi doonaan Puntland

Ergo ka socotay puntland oo ka qeyb gashay shirkii dhawaan ka dhacay caasimada erteriya ee asmara  jawaabna ka bixiyey hadal uu jeediyey  wasiir ku xigeenka warfaafinta C/qaadir Geelle Max’ed ee dowlad goboleedka puntland kuna sheegay in xiisadaha puntland ka tagan laga soo abaabulo eriteeriya ee asmara isaga oo isla markaana sheegay in cidii ka qeyb gashay aysan soo cagadhigan Karin gololada puntland .

Ergadan ka qeyb gashay oo ka tirsan golaha dhaxe ee isbahaysiga la baxay goloha xoraynta somaliya waxaa ay sheegeen in ay halkaasi u tageen sidii ay dalka somaliya uga saari lahayeen cadowga dalka qabsaday ee Ethiopia 

Ergadii dalka somaliya uga qeyb galaysay shirkii loogu magacdaray shirweynaha xoraynta iyo dib u soo nooleynta somaliya ee lagu qabtay magaalada asmara ee dalka erteeriya ayaa ku tilmaamay hadal ka soo yeeray wasiir ku xigeenka warfaafinta C/qaadir Geelle Max’ed mid aan sal iyo raad lahayn ergadaan oo ka mid ah golaha dhexe ee isbahaysiga xoraynta somaliya oo shir jaraaidku qabtay magaalada asmara ayaa hoosta ka xariiqay in aysan jirin wax dagaal ah oo laga soo abaabulayo magaalada asmara . 

Hogaamiyaha wafdiga puntland oo ka qeyb galay shirkaan jaraaid isla markaana joobgooge ka haa shirkii asmara ayaa yiri sidaan : 

“waxaan ahay suldaan saciid cartan oo ka tirsan gobolada puntland waxaan beeninayaa hadalka ka soo yeeray wasiir ku xigeenka warfaafinta C/qaadir Geelle Max’ed ee dowlad goboleedka buntland dagaalka uu yiri waxaa laga soo abaabulay asmara taas oo aan leeyahay in aysan waxba ka jirin dadka meeshaan isugu yimid waa dad ay qusayso dalkooda iyo diintooda arinta ka taagan oo ah dalkooda oo gacanta u galay dowlada cadow u ah dadka somaliyeed “. 

suldaanka ayaa ku sheegay daqaalada u dhaxeeya Somaliland iyo puntland mid u dhaxeeya dad Somali ah isla markaana waxuu sheegay in ay aad uga xun yihiin . 

suldaan saciid “marka ugu horeyso dagaalka ka dhacay abeesaale waan ka xumahay dhiiga dadka walaalaha ah oo dadanayo aad baan uga xcumaha intii ku dhimatana allaha u naxariisto wixii ku dhaawacmayna allaha cafiyo “

suldaan saciid wuxuu ku tilaamay hadal la iska yiri warkii ka soo yeeray wasiirka warfaafinta ee dowlad goboleedka puntland wuxuuna sheegay in aysan dib danbe ugu soo laaban Karin puntland. 

suldaan saciid “ninka yiri nimanka shirka asmara ka qeyb galay shirka ee reer puntland ah ma iman karaan puntland waxaan u sheegaynaa in aan nahay dad muwaadiniin ah waxaan nahay dad samadoonayaal ah waxaan nahay dad xaq u leh in ay ka hadlaan xaalada dalkoodu uu ku sugan yahay  waxaana meeshaan u nimid in aan ka qeyb qaadano danta umada somaliyeed in aan ka qeyb qaadano waana ka qeyb galnay shika asmara waana ku soo laabanaynaa puntland “.  

“borofisoorada ,waxgaradka, cuqaasha iyo aniga oo ah suldaankii oo aan hogaaminayo meesha aad leedahay kuma soo noqon karaan kelmadaas waxaan u qaadanayaa anigu mid aan ka xishoonayo balse aadan ka xishoneynin sidaa darteed ayaan ogeysiinayaa in ergadaani ay ku soo noqon karaan deegaanada puntland “ 

sidoo kale waxaa canbaareeyey hadalka ka soo yeeray warfaafinta maamul goboleedka puntland isaga oo si weyn uga xumaday waxaana uu sheegay cabdiraxmaan yuusuf faarax isaga oo ku tilmaamay wax laga yaqyaqsoodo ninka isku sheegay warfaafinta puntland oo yiri ergada ka qeyb gashay shirka asmar ama iman karaan puntland

waxaan u sheegaynaa ninkaas wadanka waa u wada dhalanay mas'uuliyad baana naga saaran shacabka reer puntland waxaana loo geystay sicir barar baaxad weyn oo aan maanta ognaha labdii mitirba in la dhigay madbacdo lagu daabaco lacag faalso ah oo been abuur ah isla markaana lagu booboo hantida shacabka somaliyeed  . 

waxaan la soconaa maanta waxa shacabkeenu ku nool yahay xaqiiqatan waxaan dhihi lahaa waa in uu ka laabtaa hadalkaa anagu wadanka waan imaneynaa waana u dhalanay cidna uga haybeysan meyno ayuu hadalkiisii ku soo gabagabeeyey cabdiraxmaan yuusuf oo ka mid ahaa ergadii reer puntland uga qeyb gashay shirkii dhawaanlagu soo gabagabeeyey caasimda erteeriya ee asmara isla markaan looga dhawqaaqay isbahaysiga goloha xoraynta somaliya. 

shirka asmara waxaa ka soo qeyb galay ergooyin kakala yimid Somaliland .puntland .gobolada bay iyo bakool. Iyo gobolada dhexe ee somaliya .magaalda muqdisho iyo meelo kale oo dalka dibadiisa iyo gudahiisa ka mid ah . 

wasiirka warfaafinta ee  dowlada federaalka KMG somaliya madoobe nuunow ayaa ku sheegay raga ka qeyb galay shirkii asmara kuwo ka tirsan argaggaxiso oo la baadi goobayo isla markaan magacyadoodii ku bedeshay magacyo kale, arrintaas oo ay ergada Casmara ganafka ku dh.
 

Muuse Maxamuud Jiisow

musejisow@hotmail.com

Muqdisho Somaliya 

025215576666

002521653623

 

Faafin: SomaliTalk.com | Sept 22, 2007

baydhaboBaarlamaanka DFKMG oo qaban qaabinaya qorshe loogu yeerayo Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha DFKMG
Xildhibaan Maxamed Qanyare: "shir 45-casho socdey inay ku baxdo $8-milyan wax dhici kara ma ahan..." Akhri...

plAfhayeenka Madaxweyne-xigeenka Puntland oo Shaqaaqooyinka Laascaanood ku eedeeyey inuu ka danbeeyo Xaabsade.... Akhri

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Dr. Qamar Cali
"waxaana jira oo la keeni doonaa 40-Konteenar oo isugu jira Daawo iyo Qalab Caafimaad oo yaala dalka".. Akhri...

Dagaal Culus Oo Isniintii ka dhacay Magaalada Marka
iyo Xildhibaan Qanyare Oo Sheegay Inay Sharcigii Awood Qayabsiga Ku Tunteen Masuuliyiinta Dowlada Ugu Saraysa..

  usaNin Soomaali ah oo Talaadadii lagu xiray Maraykanka "ma aha Argaggaxiso ee waxaa loo xiray arrin la xiriirta Daroogo..."

Cadde Muuse oo Shaaca ka qaaday in ku "daalay" Madaxweynanimada
"waa waqtigii aan nasan lahaa.. anigu waan daaley.." Sidaas waxaa yiri Madaxweyanaha DGPL oo u waramayey idaacada Codka Maraykanka, waxa kale oo uu ka hadalay Batroolka..

 

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com