SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR
Banaanbixii Jaaliyadda Ogaadeenya ee Switzerland 20ka September 2007 

HPIM1904

Jaaliyadda Soomaalida Ogaadeenya ee wadankan Switzerland ayaa waxay banaanbax aad u balaaran ka hor dhigeen xarunta Qaramada Midoobay ee magaalada Geneva ee wadanka Switzerland,  halkaas oo uu ka socday kalfadhigii lixaad ee hayada xuquuqul insaanka adduunka u qaabilsan Qaramada Midoobay   

Banaanbaxa oo si wanaagsan loo soo agaasimay ayaa waxaa ka  soo qayb galey dadweyne ka tirsan Jaaliyada Soomaalida Ogaadeenya iyo Jamhuuriyada xorta ahayd ee Soomaaliya iyagoo ka cabanaya gumaysiga  la haray shacbiga  Ogadeniya, xasuuqa iyo gabood fallada  gumaystahaas oo ay kamid yihiin dilka, cuna qabateeynta, kufsiga, dhaca, xariga, gubitaanka tuulooyinka, duugidda ceelasha iyo isir baabi’inta laguhayo shacbiga Ogaadeeniya.  

Ka soo qaybgalayaasha banaanbaxaas ballaaran ayaa halku dhegyada aay ku dhawaaqayeen waxaa kamid ahaa : 

Wuu  dhamaaday xilligii gumaysiga,,  

Ummadda Ogadenya waa inay xorriyaddooda helaan  

Aduunwaynuha waa inuu badbaadiyaa shacbiga Ogadeniya oo lagu hayo isir baa bi‘inta 

Waa in adduun waynaha dhaqaalaha ka joojiyaan kaligii taliye Meles Zenawi dhaqaalaha la siiyo iyo gargaarka aduunkaba wuxuu u isticmaalaa xasuuqidda iyo gumaadka shacabka Ogaadeenya . 

Jaaliyadda Ogaadeenya ee Switzerland waxay hay’adaha caalamiga iyo dawladaha deeqda bixiyo ka codsatay inta uu banaanbaxani socday in kaalmo degdega lala gaaro kumanaan qof reer Ogaadeenya ah oo aay saameeysay baahi iyo barakac si bareedh ah uu u abuuray taliska itoobiya ujeedaduna tahay sidii umada looga barakicin lahaa loolana wareegi lahaa dalkooda. 

Waxaa kaloo banaanbaxayaashu codsadeen in hayadaha Qaramada Midoobay iyo kuwa xuquuqul insaanka tagaan gobalada iyo dagmooyinka sida dhabta ah aay u saamaysay welina ka muuqato gabood-falyada ciidamada gumeeysiga isla markaana u magacaabaan Ogaadenya (Specail Rapporteur) laguna dhameeyo dhibaatada ka taagan Ogaadeenya sida aay shacabku doonayaan.

HPIM1847

Jaaliyadda  oo banaan baxeeda uu bilowday  08da aroornimo ayaa waxa uu dhamaaday 12ka duhurnimo ayaga  oo qaybinayay qoraallo ay ugu talageen wufuuda kala duwan ee shirkaas ka qayb galaysay iyo saxaafadda aduunkaba. 

Qoraaladaas ayaa waxay ka warbixinayeen taariikhda kala duwan iyo gabood falladii aay ka geysteen gobalka Ogadenya maamuladii kala duwanaa ee soo maray Ethiopia oo uu ka mid yahay maamulka hada Addis-Ababa ka jira, qoraalku wuxuu carabka ku adkeenayay in Soomaalida Ogaadeenya aanay aheyn Ethiopian oo aay yihiin ummad  gumeysi gacanta ugu jira, una baahna in aay xuquuqdooda aasaasiga ah helaan oo aay ugu horeeyso xaqa aay u leeyihiin in aay aayahooda ka tashadaan 

HPIM1886

Ugu danbeyntii banaanbaxan oo ku dhamaaday guul, wuxuu ku soo aaday xili xasaasi ah oo aay Qaramada Midoobay iyo  dunida oo dhan hadal hayaan  dhibaatada ka taagan Ogaadeenya. xubnaha Jaaliyaduna  waxay ku balameen in aay badiyaan banaanbaxyada noocan oo kale ah oo lagu soo bandhigayo dhibaatada uu gumeysiga madoow u gaysanayo shacabiga Ogaadeenya. Jaaliyaddu waxey si weyn ugu mahad celinaysaa walaalahayaga Soomaaliyeed ee nagala soo  qeyb galay si hagarla’aan ah banaanbaxan ayagoo muujinayay in aanay raalli ka ahayn dulmiga lagu hayo shacbiga ogaadeenya . 

A.M.

Geneva, Switzerland

communauteogaden@net2000.ch

 

Faafin: SomaliTalk.com | Sept 22, 2007

baydhaboBaarlamaanka DFKMG oo qaban qaabinaya qorshe loogu yeerayo Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha DFKMG
Xildhibaan Maxamed Qanyare: "shir 45-casho socdey inay ku baxdo $8-milyan wax dhici kara ma ahan..." Akhri...

plAfhayeenka Madaxweyne-xigeenka Puntland oo Shaqaaqooyinka Laascaanood ku eedeeyey inuu ka danbeeyo Xaabsade.... Akhri

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Dr. Qamar Cali
"waxaana jira oo la keeni doonaa 40-Konteenar oo isugu jira Daawo iyo Qalab Caafimaad oo yaala dalka".. Akhri...

Dagaal Culus Oo Isniintii ka dhacay Magaalada Marka
iyo Xildhibaan Qanyare Oo Sheegay Inay Sharcigii Awood Qayabsiga Ku Tunteen Masuuliyiinta Dowlada Ugu Saraysa..

  usaNin Soomaali ah oo Talaadadii lagu xiray Maraykanka "ma aha Argaggaxiso ee waxaa loo xiray arrin la xiriirta Daroogo..."

Cadde Muuse oo Shaaca ka qaaday in ku "daalay" Madaxweynanimada
"waa waqtigii aan nasan lahaa.. anigu waan daaley.." Sidaas waxaa yiri Madaxweyanaha DGPL oo u waramayey idaacada Codka Maraykanka, waxa kale oo uu ka hadalay Batroolka..

 

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com