SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR
Baarlamaanka FKMG ah Oo Codsaday Inay Horyimaadaan Madaxweyne Yuusuf Iyo Raysalwasaare Geedi.

Golaha  baarlamaanka dowlada KMG ah ayaa fadhigooda ay isugu yimaadeen Khamiistii ku xusay islamrkaana  codsaday in labada masuul ee dowlada ugu saraysa ay hor yimaadaan fadhiga baarlamaanka sabtida soo socota si loola xisaabtamo. 

Shir jaraa,id oo uu qabtay gudoomiye ku xigweenka koowaad prof,maxamed cumar dalxa  ayaa sheegay in labada masuul ee kala ah madaxweyne c/laahi yuusuf iyo weliba raysal-wasaare cali maxamed geedi ay hor yimaadaan fadhiga ay mudanayaasha baarlamaanku lee yihiin horaanta asbuuca soo socda waa siduu hadalka u dhigaye .

Prof-ka ayaa intaas ku daray in ay luntay shirciyadii iyo weliba la xisaabtankii ay baarlamaanku lahaayeen islamrkaana la doonayo in sharciga lagu dhaqmo taas ayaana keeni karta horumar iyo kala dambayn ayuu yiri xildhibaan dalxa .

Mar wax laga weydiiyey arinta amaanka caasimada muqdisho iyo weliba sicir bararka aadka u baahsan ee ka jira magaalada muqdisho shirkiisa jaraa,id kadib ayuu ku jawaabay ,marka ugu horaysa arinta amaanka muqdisho waxay hoos tagtaa laamaha amniga muqdisho oo ay kamid yihiin gudiga amniga qaranka oo kala ah nabad-sugida ,booliska iyo asluubta ayaa ka masuul ah arinta amniga muqdisho inay wax ka qabtaan ,tan kale ayuu yiri ee sicir bararka waxaan ka codsanayaa ganacsatada soomaaliyeed ee sharafta leh inay umada masaakiinta ah ee danyarta ah ee walaalohooda inay u naxariistaan Alle subxaana watacalaana ka cabsadaan islamrkaana u qaboojiyaan maceeshada daruuriga ah .     

Labo Mudane Oo Baarlamaanka KMG ah Ka Tirsan Oo Dhaawac Soo Gaaray. 

Mudanayaal ka tirsan baarlamaanka FKMG ah ee fadhigoogu yahay magaalada xarunta uy ah gobolka bay ee baydhabo ayaa safar shaqo oo ay u aadeen gobolka deriska  la ah ee gobolka gedo waxaa kasoo gaaray dhaawac kadib markii burcad hubaysani tacshiirad ku fureen gaari ay saarnaayeen .

Labadan xildhibaan oo sida la sheegay kasoo jeeda isla gobolkaasi gedo ayaa iminka lagu dabiibayaa isbitaal ku yaala magaalada garba haarey iyadoo sida ay sheegayaan dadka ku dhaqan deegaankaasi ay xaaladooda caafimaad iminka wanaagsan tahay .

Waa markii ugu horaysay oo mudanayaal baarlamaanka kasoo jeeda ay fal noocan kala ah uusoo gaaro xili lagu jiro bisha ramadaan ee barakaysan iyagoo sida laga soo werinayana shaqo asbuucyo ah u aaday gobolkaasi oo salka ku haysa dhex-dhexaadinta laga dhex wado gudoomiyahii hore ee gobolka gedo iyo weliba kan iminka loogu dhawaaqay oo ay soo deristay is-qabqabsi siyaasadeed oo u muuqda inuu yahay mid qabiileed .

Odayaasha Iyo Waxgaradka SSC Ee Ku Dhaqan Muqdisho iyo  Jubada Hoose Oo Baaq Soo Saaray.

Waxagaradka kasoo jeeda gobolada sool ,sanaag iyo cayn ee ku kala dhaqan gobolada jubooyinka iyo gobolka banaadir ayaa baaq wadajir ah kasoo saaray arinta murugsan ee dhiilada colaadeed ah ee ka jirta gobolada SSC

Waxgaradka dhinaca jubada hoose ayaa maanta kulan ay ku yeesheen magaalada kismaanyo ku sheegay in aad uga xun yihiin xiisada colaadeed ee ka jirta gobolada ay kasoo jeedaan islamrkaana cambaarayn kulul dusha uga tuuray labada maamul ee ku hardmaya deegaanadooda .

Waxgaradkan ku dhaqan jubooyinka ayaa usoo jeediyey maamulada punt-land iyo Somali-land inay labaduba iskaga baxaan deegaanka islamrkaana ay ka daayaan caruurta iyo maatida ay ku kor dagaalamayaan iyagoo ka codsaday kuwa siyaasiyiin isku sheega ah ee kasoo jeeda gobolada SSC ee labada dhinac la safan inay iyagu aayahooda ka tashadaan oo eegaan dadkooda iyo dalkooda in xiligan xabad iyo dagaal aysan waxba u tarayn .

Prof.c/risaaq maxamuud ibraahin (Raamaale)oo afhayeen u ah waxagaradka jubooyinka oo saaxaafada la hadlayey ayaa tibaaxay in dadka iyo dalka gobolada SSC ay samaystaan maamul u gaara islamarkaana ay ka taanaasulaan inay maamulo kale daba fadhiyaan oo aan wax dana iyo heelotoona ka lahayn iyagoo eegaya danta iyo dalka SSC masiirkoodana ka tashanaya .

Dhinaca kale waxgaradka kasoo jeeda SSC ee ku dhaqan magaalada caasimada ah ee muqdisho ayaa kulan kan oo kale ah ku yeeshay muqdisho maanta islamrkaana kala mid noqday dhinaca afkaarta kuwa jubooyinka .

Afhayeenka waxagaradka muqdisho ee kasoo jeeda SSC fu,aad cabdi xaaji diiriye ayaa taageeray hadalka kasoo yeeray prof,c/raisaaq raamaale islamrkaana xusay in dhibaatada colaadeed lagaga bixi karo maamul gaara oo soomaaliyeed iyo iyagoo odayaasha dhaqanku ay qaarkood ka baxaan jeebka ay ku jiraan waa siduu hadalka u dhgaye oo ay gartaan masiirka umadeed iyo maslaxadooda . 

 

 yaasiin maxamed cali (faytin)

yaasiinfaytin@hotmail.com

 

Faafin: SomaliTalk.com | Sept 21, 2007

Mas’uul ka tirsan Qaramada Midoobey oo dib looga celiyay Magaalada Baydhabo
.Isbahaysiga Asmara oo la sheegayo in uu xal ka gaaray..
.Gacma Dheere oo ka codsaday Hay’adaha samafalka inay..
.Qaraxyo iyo Weeraro shalay ka dhacay suuqa Bakaaraha..
Wararka oo dhan ka akhri halkan... Sept 19

baydhaboBaarlamaanka DFKMG oo qaban qaabinaya qorshe loogu yeerayo Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha DFKMG
Xildhibaan Maxamed Qanyare: "shir 45-casho socdey inay ku baxdo $8-milyan wax dhici kara ma ahan..." Akhri...

plAfhayeenka Madaxweyne-xigeenka Puntland oo Shaqaaqooyinka Laascaanood ku eedeeyey inuu ka danbeeyo Xaabsade.... Akhri

 

usaNin Soomaali ah oo Talaadadii lagu xiray Maraykanka "ma aha Argaggaxiso ee waxaa loo xiray arrin la xiriirta Daroogo..."

Cadde Muuse oo Shaaca ka qaaday in ku "daalay" Madaxweynanimada
"waa waqtigii aan nasan lahaa.. anigu waan daaley.." Sidaas waxaa yiri Madaxweyanaha DGPL oo u waramayey idaacada Codka Maraykanka, waxa kale oo uu ka hadalay Batroolka..

 

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com