SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR
DAAWO:- VIDEO: Muhammad: Legacy of a Prophet

Daabaco Boggan | Print



Warbixin:-Xasuuqii waxshiga ahaa ee Taliskii xabishidda ee Boorama 30 Janaayo 1984. Akhri....


  • Idaacadaha Muqdisho oo aan ka hadllin Xarigga Wariye Maxamed Xuseen Jantiile
  • Cabudhin Iyo Hagardaamo Ay U Gaystaan Ciidamada DFKMG Saxaafada Ka Howl-gasha Muqdisho.

Idaacadaha Muqdisho oo aan ka hadllin Xarigga Wariye Maxamed Xuseen Jantiile

Muqdisho DMC 15 September 2007. Wariye Maxamed Xuseen Janatiile oo ka mid ah wariyeyaasha Intarnetka ee qeybta afsoomaaliga wax ku qora ayaa la xirey howlgalkii weynnaa ee lagu qaadey suuqa Bakaaraha. 

Waxaa wax lala yaabo magaalada Muqdisho oo ay ku yaallaan ku dhowaad 11 Idaacadood ayaan ilaa hadda ka hadllin xarigga wariye Jantiile taas oo ku tuseysa inay siyaasadda idacadahaas oo dhan ku dhisan yihiin qbyaalad iyo nin jecleysi iyo buunbuunin dano gaar ah. 

Taasna waxaa markhaati u ah sida idaacadda Shabeelle oo maanta nawaaxigeeda Bambo laga tuurey darteed loo taxaabey dhamaan wariyeyaasha iyo maamulkuba islmarkaasna la geeyey xafiiska Howlgalka ayaa maanta oo dhan waxay barnaamijyadooda ka dhigeen xadgudubka loo geytey waiyeyaasha idaacadda Shabeelle. 

Runtii qaabka ay ku shaqeeyaan idaacadaha ka dhisan magaalada Muqdisho laguma tilmaami karo mid saxaafadeed oo dhaxdhaxaad ah,waxayna dhamaantood u adeegaan dano qabiil iyo dano siyaasaded oo gaar ah,waxaana ka maqan masuuliyadda ka saaran difaaca Saxafiga Soomaaliyeed iyo kan Caalamka. 

Wariye Maxaed Xuseen Jantiile ayaa waxaa la qabtey asagoo ku jira Howlihiisa saxafinimo waxana laga qabtey suuqa bakaaraha oo uu ka fulinaayey barnaamijyadiisa Saxafinimo. 

Sidaas darteed shabakadda Warbaahinnta DMC ayaa waxay dowlladda kumeelgaarka ka codsanyesaa in wariyhaas xurnimadiisa la soo cel;iyo,sidoo kale ururka suxufiyiinta Soomaaliyeed waxaaan ku boorineynaa inay culesykood oo dhan isku geeyaan sidii loo sii deyn lahaa wariyahaas xiran. 

Xarigaga wariyahan ayaa wuxuu qeyb ka yahay xarigga mar kasta lagula kaco wariyeyaasha Soomaaliya gaar ahaan kuwa ka howlgala Gobollada Koonfureed ee Soomaaliya,Puntland iyo Soomaaliland. 

Shabakadda Warbaahinta DMC Muqdisho
Aadan Cusmaan
Bokoola@hotmail.com

Cabudhin Iyo Hagardaamo Ay U Gaystaan Ciidamada DFKMG Saxaafada Ka Howl-gasha Muqdisho.

Tacadiga ay ciidamada Dowlada KMG ahi ku hayaan saxaafada xorta ah ee ka howl gasha magaalada caasimada ah ee muqdisho ayaa cirka isku sii shareeraysa tan iyo intii ay dowlada KMG ahi isku balaarisay magaalada muqdisho.

Idaacada shabeele oo ah idaacadaha madaxa banaan ee ka howlgala magaalada muqdisho ayaa tiro ka dhowr jeer ah lagula kacay xadgudub dhinaca saxaafada ah iyadoo maantana si bareer ah loogu xabadeeyey hoyga ay idaacadu ku taalo islamrkaana hubka qoryaha boobaha ah inta gudaha idaacada loola soo galay lagu handaday dhamaan weriyayaasha idacadaasi iyo maamulkoodaba .

Handadadaada iyo rasaasaynta maanta ka dhacday gudaha idaacada shebeele ayaan gaysan wax khasaare ah waloow ay joogsdatay howl maalmeedkii xiligaa ay weriyaashu ku guda jireen iyadoo weriyayaashii idacadaasina inta qoraxda la seexiyey lagula kacay wax ka baxsan bani aadamnimada islamrkaana ay in mudo ah qoraxda ku figaysnaayeen .

Arintan ayaa tacadiga loo gaysanayo saxaafada xorta ah ayaan ahayn markii ugu horaysay ee sidan oo kale weriyayaal ka dhex shaqeeya magaalada muqdisho lagula kaco taasoo ka dhigaysa todobaadkan weriyihii sadexaad ee ay ciidamada dowlada KMG ahi ay jidh dil u gaystaan qaarna xabsiga u taxaabeen .

Weriye maxamed xuseen jantiile oo maalintii arbacadii hore laga qabtay suuqa bakaaraha isagoo gudanaya shaqadiisa ayaa weli ku xiran xabsiga islamrkaana dad gaaraya 70-qof oo lala qabsaday qaarkood lasii daayey markii ay ogaadeen inuu yahay weriye ka tirsan shabakada puntlandpost -na xariga loo sii dheereeyey taasina ay marag madoonto u tahay tacadiga iyo nacaybka ay ciidamada dowlada KMG ahi u qabaan saxaafada hagar la,aanta ugu shaqaynaysa shacabka soomaaliyeed.  

yaasiin maxamed cali (faytin)
yaasiinfaytin@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Sept 15, 2007

 

usaNin Soomaali ah oo Talaadadii lagu xiray Maraykanka "ma aha Argaggaxiso ee waxaa loo xiray arrin la xiriirta Daroogo..."

Cadde Muuse oo Shaaca ka qaaday in ku "daalay" Madaxweynanimada
"waa waqtigii aan nasan lahaa.. anigu waan daaley.." Sidaas waxaa yiri Madaxweyanaha DGPL oo u waramayey idaacada Codka Maraykanka, waxa kale oo uu ka hadalay Batroolka..

 

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com