SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR
DAAWO:- VIDEO: Muhammad: Legacy of a Prophet

Daabaco Boggan | Print



Warbixin:-Xasuuqii waxshiga ahaa ee Taliskii xabishidda ee Boorama 30 Janaayo 1984. Akhri....


Wasiirka arrimaha gudaha dowladda federalka oo Khamiistii tababar u soo gabagabeeyay 160 gabdhood oo boolis ah

Wasiirka arrimaha gudaha dowladda federalka Soomaaliya Max’ed Max’ud Guuleed (Gacmo dheere) ayaa maanta si rasmi ah u soo gabagabeeyay seminaar soconayay muddo labo todobaad ah  160 xubnood oo hawee Soomaali ah, kana mid ah ciidamada Booliska Soomaaliyeed, kuwaasoo tababarka ku qaadanayay xarunta dugsiga sare ee Booliska magaalada Muqdisho.  

Munaasabad ballaaran oo loo sameeyay gabagabada seminaarka ayna ka qeyb galeen masuuliyiin ka kala socotay labada gole ee dowlada federalka , saraakiisha sar-sare ee ciidamada Booliska Soomaaliyeed iyo maamulka Gobolka Banaadir iyo marti sharaf kale oo lagu casuumay ayaa waxaa halkaasi ugu horreyn warbixin ka soo jeediyay taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Gen. Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid.  

Taliyaha ciidanka Booliska Soomaaliyeed Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid wuxuu ka warramay xubnaha 160-ka ah ee seminaarka loo soo gabagabeeyay iyo duruustii ay ku qaadanayeen isagoo hoosta ka xarriiqay in ay ku barteen duruus ay ka mid ahaayeen shuruucda booliska, baarista dambiyada, hawlaha ciqaabta, maamulka xafiisyada, dhawrista xuquuqda, wuxuuna sheegay in xubnahani ay ka kala socdeen qeybaha kala duwan ee ciidanka Booliska, sida hawlaha caafimaadka, isgaarsiinta, taraafikada, saldhigyada booliska, hoggaanada booliska iyo xafiisyada taliskaas, kuwaasoo loo soo xulay inay hawlahaas baaxadda ee hor yaalla ciidamada booliska ay ka qeyb qaataan.  

Cabdi Qeybdidi wuxuu sheegay in ciidanka Booliska Soomaaliyeed ay xilligan hayaan arrimo badan oo khatarteeda leh, sida ka hortagga waxyaabaha qarxa, dib u soo celinta sharciga iyo kala dambeynta dalka, ilaalinta xasiloonida iyo la dagaallanka kooxaha argagaxisada, wuxuu sheegay Cabdi Qeybdiid in ciidanka Booliska Soomaaliyeed uusan maanta gaarsiisaneyn heerkii loogu talo galay, wuxuuna hoosta ka xarriiqay in ciidanka Booliska Soomaaliyeed ay wax badan u soo dhabar adaygeen, kuwaasoo qaarkood naftoodii ku waayay, qaarna ay ku dhaawacmeen, munaasabaddanna ay tahay munaasabad si weyn booliska Soomaaliyeed kaalin mug leh uga jirta.  

Cabdi Qeybdiid wuxuu sheegay in Booliska Soomaaliyeed ay meel eber ah ka soo bilaabeen hawlaha kala duwan oo ay dalka u hayaan haddii ay jirto ciidan boolis, haddii ay jirto aqoon, haddii ay jirto sharaftii iyo karaamadii luntay iyo midnimadii dalka Soomaaliyaba, waxaa muuqata in dadka dhibaatada intaas la eg soo martay in loo soo celiyo sharcigii iyo kala dambeyntii iyo weliba dib u dhiskii ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo ah ilaaliyaha sharafta qaranka. 

“Arrin sahlan ma ahan, waxaana muuqata in ciidanka Booliska Soomaaliyeed uu ku joogo dhabbo billow ah oo dib loogu soo celinayo nabaddii, ilaalinta sharciga iyo kala dambeynta, dadka soomaaliyeedna uu  u noqon lahaa badbaadiyaha iyo ilaaliyaha naftooda iyo maalkooda, inuu gaarsiiyo weeye jidka la rabo maanta oo hadda lagu socdaa” ayuu yiri Cabdi Qeybdiid.  

Cabdi Qeybdiid wuxuu kaloo sheegay in ciidanka Booliska Soomaaliyeed u taagan yihiin in dalkan Soomaaliya laga saaro dhibka uu ku jiro oo ah fawdada iyo kala dambeyn la’aanta, is dilidda sharci darrada ah, dhaca, boobka iwm.  

Ugu dambeyntii waxaa halkaasi ka hadlay wasiirka arrimaha gudaha dowlada Federalka Soomaaliya Maxamed Maxamuud Guuleed (Gacmodheere) oo ugu horreyn u mahad celiyay ciidanka Booliska Soomaaliyeed meel kastoo ay joogaan  gaar ahaan  magaalada Muqdisho sidii ay u sugi lahaayeen nabadda iyo amniga.  

“Dal kasta dhaqaalihiisa waxaa keena booliska,  haddii aanay boolis jirin, dhaqaale iyo amni midna ma jiraayo” ayuu yiri Md. Gacmodheere oo dhinaca kale sheegay in uu tacsi guud u tirayo dhammaan xubnihii ka tirsanaa ciidanka Booliska Soomaaliya oo ku geeriyooday ama ku dhaawacmay qaraxyadii ka dhacayay magaalada Muqdisho muddadii ay hawl galka ku jireen.

Gacmo dheere wuxuu kaloo intaasi ku daray in dowladda federalka ay qorsheysay 12 kun oo ciidan boolis ah, qorshahaasna haatan uu hirgalay, labo kun oo ka mid ahna ay tahay inay mushaar siiyaan hay’adaha Qaramada Midoobay.  

Wasiirka arrimaha gudaha dowladda federalka waxa kale oo uu ka hadlay abaaraha, fatahaadaha, duufaanada iyo dhibaatooyinka dadka Soomaaliyeed  ku dhacay sida barakaca, macluusha baahday ee ka jirta dalka, kuwaasoo shacbiga Soomaaliyeed ay yihiin kuwo nugul, wuxuuna ugu baaqay beesha caalamka iyo dowladaha Muslimiinta in bisha barakaysan ee Ramadan darteed ay u soo gurmadaan, wuxuuna dhinaca kale kula dardaarmay xubnaha tababarka u xirmay inay u gudbiyaan dadka aan fursadda u helin waxyaabihii ay kororsadeen muddadii ay tababarka ku jireen.   

 
Dowladda federalka oo si rasmi ah maanta u shaacisay in la qaaday bandowgii saarnaa magaalada Muqdisho

Wasiirka arrimaha gudaha dowladda federalka Soomaaliya Md. Max’ed Max’ud guuleed (Gacmodheere) ayaa maanta si rasmi ah u shaaciyay in dowladdu ay gebi ahaanba qaaday bandowgii saarnaa magaalada Muqdisho muddada dhowrka bilood ahayd. 

Md. Gacmodheere wuxuu sheegay in dhammaanba la fasaxay dhaq-dhaqaaqyadii dadka iyo gaadiidka iyo isu socodka magaalada Muqdisho laga bilaabo oo ay taariikhdu tahay 13/09/2007da.  


Gacma dheere iyo Qaybdiid

Wasiirka arrimaha gudaha dowladda federalka wuxuu sheegay in arrinitani ay ka dambeysay kadib markii dowladda federalka Soomaaliya ay garwaaqsatay bisha baraakeysan ee Ramadan darteed in shacbiga Soomaaliyeed ay u baahan yihiin xilliyada salaadda taraawiixda in la siiyo fursado ay ku cibaadeysan karaan maadaama lagu jiro bishii barakada iyo kheyrka laheyd ee Ramadan, wuxuuna sidoo kale hoosta ka xarriiqay in ciidamada qaranka ay dowladu ku wargelineyso inaysan hawlahooda dayacin inkastoo la qaaday bandowgii saarnaa caasimadda, haddana ay waajib ku tahay in mar kasta feejignaadaan.  

Max’ed Dheere iyo wafdi uu hoggaaminayo oo dalka dib ugu soo laabtay

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Max’ed Cumar Xabeeb (Max’ed Dheere) ayaa maanta dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho.  

Guddoomiyaha ayaa safar ku tagay toddobaadkii hore dalka Yemen xaruntiisa Sanca, wuxuuna halkaasi kula kulmay masuuliyiin ka tirsan xukuumadda Yemen, isagoo kala hadlay arrimo dhowr ah oo ku aaddan arrimaha Soomaaliya.  

“Waxaan dowladda Yemen kala hadlay sidii ay wax uga qaban laheyd arrimaha nadaafadda ee dalka iyo dhinaca is gaarsiinta” ayuu yiri Max’ed Dheere.  

Sidoo kale Max’ed Dheere intii uu ku sugnaa magaalada Sanca ee dalka Yemen waxa uu ka codsaday hay’adaha isgaarsiinta ee dalka Yemen iyo ganacsatadaba inay maal gelin ku sameystaan Soomaaliya, iyadoo sidoo kalena hay’aduhu ay ballan qaadeen wixii hadda ka dambeeya inay diyaar la yihiin maal gelinta iyo dib u dhiska dalka Soomaaliya inay ka qeyb qaataan. 

 

Muuse Maxamuud Jiisow

musejisow@hotmail.com

Muqdisho Somaliya 

025215576666

002521653623

 

Sept 14, 2007

 

usaNin Soomaali ah oo Talaadadii lagu xiray Maraykanka "ma aha Argaggaxiso ee waxaa loo xiray arrin la xiriirta Daroogo..."

Cadde Muuse oo Shaaca ka qaaday in ku "daalay" Madaxweynanimada
"waa waqtigii aan nasan lahaa.. anigu waan daaley.." Sidaas waxaa yiri Madaxweyanaha DGPL oo u waramayey idaacada Codka Maraykanka, waxa kale oo uu ka hadalay Batroolka..

 

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com