SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MUQDISHO
Mulkiilayaasha Gaadiidkii lagu Daabulayey Ergadii Ka Qaybgalay Shirkii Dib u Heshiisiinta Beelaha Soomaaliya ee Muqdisho oo Ka Cabanaya Kharashkii Kirada Gaadiidkooda oo aan la siinin

Milkiilayaasha gaadiidkii lagu daabulayay ergooyinkii ka qeyb galay shirkii dib u heshisiiinta beelaha Soomaaliyeed ee dhowaan lagu soo gabagabeeyay magaalada Muqdisho ayaa cabasho ka muujiyay qarashyadii kirada gaadiidkooda muddo labo bilood ah oo aan la siinin.

shir jara'id oo uu ku qabtay magaalada muqdisho Sabtidii ayuu kaga hadlay arinta kirada ka weli maqan Cabdi Canshuur oo ka mid ah milkiilayaasha gaadiidka koostarrada ah ee qaadi jiray ergada ka qeyb galaya shirka ayaa sheegay in ilaa iyo hadda aan la siinin kirada gaadiidkooda muddo labo bilood ah, isla markaana lagu leeyahay shidaalkii uu isticmaali jiray iyo qarashkii shaqaalaha uu siin lahaa.

"Waxaa nalakugu hanjabay intii aan howsha wadnay in naloo geysan doono dhibaato haddii aanan faraha kala bixinin howsha aan ku jirno, taasoo aan ka doorbidnay inaan ka shaqeyno danaha shacabka iyo maslaxaddooda, guryaheenana kuma noqon karno lacag la’aan awgeed oo waxaa nalaka rabaa shidaalkii aan deynta ku qaadanay iyo qarashyadii shaqaalaha aan siin lahayn sida darawalka iyo kirishboyga" ayuu ku calaacalay Cabdi Canshuur oo intaa ku daray inay shaqada daabulidda ergada bilaabeen 13/07/2007

sidoo kale Cabdi Canshuur wuxuu sheegay in ay arrintan ay la qabaan dhammaan gaadiidleydii ka qeyb qaadatay daabulidda ergooyinka, laguna wada leeyahay sida oolyadii, canjeeladii iyo shidaalkii intaba, isagoo ka codsaday guddiga Qaban qaabada shirka dib u heshiisiinta inay sida ugu dhaqsiyaha badan leh u soo gaarsiiyaan kirada gaadiidkooda, si ay isaga bixiyaan qarashyada kala duwan ee lagu leeyahay.

Cabdi Canshuur ayaa sheegay in gaadiidkooda looga kireystay Qiimo dhan $50 doollar Maalintiiba, waxaana nala galay heshiiskaasi ayuu yiri Guddiga Qabanqaabada shirka Dib u heshiisiinta beelaha Soomaaliyeed, mar kastana waxaa nalaku yiraahdaa waxa laydiin diinayaa berri ama saadambe, taasoo noqotay mid aan dhamaaneyn.

Ma ahan markii ugu horreysay oo guddiga shirka dib u heshiisiinta cabasho laga keeno ku saabsan gunnooyinkii la siin lahaa ergooyinkii ka qeyb galayay shirka, saxafiyiinta iyo gaadiidleydaba.

 
Muuse Maxamuud Jiisow

musejisow@hotmail.com

Muqdisho Somaliya 

025215576666

002521653623

 

Faafin: SomaliTalk.com | Sept 9, 2007 

Ciidamadii Dowladda Federaalka oo gebi ahaanba isaga baxay deegaanada SOS iyo Suuqa Xoolaha
.Geedi oo kulan gaar ah la yeeshay Ganacsada Caddaani
.Kulan deg deg ah oo ay isugu imaanayaan kooxda Contact G.
.Qaraxyo xalay laga maqlay qaybo ka mid ah Muqdisho
.Daahir Riyaale oo diiday in uu la kulmo C/llaahi Yuusuf
Warar GoosGoos ah ka akhri halkan... Sept 8

Xildhibaanada Xaawo C/llaahi Qayaad oo booqatey Xabsiga Gobolka Baay   
"layma tusin kuwa dilallka u xiran, laakiin wajiyadooda ayaan arkey".... Akhri... Sept 8

Somalia: Warbixinta Gaarka ee Hubinta Cutnada iyo Nafaqada ee FSAU.. Bishii 8aad, 2007

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com