SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - CASMARA

Warbixin iyo Faallo Shirka Casmara. (Sept 9, 2007)..

Liibaan Cabdi CaliWarbixintii iyo Faalladii:

Liibaan Cabdi Cali -Asmara-Eritrea

Hayaan_8@hotmail.com 


Waxaa wali ka sii soconaya magaalada Asmara ee Dalka Eritrea shirwayniha Dib-u-xoraynta iyo dib u soo noolaynta Somalia oo maalintii khamiistii ka bilowday magaalada Asmara. 

Shirka oo ay ka qayb galayaan dhammaan qaybaha kala duwan ee bulshada soomaaliyeed ee doonaya in dalka Somalia uu ka xoroobo gumaysiga Ethiopia,waxaa uu u soconayaa si hab sami ah,waxaana si wayn loogu rajo qabaa in ay ka soo baxaan natiijooyin hor seeda in dalka Somalia uu dhaqso ku xoroobo.

Shirkan oo ay abaabulkiisa leeyihiin maxkamadaha islaamka iyo baarlamaanka xorta ah,waxaa ka qayb galaya in ka badan 450 qof oo ka kala yimid daafaha dunida,kuwaasi oo ay ka mid yihiin mas’uuliyiinta maxkamadaha islaamka iyo baarlamaanka xorta ah iyo qurbo joogga soomaaliyeed oo joogitaankooda shirka si aad ah loo dareemayo. 

Hadallo kul kulul

Ka qayb galayaasha shirka oo ay ka muuqatay qiiro diineed iyo mid waddaninimo waxaa dhammaan tood ay ka sinnaayeen,sida loogu baahan yahay in dalka Somalia laga saaro ciidammada Ethiopia ee xoogga ku qabsaday. 

Guddoomiyaha midowga maxkamadaha islaamka Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa sheegay in dalka iyo dadka soomaaliyeed loo gaystay tacaddi ka dhan ah bani aadminimada dowladda maraykankuna ay taageertay cadaawadda dalka iyo dadka soomaaliyeed karaamadooda lagu bannaystay iyadoo buu yiri Ethiopia ku  taageertay sidii ay daka Somalia u gumaysan lahayd. 

Waxa uu sheikh shariif beeniyay eedaymaha maraykanka ee ah in maxaakimtu ay gabbaad siiyeen waxa loogu yeero argagixisada ,waxa uuna yiri”Waxyaabaha ay cadowgu marmarsiyaha ka dhigteen ee ay buunbuuniyeen waxaa ka mid ah in maxaakimtu ay ahaayeen argagixiso ayna hoy siinayeen argagixiso,waxaasi oo dhanna sax ma ahan,waana beeb abuur ujeedka laga leeyahay uu yahay in lagu bannaysto dalka dadka iyo diinta soomaaliyeed”’ 

Xuseen Caydiid 

Xuseen Caydiid oo horay ra’iisul wasaare ku xigeen uga ahaa kooxda Mbagati haatanna ka mid ah siyaasiyiinta ka hor jeeda ciidamada cadowga Ethiopia ee dalka Somalia qabsaday,ayaa dalbaday in laga cafiyo dhammaan dhibaatooyinkii uu gaystay 11-kii sano ee uu ku soo jiray siyaasadda Somalia isagoo qiray in waxyeello laxaad leh ay u gaysteen bulshada guud ahaan hoggaamiye kooxeedyada soomaaliya. 

Waxa uu caydiid intaa ku daray in uusan u iman Asmara in uu jago ka helo ee ujeedkiisu yahay in uu gacan ka gaysto sidii dalka Somalia loo xorayn lahaa.

Waxa uu yiri caydiid “Joogitaanka ciidammada gumaysiga Ethiopia waxa ay mustaxiil ka dhigeen in lagu noolaado Somalia” 

Shariif xasan Sheekh Aadan guddoomiyaha baarlamaanka xorta ah ayaa isaguna sheegay in gumaad wali ka sii socdo Somalia,waxaana la yaab leh ayuu yiri in Somalia oo ah dal madax bannaan xubinna ka ah Qm gabi ahaantii na ay la wareegto Ethiopia iyadoo caalamkuna uu indhaha ka qabsaday gumaadka iyo gabood fallada ka Dhaka ah Somalia iyo shacabka ku dhaqan.

Waxa uu ka codsaday hay’adaha samafalka in ay gargaar deg deg ah la gaaraan kumannaanka soomaalida ah ee geedaha hoos daadsan ka dib markii gumaysiga Ethiopia uu madaafiic uga barakiciyay guryohoodii. 

Max’uud Axmed Nuur Tarsan oo ka mid ah qurbo joogga soomaaliyeed oo khudbad aad u dheer ka jeediyay shirka ayaa  ka codsaday midowga iyo dowladda maraykanka in ay dib u eegaan siyaasadohooda ku wajahan soomaaliya,ayna taageeraan rabitaanka shacabka soomaaliyeed isagoo diiday in soomaaliya ay joogaan waxa loogu yeero argagixiso, dadkii joogay hoolka ayaa mar qura ku qayliyay” we are not terrorists” Ma nihin argagixiso. 

Tarsan ayaa tilmaamay in qurba joogga soomaaliyeed uusan marna taageeri Karin kuwa dalka u horseeday in uu gacanta u galo cadow soo jireen ah.waxa uu yiri “ ma taageeri karno dowlad dadkeedii gumaad ku haysa oo barakac ku wadda dadkeedii iyadoo fulinta arrintaana u adeegsatay cadowgii soomaaliyeed ee soo jireenk ahaa” 

Qodob xiiso leh

Arrin kale oo xiiso leh waxa ay ahayd tan ku saabsan waxa la doonayo in la dhiso ma dowlad, jabhad, urur is bahaysi ama dhaqdhaqaaq hubaysan? Arrintaa oo dood badan dhalisay inta badan ka qayb galayaasha shirkuna ay aragti ka dhiibteenna waxaa ay tahay mid wali laalan, waxaase si gacan taag ah lagu ansixiyay in barnaamijka waxa la dhisayaahi ahaado mid siyaasadeed iyo difaac oo is wata. 

Xildhibaan dhaqane oo dhawaan ka soo laabtay koofurta Somalia oo uuu booqday ayaa warbixin ka dhiibay goobta, ka dibna sheegay in ay isaga ula muuqato in la dhiso dowlad,laakiin Cumar Xaashi Aadan ayaa sheegay in dowlad qurbo lagu dhiso aysan waxba ka tari Karin xaaladda ka jirta Somalia, waxa uu raaciyay in uu goob joog ka ahaa dhammaan kulammadii soomaalidu isku arkeen ee dibadda ka dhacay tan iyo 1991-kii isla markaana aanay jirin waxa ay ku gaareen xilalkii loo magacaabay iyadoo wax kasta oo la soo dhisayna ay ku dhammaadeen wax qabad la’aan,waxaa uu Cumar xaashi ku baaqay in la dhisoo sida ugu dhaqsiyaha badan wax kasta oo aan dowlad ahayn oo lagu gaari karo in dalka Somalia laga saaro ciidammada Ethiopia ee ku soo duulay. 

Gabayo iyo guubaabo ayaa sidoo kale goobta shirka laga soo jeediyay ilaa haddana waxa uu u socdaa si habsami leh.waxa uu bilowdaa 8:30 subaxnimo ilaa salaadda duhur,ka dibna waxa la isugu soo laabtaa 5:00 galabnimo,waxa uuna soo idlaadaa 9:00 iyo wax la jira. Dooduha iyo aragti is dhaafsigu waxa uu ka sii socdaa hoteellada ay deggan yihiin ergada shirka ka qayb galaysa oo aad u fara badan,kuwaas oo gudaha hoteellada isku waydaarsada aragtiyo isagana waraysta dhacdooyinka dalka ka jira. 

Waxaa kulankani kaga duwan yahay kuwii hore in dadka ka qayb galaya ay yihiin shaqsiyaad soomaaliyeed oo waddaniyiin iyo islaamiyiin ah, kana damqanaya dhibta dadkooda iyo dalkooda ku dhacaysa. 

Dadka ka qayb galaya shirka sidoo kale waa mutacallimiin ay ku kulan sanyihiin aqoontii iyo khibraddii siyaasadeed,diineed iyo milatari oo intuba lagama maarmaan u ah xoraynta dalka Somalia.


Liibaan Cabdi Cali -Asmara-Eritrea
Hayaan_8@hotmail.com 

Faafin: SomaliTalk.com | Sept 9, 2007 

Ciidamadii Dowladda Federaalka oo gebi ahaanba isaga baxay deegaanada SOS iyo Suuqa Xoolaha
.Geedi oo kulan gaar ah la yeeshay Ganacsada Caddaani
.Kulan deg deg ah oo ay isugu imaanayaan kooxda Contact G.
.Qaraxyo xalay laga maqlay qaybo ka mid ah Muqdisho
.Daahir Riyaale oo diiday in uu la kulmo C/llaahi Yuusuf
Warar GoosGoos ah ka akhri halkan... Sept 8

Xildhibaanada Xaawo C/llaahi Qayaad oo booqatey Xabsiga Gobolka Baay   
"layma tusin kuwa dilallka u xiran, laakiin wajiyadooda ayaan arkey".... Akhri... Sept 8

Somalia: Warbixinta Gaarka ee Hubinta Cutnada iyo Nafaqada ee FSAU.. Bishii 8aad, 2007

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com