SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - ISLII, NAIROBI
Daabaco Boggan | Print
"waayadii hore soohdinta Itoobiya badda ayay ku sinnayd, hase ahaatee kolkii ay weydey awood ku filan oo ay wax isaga caabbido, xoogagga kiristaanka ahina ay wax kaalmo ah taaran waayeen ayay soohdimahayagii badda gaarsiisnaan jirey waxay u gacan-galeen quwado muslin ah"
Menelek II: April 10, 1891... Akhri...

Xuseen Maxamed Faarax Ceydiid Ra'iisul-wasaare K/xigeenka ahna Wasiirka Arrimaha Gudaha DFKMG ee lagu soo dhisay Nairobi oo Magaalada Muqdisho dhawr maalmood kadib markii ay qabsadeen ciidamada Ethiopia kula hadalyey odayaal dhaqameedyo ayaa  sheegay in la baabi'inayo Xadka Soomaaliya oo lala midaynayo Ethiopia, oo Hal Ciidan ay yeelanayaan, Hal dhaqaale yeelanayaan, hal Baasaboor ay qaadanayaan Soomaalida iyo Itoobiyaanku.
Xuseen Caydiid: Jan 2, 2007.. Akhri..


Ciidamo Itoobiyaan ah oo harsanaya Geed-hindi;  Muqdisho Jan 4, 2007.  AFP

abdirsaqQoraalkii  uu C/Risaaq Xaaji Xuseen  2002  Ka Qoray Faragelinta ay Itoobiya Ku Hayso Arrimaha Gudaha ee Soomaaliya, kaas oo ku aadan arrimaha Maanta taagan.. Akhri

Munaasabad Qalin Jabin ah oo ka dhacday Xarunta Gheifka Islii 9 Street oo ay dad badan ka soo qayb galeen

Daawo Sawirada Munasabadda

Maalinimadii Khamsiita ahayd  ee ay taariikhdu ku beegneed, 21 June 2007 ayaa waxaa  munaasabad arday ka qalin jabinaysay (Computerka Soft Ware) Schoolka Al- Imra Union Of Language and Computer Training  waxay ka dhacday xarunta Dowlada Hoose ee Xaafada Islii ee ku taala  9 Street waxaana ka soo qayb galay munaasabadaasi arday badan iyo waliba  dad wayne kala duwan oo ay ka muuqatay faraxad iyo shucuur xanbaarsan wax barashada hamuumta loo qabay.

Xaflada ayaa waxay ku bilaabtay Aayado Quraan ah ka dibna waxaa la guda galay barnaamijka qaybihiisii kala gadisnaa, waxaana halkaasi hadalo wax ku ool ah ka soo jeediyay marti sharaftii kala duwanayd ee ka soo qayb gashay munaasbada ardayda shahaada lagu gudoonsiinayay,waxaana halkaasi hadal qiimo badan ka soo jeediyay mid ka mid ahaa waalidiinta oo ku hadlayay magaca waalidiinta oo dhamaan dhalinyaradii ardayda ahayd ku dhiiri galiyay in ay sii wataan waxbarshada oo aysan waxbarashadu ahayn mid  meel ku eg,isaguu hadalkiisa sii wata ayaa waxaa uu yiri '' qofba markii uu wax baranayo waa inuu kalsooni buuxda u hayo waxa uu baranayo si uu heer uga gaaro bari oo uu dalkiisa iyo diintiisaba u anfaco

Waxaa kale oo halkaasi hadal qiimo leh ka soo jeedisay Khadiijo Mayow Abuukar oo ka mid ah saxafiyiinta ugu waa wayn kuwa dalka soomaaliya isla markaana macalimad xiligii dowlada soomaaliya ka ahayd dalka Soomaaliya,waxayna ku dhiiri galisay dhamaan ardayda in ay mar kasta ku fakaraan in ay aqoonta soo hor mariyaan,si gaar ah ayaa dhiiri galin buuxda oo ku aadan dhanka  wax barashada waxay u jeedisay gabadhihii ka soo qayb galay munaasabadaasi waxayna tiri '' mar waliba raga ama wiilashu waxay idinka aaminsan yihiin inaad ku fiican tihiin canjeelada iyo birta iyo howlaha guriga maahan sidaa waa inaad idinku ka qayb qaadataan wax barashada way idin anfacaysaa'' ayaa ay tiri Khadiijo Mayow Abuukar', waxaa halkaasi ka hadlay  wariye Mursal Quule Axmed oo ka mid ah saxafiyeenta ka howl gala Iqra Fm waxuuna ardayda ugu baaqay in ee sii wataan dadalkooda ku aadan waxabarashada, waxaa kaloo ka hadalay wariye Maxamed Cabdi Bootaan oo ka tirsan Shabakada SomaliTalk waxoona ardayda soo xasuusiyay hormarkii uu gaarsiiyay ra,iisal wasaarihii hore ee Malaysia Mahathir Maxamed dalkiisa oo ku aadanaa dhanka waxbarashada iyo dhanka caafimaadka, waxuuna ugu baaqay dhalinyarada u baqooleysa dalalka reer galbeedka in ay wax ka soo bartaan oo ay ku hormariyaan dalkooda.

Mid ka mid ah gabadhihii ka khudbeeyay munaasabada ayaa oo magaceeda la yiraahdo Nadiifo Cumar Abuukar ayaa waxay soo jiidatay dadkii ka soo qayb galay ka dib markii ay khudbad qiino leh oo ay ku jeedisay qayb ka mid ah Luuqada  Carabiga ee ugu sharafta badan luuqadaha  Caalamka, waxayna kaga sheekaysay ahmiyada ay lee dahay wax barashada.

Macalin Cabdiraxmaan (Brtish) oo ka mid ah macalimiinta Wax ka dhigta qaybaha kale ee Schoolada al Cimra ee xaafada islii ayaa halkaasi hadal ka soo jeediyay muhiim ahaa oo ku aadan Aqoonta iyo Jahliga farqiga u dhexeeya,Macalin Cabdilaahi (Waado) oo ka tirsan macaliminta Al-imra Union ayaa isana ku goobaabiyay ardayda waxbarashada, Macalin Axmed Shiikh Aadan oo ka mid ah macalimiinta schoolka dhigana Computerka ayaa isna ka hadlay faa'iidayda uu  lee yahay aalada Computerka Barashadeedu.

Gabagabadii khudbooyinka ayaa waxaa khudbad ka soo jeediyay halkaasi Maammulaha guud ee Schoolka Xuseen Cumar Abuukar (Caanoole) waxaana uu  ku dheeraaday ahmiyada ay lee dahay aqoontu isagoo sheegay in aqoon la'aanta ka jirta Dalka Soomaaliya ay dhamaan dadka halkan jooga ay keentay maanta,'' aqoon la'aantu waa cadowga ugu wayn ee qofka bani aadamka ah la soo darsa '' ayaa u yiri (Caanoole),mar oo ka war bixinyay Schoolka ayaa waxaa uu sheegay in la furay Al Imra Union Of Languages and Computer Training 1 Jully 1999,waxaana uu tibaaxay in ardayda dhigta ay iminka gaarayso 550 qiyaastii iyadoo ay kuwa kalana mar hore ka qalin jibiyeen oo ay dalka kenya dibadiisa iyo gudhiisa ay joogaan.

Waxaa la soo bandhigay Riwaayad la magac baxday '' DAMIIM MA JIREE DADAAL BAA LA IS DHER YAHAY'' oo ay ardayda  ku  soo bandhigeen halkaasi  wax yaabihii  ay riwaaayadasi iga cajibiyay waxaa ka mid ahaa araday ku matalaaye nin reer miyi oo khaati ka istaagay  wax barashada ka dib markii uu dadaal dheeraad ah muujiyay ka hor maray kuwii kale ee Reer magaalka ahaa ee ay wax ilsla baranayeen markii hore damiin buu ahaa laakiin dadaal ka dib ayaa waxa uu noqday nin aqoon yahan ah oo macalin ka noqday markii danbe Schoolkii oo dhiganayay.

Maamulka schoolka Al-imra Union ayaa ardaydii ka so qeyb gashay munaasabadaas u qabatay Wakhtiyaanasiib  lagu gudoon siiyay abaal marino kala duwan.

Ugu danbeetii waxaa aradaydii qalin jibisay oo ay tiradoodu gaareesay 23 araday lagu doonsiiyay shahaadadii qalin jabinta oo ka diwaan gishan Society of Kenya waxaana halakasi joogatay wakiil ka socday {The computer society of Kenya} oo magaceeda la yiraahdo {Fanisha}, waxaana la bixinaaye maamulka schoolak iyo wariye Khadiijo Mayoow Abuukar.

Aradaygii ugu da'da yaraa  oo qiyaastii jiray 9 ilaa 10 sano oo magaciisu la yiraahdo Xamza Sheekh Abuukar {Xanfar} waxaana ka muuqatay wajigiisa farxad aad u weyn isagoo u waramaayay SomaliTalk ayaa waxa uu ugu baaqay  dhalinyarad asiga da'diisa ah inay waxabarashada ka daalin ilaa ay heer ka gaari doonaan mustaqbalka.    

Maahan markii ugu horasay oo munaasabad caynkaan oo kale ay ka dhacdo xarunta Ghiefka ee xaafada islii waxaana ay noqonaysaa mid ka mid ah kuwa aad u badan oo halkaasi ka dhaca oo ay Schoolada wax barashada ee xaafada Islii ku qabsadaan xafladu.

Daawo Sawirada

Maxamed Cabdi Maxamed Bootaan

Nairobi, Kenya ,

Botaan1@hotmail.com
 

Faafin: SomaliTalk.com | June 21, 2007

 

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH