SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - RUUSHKA

Dilaagii Dilaanimada ku Caanbaxay ahaa Ee Russia oo la xukumay.

{Waxa aan Dadka u dilay si aan u noolaado } ayaa laga hayaa Pichushkin

Dilaaga caanka ahaa ee Dhawaanahaanba ay Dacwadiisa ka socotay Maxkamad ku taal Wadanka Russia ayaa Maalinnimaddee Isniinta aheyd la xukumay ,iyadoo lagu xukumay Xabsi Daa'im.

Ninkan oo la Yiraahdo Alexander Pichushkin  islamarkaasna ka shaqeynjiray Goob Supermarket ah ayaa waxaa ay Maxkamadu ku xukuntay in uu dilay inkabadan 48 qof ,Isaga oo dilkii ugu xumaa ka geystay Meel la yiraahdo Moscow park oo ku taal Caasimada Russia ee Moscow.
Alexander Pichushkin
Pichushkin oo dhageysanaya Maxkamada Sawir/Daily mail

Alexander Pichushkin waxa uu isaga ka qirtay Maxkamada dhexdee in kabadan tirade ay maxkamada ku xukuntay oo ah in uu geystay Dilal gaaraya 60 dil, oo aad uga baadn Tirada ay Maxkamada ku xukuntay.

Markii Ninkan uu Qaaliga la yiraahdo Vladimir Usov uu weydeeyay in uu Fahmay iyo in kale Xukunka ay Maxkamada ku riday waxa uu ugu Jawaabay "Dhagool ma ihi Aniga".

Qolka Maxkamadeynta Ninkan ay ka socotay ayaa Waxaa Buuxdhaafshay Saxafiyiinta iyo waliba Ehelada Dadkii uu ninkan laayay oo Qaarkood lahaa ama ku dhawaaqayaya Halka ku dhigyo ay ku muujinayaan inay aad ugu xunyihiin In Xabsi aad oo qura lagu xukumo Dambiila waxa ay ku adkeysteen in ninkan xabsi daa'im uusan Xaqulaheyn Marka loo eego dambiyada uu geystay.
 
Quburada caafimaadka ee qaabilsan maskaxda Dadka ee Russia ayaa waxa ay sheegeen in Pichushkin uu yahay nin caadi ah oo ay taamtahay Maskaxdiisa ,laakiin Usov oo kamid ah Qaaliyada maxkamada ayaa waxa uu saxaafada ugu waramay in lagu sameynayo daaweyn dhanka maskaxda ah ninkan inta uu ku jiro xabsiga.

"Shaqsiyadeyda waxa aan Dareemayaa in uu jiro Jahwareer ku aadan Bad qabka ninkan marka loo eego dambiyada uu geystaya ." Usov oo ah midka mid ah Gudiga Qaadaya Dacwada ninkan .

Waxa uu Usov  sheegay in Pichushkin uu ka Warqabo Dambiyada uu geystay koofurta Moscow intee u dhaxeysay 2001ilaa 2006 oo ah Waqtigee ay Gacanta ku dhigeyn Policeka Russia .

Pichushkin  waxa uu dadka uu dilay inta badan ku dilay in uu tuuro oo uu meel sare ka gamo dadka cabsan ,iyadoo qaar ka mid ah dacwadaha uu galay ninkan ay ka mid tahay in uu cayjin dad ku dilay, iyo qaar kale oo dhintay kadib markii uu madaxa ku dhuftay sida ay Qalabka Warbaahinta ay u sheegeen Qaaliyada Qaadaya maxkamada ninkan.

Ninkan ay Maxkamadu ku riday Xukunka ah xabsi daa'im ayaa waxa uud ilay intee lagu gudajiray Lixda bil ee ugu horeysya sanadkii 2001 hal bil oo kaliya tiro dad ah oo gaareysa 11 qof,isaga oo aan isku dayin in uu Meydka dadkaas Qariyo Waqti dheer.

"Cadaaladii waa la gaaray ," waxaa sidaas ku dhawaaqay Yuri Syomin oo ka tirsan kadib markii ay Maxkamada ku dhawaaqay xukunka. "waxaana la helay Tirooyin dambi ah." Ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Tatiana Vlasova ayaa  sheegay in dambiyo badan oo uu geystay Pichushkin   ,isaga oo yire "waligisi ma fahmidoono waxa uu geystay".

"Waxa uu geystay Dambiyo badan ,waxa uuna aakhirkii helay Waajibkiisa oo ah xabsi daa'im," ayeey tire Haweeney Sawirka wiilkeeda oo uu dilayo Pichushkin .

Pichushkin ayaa wali muujinaya in uusan Wax murugo ah uusan qabin.

   "Qorshaha Wanaagsan iyo Sheydaanka ayaa waxa ay yihiin kuow uu xariir ka dhaxeeyo," ayuu Pichushkin ku sheegay War uu saxaafada ugu talogalay oo uu soo saaray Khamiistee lasoo dhaafay.

Dilaaga ugu weynaa ee Russia ayaa ahaa Andrei Chikatilo kaas oo la xukumay 1992 ,iyada oo lagu helay dilak 52 caruur iyo hablo yar yar ah kuwaan oo uu dilay 12sano gudahood.

Isaga oo hadlayay khamiistee ayuu Pichushkin  waxa uu sheegay in uu dilay 60 qof saddex isku day oo kalana uu ku fashilmay.

Sikastaba ,Qaaliyada waxa ay ninkan ku heleyn cadeymaha dilka 48 qof iyo saddex isku day.

Gudiga Qaadayay maxkamada ninkan ayaa dambiga ku helay Arbaxadii lasoo dhaafay

Maxkamada ninkan ayaa waxa ay bilaabatay 13 septkadib markii ay police-ka Russia ay soo qabteyn sanadkii la soo dhaafay ,waxa uuna bishii June sanadkii 2006 markii la soo qabtay uu sheegay in uu isaga dilay 60 qof kuwaas oo uu ka la dilay Sanado kala duwan laakiin waxa uu maxkamada u sheegay iany la imaato cadeymaha sheegaya in uu dilay 49 qof oo qura kuwaas oo uu laayay inta u dhaxeysay sanadkii 2005-2006.

Inta ay Maxkamadeytiisa socotayna waxa uu sheegay isaga oo ka hadlayay sababta uu dadka u laayay inay tahay siddii uu u noolaanlahaa waxa uuna yire :maxaayeelay markii aad dad dishid waxa aad dooneysaa siddii aad u noolaanlahyed ".

Waxa ay Warbaahinta Russia sheegeen in ninkan uu bilaabay dilalka markii uu ahaa 18sano jir dhigta School.

W/D:Muxyadiin Axmed Rooble

Nairobi,kenya  

Email: saadaam_7@hotmail.com

Email: muhudin01@yahoo.com

Faafin: SomaliTalk.com | Oct 31, 2007


Cadde Muuse oo Shaaca ka qaaday in ku "daalay" Madaxweynanimada
"waa waqtigii aan nasan lahaa.. anigu waan daaley.." Sidaas waxaa yiri Madaxweyanaha DGPL oo u waramayey idaacada Codka Maraykanka, waxa kale oo uu ka hadalay Batroolka..

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com