SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - QARDHO

Waxaa magaalada Qardho  lagu soo gabagabeeyay kulan looga hadlayay difaaca Puntland oo maalmihii ugu dambeeyay ka soconayay magaaladaasi. 

Kulankaasi waxaa guddoominayay wasiirka dowladaha hoose iyo horumarinta gobollada ee Puntland Cali Cabdi Awaare, waxaana ka soo qeybgalay maamulka gobolka, kan degmada, Odayaasha, ganacsatada, haweenka iyo dhalinyarada. 

Gabagabadii kulankan waxaa ka hadlay gudoomiyaha gobolka Karkaar Yaasiin Siciid Xuseen oo uga mahadceliyay wafdiga uu hogaaminayo wasiirka dowladaha hoose iyo horumarinta gobollada ee magaalada Qardho kulankaasi dartiis u joogay. 

Gudoomiyuhu wuxuu kaloo ammaan u jeediyay kaalinta hooyooyinku ay kaga jiraan horumarinta bulshada, isagoo sheegay in kaalinta haweenku ay tahay mid aan la qiyaasi Karin marka ay dhinac kasta noqoto. 

Wasiirka dowladaha hoose Cali Cabdi Awaare oo isagana halkaasi ka hadlay waxaa uu si aad u soo dhoweeyay bulshada magaalada Qardho iyo maamulkooda sida ay ugu heellan yihiin u diyaargarowga difaaca Puntland. 

Wasiirku wuxuu dhaliil kulul u jeediyay maamulka Somaliland oo faragelin qaawan ku soo sameeyay deegaamada Puntland. 

Wasiirku wuxuu sheegay in aysan habooneyn in 17 sano ka dib lagu dhaqaaqo degaan qabsasho, balse ay ahayd buu yiri in laga duulo sidii horumar loo sameyn lahaa. 

Waxa uu intaa raaciyay in Puntland aysan go’aankeedu ahayn in ay qabsato deegaamo ka tirsan maamulka Somaliland. 

“Puntland oran mayso waxaanu qabsanaynaa Burco, Hargeysa iyo Berbare” ayuu yiri Mr. Awaare. 

Wasiirku wuxuu intaa raaciyay in gobolka Sool maamul goboleedka Puntland uu dib ugu soo celin doono gacantiisa, wuxuuna sheegay in shacabka Sool aysan aqbalayn xukun bannaanka uga yimaada ayna hadda ku hawlan yihiin sidii ay isaga saari lahaayeen faragelinta Somaliland.

Madaxweynaha Puntland oo cafis u fidiyay Maxaabiis xukun lagu riday.

Madaxweynaha Maamulka Dowlad Goboleedka Puntland Gen. Cadde Maxamuud Muuse Xirsi ayaa maanta cafis u fidiyay lix nin oo maxkamadda koowaad ee magaaladan Boosaaso ku xukuntay xarig sanooyin ah.

Markii ay maxkamadda xukunka ku riday kadib ayaa waxaa maxkamadda horteeda qoraalka cafiska ah Madaxweynaha u fidiyay maxaabiistaasi ka aqriyay Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha C/samad Yuusuf Abwaan oo sheegay in cafiskan uu ku yimid dadaal dheer oo ay sameeyeen Isimada iyo Odayaasha Puntland gaar ahaan Odayaasha ay ka soo jeedaan ragga la xukumay.

Wuxuuna Wasiirka Ganacsiga oo u waramayey Saxaafadda ayaa sheegay in Madaxweyne Cadde Muuse uu aqbalay codsiga ay soo jeediyeen Odayaasha ayna ballan qaadeen in aysan dhici dhacdadii hore oo kale ee lagu soo eedeeyay raggan la cafiyay.

Lixdan nin ee Maxkamadda darajada koowaad maanta xukuntay ayaa lagu soo eedeeyay in ay hub sharci daro ah soo geliyeen Puntland isla markaana qaar ka tirsan raggaasi laga soo qabqabtay guri ay ciidamada Booliska weerar hubeysan ku qaadeen dhawaan, waxaana ragga la xukumay ka mid ahaa nin dhaawac ahaan loo soo qabtay oo ku jira isbitaal.

Ciidanka Daraawiishta Puntland oo wada dhaq-dhaqaaq malatari.
 
Tan iyo markii maamulka S/land uu qabsaday magaalada Laascaanood ayaa gobolada Puntland waxaa laga dareemayaa dhaq-dhaqaaq Ciidan oo uu wadoo maamulka Puntland iyo beelaha deegaanka , ciidankaaso ku wajahan magaalada Laascaanood. 

Cadde Muuse M.waynaha Puntland ,  ayaa isugu la wareegay hogaanka Ciidanka Puntland , wuxuu gashaday tuute dirayska ciidanka , taa soo uu M.waynuhu uu ku muujinayo sida uu dalku xaalad dagaal ugu jiro. 

M.waynaha , ayaa wuxuu beryahan wadaa booqashooyin uu ku tagayo fariisimada ay ku sugan yihiin Ciidamada Puntland , wuxuuna halkaasi ka jeediyay khudbado ku aadan dhanka Malatiriga. 

Wuxuu balan ku qaaday M.waynuhu in maamulkiisu uu si dhakhso ah uu dib ula soo laaban doono magaalada Laascaanood. 

Sikastaba , waxaa muuqata in mar labaad dagaal xoogan uu magaalada Laascaanood ku dhexmari doono Ciidamada Puntland iyo S/land , ku waa soo ku muransan gacan ku haynta magaalada Laascaanood.

bashiir cumar cali
bashiir137@gmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Oct 31, 2007


Cadde Muuse oo Shaaca ka qaaday in ku "daalay" Madaxweynanimada
"waa waqtigii aan nasan lahaa.. anigu waan daaley.." Sidaas waxaa yiri Madaxweyanaha DGPL oo u waramayey idaacada Codka Maraykanka, waxa kale oo uu ka hadalay Batroolka..

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com