SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MUQDISHO

Siyaasiyiinta Beelaha Hawiye oo Dowladda Itoobiya ku eedeeyey inay kaga hiiliyeen....
 
Wararka naga soo gaaraya Magaalada Baydhabo waxay sheegayaan in kulan ay isugu yimaadeen Siyaasiyiinta Beelaha Hawiye si weyn looga hadlay iscasilaadii Ra'isul Wasaarihii hore ee DFKMG Geedi, waxayna sheegeen siyaasiyiintu in iscasilaadaasu ay ku timid cadaadis Geedi kaga timid Beesha Caalamka gaar ahaan Itoobiya iyo Mareykanka.
 
"Itoobiya waxay nooga hiilisay Beesha Daarood, iyadoo og in Soomaalid ay u kala degto beelo, beelaha Haweyana ay yihiin kuga ugu tirada badan Soomaaliya" ayay yiraahdeen Siyaasiyiintaasi oo sheegay in Dowladda Itoobiya ay kaga hiilisay Beesha Daarood.
 
"Shirkii lagu qabtay Nairobi waxaa dowladda loo qaybsaday qaab beeleed, waxaana beesha Hawiye kaga soo aaday Ra'isul Wasaare, mana aheyn in Ra'isul Wasaaraha lag u cadaadiyo in xilkiisa uu isaga dego, sidaa darteed, waxaa loo baahnaa in C/llaahi Yuusuf iyo Cali Max'ed Geedi ku kala baxaan dhinaca dastuurks iyo baarlamaanka" waxayna intaa sii raaciyeen "Markii la saaray Dowladdii Max'ed Siyaad Barre, waxay Beesha Caalamka isku raacday in Beelaha Hawiye ay xaq u leeyihiin in ay qabtaan jagada Madaxweynenimo, balse waxa jagadaan duudsiiyey Beelaha Hawiye Dowladda Itobiya oo la dhinac noqotay beesha Daarood".
 
Siyaasiyiinta Beelaha Hawiye waxa ay sheegeen in ay dadaal u gali doonaan sidii ay u soo dhicin lahaayeen xaqa ka maqan Beelaha Hawiye.
 
Maalintii doraad ahayd ayaa Ra'isul Wasaarihii DFKMG Geedi oo ka soo degay Garoonka Diyaaradaha Baydhabo isagoo ka yimid dalka Itoobiya, waxa uu markiiba istiqaaladiisii u gudbiyey Madaxweynaha DFKMG C/llaahi Yuusuf, waxa uuna isla markiiba u duulay dalka Kenya
 
isku soo wada duuboo haatan Beelaha Hawiye waxay indhaha ku hayaan cidda loo magacaabi doono xilka Ra'isul Wasaarenimo, waxaana Magaalada Baydhabo ka socda kulamo la tashiyo ah oo la xiriira cidda loo magacaabayo Ra'isul Wasaaraha DFKMG ee Soomaaliya.
 
Amiin Yuusuf Khasaaro

Faafin: SomaliTalk.com | Oct 31, 2007


Cadde Muuse oo Shaaca ka qaaday in ku "daalay" Madaxweynanimada
"waa waqtigii aan nasan lahaa.. anigu waan daaley.." Sidaas waxaa yiri Madaxweyanaha DGPL oo u waramayey idaacada Codka Maraykanka, waxa kale oo uu ka hadalay Batroolka..

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com