SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

U diyaar  Garowga Doorashooyinka wadanka Kenya oo si weyn ugu socda  Gobaladda Dalka iyadda oo laga  Dareemayo  Xaafadda Islii ee ay degto Soomaalidu 
 
Wadanka Kenya wuxuu qaatay xornimadisa 1963, ilaa xilligaas wuxuu soo marray 3 madaxeyne,  Kenyatta, Daniel T. Arab Moi iyo M. Kibaki oo hadda talada haya, labadii hore waxay ku yimaadeen hababkii Africa xiliyadaas madaxdoodu ku imaan jireen ee ahayd ciidan, iyo awood, balse madaxweynaha iminka taladda haya ayaa waxa uu ku yimi Nidaamka  Democratic ee ka hano qaatay inta badan Wadamadda Yurub iyo Maraykanka  
 
Sidoo kale wadanka Kenya ayaa waxa uu ka mid yahay wadamada ugu horeeya xaqa dhaqaalaha, waxbarashadda, Amaanka, Decmocraticyada IWM, qiimayn dhawaantay ay samaysay Shirada uu leeyahay Maal qabeen Afrikaan ah oo lagu eegayey  si ay u kala sareemayaan Wadamada Afrika ayaa Kenya waxa ay gashay wadanka 14 .
 
Bulshada reer Kenya waa dad kala isir, diin iyo dhaqanba duwan, waxaase mideeya fakirka ah Kenyan waxaana ku weyn wadanimada , dhawaan mar aan  socdaal gaaban ku tagay Magaaladda Kasuuma oo uu ka soo Jeedi Mudane Raila Odinga ayaan  ku arkay dad badan oo wata Boodhadh iyo Sawiro ay yeelihiin Musharixiinta kale, waxa ayna igu noqotay Layaab kama  filanayn in aan Kasuumo aan ku arkayo dad taageersan Kibaki iyo Kalonso waayo waxaa Degan qabiilka uu  ka soo jeedo Raila, waxaana jira culufo u kala dhaxeeya kuukuuyadda iyo Jalwadda
 
Dhamaadka sanadka ayaa loo balansanyahay in ay dhacdo Doorashooyinka guud wadankan Kenya, waxaana lagu wadaa in 27/12 ee  sanadkan ay wada dhacaan dhamaanba Doorashooyinka Madaxweynaha , Baarlamaanka iyo  Degmooyinka,  iyadoo 22 bishana  uu Madaxweynahu kala  Diray Golaha Baarlamaanka 
 
Wali waxaa la shaaciyey in ay u sharaxanyihiin Jagadda Madaxweynenimadda wadanka  Saddexdda  Hugaamiyayaal ee kala  Hugaaminaya Xisbiyadda  Part National Union oo loo soo gaabiyo PNU waxaana  u taagan Xisbigan Madaxweynaha iminka Xilka haya mudane  Mwai Kibaki, Orange  Democratic movement  waxaana loo soo gaabiyaa ODM waxaana u taagan Siyaasiga caan ka ah ee Mudane Raila Odinga   iyo Orange Democratic Movement Kenya waxaana loo soo Gaabiyaa ODM-Kenya  xisbigan waxa uu horay ugu jiray xisbiga kale ODM waxaana hugaanka xisbigan haya Mudane Kalonso Musyoka . 
 
Warbaahinta Madaxa banaan ee wadanka Kenya qaarkood oo dhawaan sameeyey Rayi ururin Musharaxa  ugu codka badan wadanka amase ugu horeeya oo ugu  dhaw in uu noqdo Madaxweynaha  4aad ee Kenya ayaa Mudane Raila Odinga waxa uu noqday ninka ugu horeeya Madaxweyne Kibakina uu noqday kan Labaad waxaana kaalinta Saddexaad galay Kalanoso Musyoko balse rayi ururinta ayaa waxa diiday kana soo horseedtay xubno ka jira Xisbiga PNU  
 
wali si cad loo ma shaacin karo mas'uulka noqon doona madaxweynaha wadanka Kenya ee 2007 balse marka aad la sheekaysayid Muwaadiniida  kala duwan ee Kenyatiga ahi waxa ay kuu sheegayaan in Musharihiinta Kibati iyo Raila ay isku dhaw yihiin kii uu la heshiiyo Mudane Kolanosona uu noqon doono Madaxweynaha 
 
Bulshooyinka Muslimiinta ah ee Degan wadanka ayaa waxa ay sanadkan u Olalaynayaan  in uu soo baxo Xisbiga ODM  maadaama uu Madaxweyne Kibaki Dad badan oo Muslimiin ah uu u gacan galiyey wadamo Shisheeye sida Maraykan iyo Itoobaya waxa ayna dadka Muslimiinta ah aad u danaynayaan Siyaasadda Raila Odinga iyo ODM,  waxaana xusid mudan in uu xisbigan ODM uu  laf dhabar ka yahay Siyaasiga Muslimka ah  Mudan  Najib Balala uuna  ka mid yahay xubin Shanta Golaha Sarre ee Pentagon   
 
Soomaalida  ah kenya ee degan wadanka Kenya ayaa   waxa ay hadeer haystaan Fursad aysan  ahaysan xiligii Madaxweynihii hore ee wadanka Kenya  Mudane Daniel T. Arab Moi iyaga oo xiligaas u leexsanaa dhinac Kanu  iyo madaxweynihii xiligaas taladda hayey, waxa ayna dadka kale ee Kenyaga ah ay ugu  cudur daareen in ay jirto cabsi xoog leh  oo hadii ay u Codeeyaan Xisbiyadda kale  dhib ay u Imaanayso  balse hadeer taasi meesha waa ay ka baxaday waxa ayna  yihiin kuwo la mid ah Qoomiyadaha kale ee wadanka Kenya ku  nool ee walaalahood ah taana waxaa ugu wacan  Siyaasadda Madaxweynaha Mwai Kibaki,  
 
Xaafadda Soomaalidu  Degto ee ku taala Degmadda Kamukunji ee Magaaladda Nairobi ayaa waxaa si weyn ugu socda  Olalaha doorashadda Madaxweynaha, Baarlamaanka iyo Degmooyinka ay ka kooban tahay  Degmadda Kamukunji
 
Marka aad dhex socotid Magaaladda waxa ay indhaagu qabanayaa dadweynayaal koox kooxaha oo ku kala la bisan Calaamadaha Xisbiyadda PNU, ODM, ODM-Kenya iyo Boodhadho waa weyn oo ay ku xardhan yihiin sawiradda Musharaxiinta Madaxweynayaasha, Xildhaanadda  iyo Maayiradda oo ku dhagan Darbiyadda iyo Boodhadhka Laydhka
 
Sidoo kale Baabuur ay ku xidhan yihiin Codlaliyaasha aad u qayladha dheer ayaa Xaafadaha ay ka kooban tahay Degmadda Kamukunji dhex maraya iyaga oo ku Baraarujinaya Dadweynaha in ay tahay wakhtigii codaynta loona baahan yahay in la Codeeyo loona Codeeyo Musharaxiinta sharaxan
 
Xildhibaanimadda Kamukunji waxaa u taagan Musharixiin badan oo kala Qoomiyado ah sida Soomaali, Kuukuyo iyo kuwa kaleba   waxa ayna  kala  sharaxan yihiin Xisbiyadda balse waxaa jira Musharixiin iyagu iskood isku taagay
 
Mudane Yuusuf Xasan Cabdi Indha Buur oo ah Soomaali-kenya u taagan Jagadda Xildhibaanidda Degmadda Kamukunji ee ay ku taalo Xaafadda Islii ayaa ah dadka ugu cad cad in ay ku soo bixi doonaan Xildhibaanidda Degmadda Kamukunji
 
Yuusuf  Indha Buur waxa uu ka sharaxan yahay Xisbiga ODM oo ah xisbiga ugu taageeradda badan Qiimayn rayi ururin ah oo ay dhawaan samaysay Warbaahinta Madax banaan qaarkood
 
Yuusuf Xasan Cabdi Indha buur waxa uu horay u ahaan jiray Wariye caan ka ah wadanka Kenya sido  kale waxa uu u shaqayn jiray ka hor itii uu san Xildhibaanimadda isku soo sharaxin Qaramadda Midoomay Xafiiskooda Nairobo, iminkana waxa uu u taagan yahay Xildhinaanimadda Kamukunji ee Nairobi
 
Cabdiqani Makhtal
Nairobi
 
 
Cabdirashiid Barkhadle Warsame oo sheeg  in uu  Isagu Xidhiidhiye ka yahay Kacdoonadda ka socda Magaaladda Laascaanood ee looga soo horjeeddo Maamulka Soomaalidiidka  
 
Dr Cabdirashiid Barkhadle Warsame oo hore Gudoomiyaha Gobalka Sool ahaan jiray ayaa sheegay in uu xidhiidhiye ka yahay hawlaha ka soconaya Magaaladda Laascaanood waxa uuna sheegay  guud ahaanba dadka deegaanadda SSC ay u dhan yihiin  sidii dalka looga xorayn lahaa Maamulka Dirta Waqooyi  ee ku soo duulay  
 
Mr Barkhadle waxa uu xusay in ay jiraan Saddex nin oo Madax u ah Hawlagalkan ka soconaya Magaaladda Laascaanood ee looga soo horjeeddo Awood ku qabsashadda dalka , sidoo kale waxa uu sheegay in ay  Xisaabinayaa wax walba oo ay geystaa Ciidanka ka yimi Waqooyiga fog ee Soomaaliya  
 
waxa uu sheegay in Seddex Maalmood ka dib ay soo sheegi doonaan Khasaaraha dhimasho, Dhaawac iyo Dhaqaalo ah ee ay u geysteen Ciidanka  Gardaradda ku yimi dhulkooda ee ka soo duulay Boorame iyo W/galbeed   Saxaafadda Soomaaliya oo dhana ay u soo  gudbin doonaan iyo tan Caalamkaba

ugu Danbayntii Cabdirashiid Barkhadle Warsame oo ku sugan Magaaladda Garoowe oo uu noo sheegay in uu hadeer shaqo yar u tagay halkaas uuna  dhawaan dib ugu soo laaban doono magaaladda Laascaanood , waxa uuna  dhamaanba Bulshadda SSC ee joogta  Gudaha ka  codsaday in ay la shaqeeyaan oo ay hiil iyo hooba garab is  taagaan si dalka looga saaro Ciidamadda Cadawga ah ee ku soo duulay

waxa kale oo ay ka codsadeen Jaaliyaddaha Dibadda in ay dhaqaale  la soo gaadhaan  raggan iskood ku hawlay ee  Xabaddu ku socoto una istaagay  sidii  cadawga looga saari dalka, sidoo kale waxa ay sheegeen in ay hubaahan yihiin dhamaanba Agabkii ay ku hawgali lahaayeen
 
kala xidhiidh
 
Xidhiidhyahay Hawlaha ka soconaya SSC
Dr Cabdirashiid Barkhadle Warsame

 

Faafin: SomaliTalk.com | Oct 30, 2007


XUSUUS TAARIIKHEED LA DUUGEY: Talyaaniga ayaa Gumeysatey Itoobiya Shan sano (1936-1941)

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com